Sign in to follow this  
Liqaye

Shabaabka Ceelbuur oo dhac iyo digniin isugu daray ganacsatada degmada

Recommended Posts

Liqaye   

March 25, 2011 - QOL - Ceelbuur(Keydmedia) - Wararka Keydmedia ay kaheleyso degmada Ceelbuur ee gobalka Galguduud, Bartamaha dalka Soomaaliya, ayaa waxa ay sheegayaan in maamulka kooxda Shabaab ee degmadaasi ay dheceen Galeey ku jirtay bakhaarro afar gaarayaa oo ay lahaayeen rag ganacsato ah.

 

Waxa ay intaa ku darayaan ila wareedyada ku sugan degmada in Shabaabka boobka iyo bililiqada kula kacay xoolaha shacabka in ay ku andacoodeen in Galeydaasi ay tahay mid dalka ay soo gelisay WFP xaqna ay u leyihiin in ay lawaregaan maadaama ay horay u mamnuuceen, arntaas oo ganacsatadii ladhacay ay ku macneeyeen mid lagu baneysanayo boobka hantidooda.

 

Raga Galeyda sida qasabka ah loogala wareegay oo lagukala magacaabo Cabdi Cadde, Maxamed Cismaan, Cabdulaahi Dirir iyo Xasan Xaashi oo lagu naaneyso Ceel Qooxle ayaa waxaa loogu hanjabay hadii ay markale degmadaasi geeyaan Galeeydaas oo kale in tilaaba adag laga qaadi doono.

 

Al-shabaab, oo inta badan lagu eedeeyo in ay dhaqan gelinayaan waxyaabaha dhibka ku ah shacabka Soomaaliyeed ee kasoo horjeda horumarka dalka iyo dadka, ayaa waxa ay horay u mamnuuceen hey’ado badan oo kashaqeeya dhanka samafalka oo ay kamid tahay WFP iyaga oo ku hanjabay cidii lashaqeysa in iyana il gaar ah kooxdu ay ku eegi doono.

 

Keydmedia.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this