Bashiir Posted March 25, 2011 Ugu yaraan 7 askari oo Shabaabka ka tirsan ayaa ku dhintey xalay saldhig ku yaala Ceelasha Biyaha oo ay Shabaabka leeyihiin kadib markii lagu weeraray garneelo aanan la ogeyn cidda tuurtey. Alshabaab ayaa horey looga bartay in ay ciidamadeedu weeraro kaasi oo kale ah ku qaadaan saldhigyada ciidamada DKMG ah iyo kuwa Afrikaanka ee AMISON, balse hadda waxa ay u egtahay inuu xaalku yahay laga barayba laga badi. Weerarka waxa uu ahaa qasaaro baaxad weyn marka laga hadlayo Shabaabka oo aanan horey ugu baran in cid ay kusoo dhiirato in weerarkaasi oo kale ay ku qaado. Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada qaraxaasi Quote Share this post Link to post Share on other sites