Sign in to follow this  
Liqaye

Ciidamada kasoo goosanaya Al-Shababa iskuna soo dhiibaya Dowlada oo sii kordhaya.

Recommended Posts

Liqaye   

Sida ay ku waramayaan saraakiil sar sare oo katirsan Dowlada KGS ayaa sheegaya in maalinba maalinta kadanbeysa ay sii kordhayaan Dhalinyarada u dagaalanta Xarakada Al-Shabaab ee isku soo dhiibaya Ciidamada Dowlada KGS ee horey dagaal kala horjeedeen.

 

Shalay ayaa ugu danbeysay oo la sheegay in askar karirsan Ciidamada Al-Shababa ay isku soo dhiibeen kuwa Dowlada kadib markii ay ku godoomeen aagaga Dagaalka ee Degmada Wardhiigley sida uu sheegay Masuul katirsan Wasaarad Warfafainta Ee Dowlada KGS .

 

labo maalin kahor ayey aheed markii Ciidamo katirsan Al-Shababa la sheegay in ay isku dhiibeen Ciidamada Dowlada ee kusugan Degmada Ceel-Waaq ee Gobolka Gedo kuwa oo ku hubeesna gaari dagaal iyo qoryaha fud fudud ,askarta isas soo dhiibtay oo Saxaafada lahadlay ayaa waxa y sheegen in ay ka faa'iideesanayana waqtiga Dowlada ay siisay .

 

 

Madaxda ugu sareysa Dowlada KGS Sida Madaxweyne Shiikh Shariif iyo Raizul Wsaare Farmaajo ayaa mudooyinkii danbe waxa ay baaq isdaba joog ah u dirayeen Dhalinyarada u dagaalanta Al-Shaaba kuwaas oo ay ugu baaqayeen in ay isa soo dhiibaan hadii ay isdhiibaan ay heli doonaan Dhaqan celin iyo wax u qabad dhan walbo ah ee ka helaan Dowlada.

 

Dowlada ayaana horey ugu qabatay waqti kama danbeys ah ee isku soo dhiibaan Ciidamada Al-Shabaab waqtigaas oo dhamaday ,balse Dowlada ay ku dartay bil dheeraad ah oo ku eg hadii ay bishana Idlaato in ay isku soo dhiibaan Dhalinyarada u dagaalnata Xarakada Mujahaidiinta Al-Shabaab.

 

Xafiiska Warbaahinta Allbanaadir.com

Allbanaadir@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this