Sign in to follow this  
Liqaye

Falcelis: Sirta SSC Heshay: Been Casriyaysan!!

Recommended Posts

Liqaye   

Falcelis: Sirta SSC Heshay: Been

Casriyaysan!!

Wq. Cali M. Cartan

March 23, 2011

 

Hiilka qoraa Maxamed Baashe X. Xasan u muujiyey masuuliyiinta maamul beeleedka ‘Somaliland’ waa mid taban. Wuxuu si ka fiirsho la’aan ah u beeniyey waraysiyada loogu magac daray Sirta SSC-du Heshay ee lagu baahiyey mareegaha internetka qaar ka mid ah. Mudane Maxamed ma aanu soo bandhigin sababo faahfaahsan oo akhristuhu ku qanci karo, kuna beenin karo warbixinahaas oo aan ka ahayn in ay jirto aalad codka lagu bedbedeli karo oo la macno ah qori qori ku taag. Qaybaha danbe ee warqaddan baan ku xusi doonaa si kooban sida qalabka codadka lagu farshaxameeyo u shaqeeyaan. Si kastaba ha ahaatee Maxamed xaq ayuu u leeyahay fikirkiisa qof ahaaneed balse xaq uma laha inuu marin habaabiyo fikirka dadka ka aragtida duwan.

 

Midda labaad Maxamed waxa kale oo uu tusaalayaal u soo qaatay arrimo kale oo lagu faafiyey warbaahinta isaga oo la xidhiidhinaya beesha deegaanka SSC in ay falkeen. Tan laftigeeda run iyo beenteeda cidda samaysay lama caddayn karo iyo ulajeedooyinka laga lahaa. Maxamed wuxuu si dadban u bannaynayaa in beesha SSC aanay aayahooda ka tashan karin oo si kasta oo suuro gal ah lagu hoos keeno maamul beeleedka “Somaliland”. Taasina waxay la mid tahay wada tashan mayno, kalana tegi mayno.

 

Mudane Maxamed waxa kale oo uu miciin biday sida aanay caqli gal u ahayn in qof qariib ah, oo aanay garanayn madaxda ‘Somaliland’ ugu warrami karin balse su’aashaas miyaanay ku habboonayn in la waydiiyo madaxda maamulka ‘Somaliland’? Xaggee buu Maxamed cuskan doonaa haddii qaar madaxdan ka midi yidhaahdaan waanu ku fashilanay shirqoolkan? Arrintani weli waa ugub oo baxnaanin bay u baahan tahay, war jiraaba cakaaruu iman inuu hadalka ku soo koobo baa u badbaado badnayd balse Maxamed ma haleelin.

 

Haddaynu u soo noqonno nuxurka waraysiyada masuuliyiinta ‘Somaliland’ bixiyeen waa marka aynu dhan iska dhigno dhab iyo dhayal ahaantooda’e; waxaa xaqiiqa ah in sida ay odayaashu u hadleen tahay sida dhabta ah ee ay fagaarayaashaba ka sheegaan, falalka maamulku ka sameeyo deegaamada SSC-na waraysigani sii xoojinayo. Ina Kaahin, Taani, Waraabe, Cadami, Siilaanyo iyo kuwo kaleba wax cusub kuma aysan soo kordhin isle’egta siyaasadeed ee gobolada waqooyi ka jirta. Maxaa yeelay waynu wada ognahay in beelaha waqooyigu iskaga soo horjeedaan fikirka siyaasadeed. Falalka is huwan ee aan ku ekayn barakicinta, xadhiga maatada, dilalka kediska ah, iyo cabudhinta maamulka ‘Somaliland’ ka wado deegaamada SSC waa mid khatar ku ah xasiloonida Soomaaliya gaar ahaan gobolada waqooyi. Waa ayaandarro inaynu ku luminno tamarteena run iyo been ahaanta waraysiyada Sirta SSC-du Heshay halkii aynu ka wada shaqayn lahayn sidii dadka inta hadhay aynu u kala badbaadin lahayn.

 

Waxa kale oo aad mooddaa in Maxamed Iloobay in digtoonida siyaasiyiinta dalalkan reer galbeedka ee aynu soo degnay ku dhaqmaan aanay lahayn siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee qabyaaladda iyo dhaqan xumadu madax wareerisay. Haddii aynu dhaqankaas yeelan lahayn wax badan baa dadka u badbaadi lahaa. Xaqiiqadu waxa ay tahay dadka aynu siyaasiyiinta ku sheegaynnaa waa niman dhaqan jabhadeed leh, kana tagay is xeerintii iyo is qaddarintii beryo dadka u dhaxaysay. Sahal u warramidda iyada wax badan ka odhan maayo, sababtoo ah iyada waynu ka dharagsannahay inta jeer ee hore ee arrimo kuwan la mid ah ama ka daran ay siyaasiyiin ku sheeggaasi hore telefoonno (teleconference) iyo meelo kaleba wax uga dhex yidhaahdeen iyaga oo inna aan iska hubin dadka dhageysanaya. Bal adiguba isweydii inta ina Cali Waraabe is dhowri karo ama fadeexad iska ilaalin karo?

 

Aaladda Codka: Qalabka codadka lagu dooriyo boqolaal bay kor u dhaafeen, iyagoo tayadoodu is dhaanto. Hababka ay wax u duubaan sharaxaad dheeraad ah bay u baahan tahay, ka Maxamed xusayna waa mid ka mid ah, inkasta oo su'aal laga keeni karo illaa xadka qofka codkiisa la keeni karo ama la jili karo. Waxa intaas dheer haddii aynu aragtida Maxamed qaadano oo nidhaahno waraysiyadani waa been, innaga oo aan soo jeedin sababo dhammaystiran oo muujinayaa sidaas, waxa markaas dhacaysa in wax kasta oo idaacad laga sheego aan la rumayn karin, lana beenin karin. Taas oo keenaysa in qof waliba wax kasta oo uu sheego dafiro, yidhaana waa been abuur. Hoos waxaan ku soo guntay waraysiyadii madaxda ‘Somaliland’ bixisay. Run iyo been ahaantiisana dhegaystaha ayaan u deynayaa oo aan leeyahay caqligaaga la kaasho.

 

Akhriste halkan ka dhegayso waraysiyadii dabadeedna go’aan cilmiyaysan oo ka madax bannaan qolyaha is haysta ka gaadh.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this