Sign in to follow this  
Liqaye

Madaxweynaha Soomaaliya oo booqday aagagga dagaalka Boondheere iyo Maydad lasoo bandhigtay

Recommended Posts

Liqaye   

Talaado, Maarso 22, 2011 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed iyo xubno ka tirsan DKMG ah ayaa maanta socdaal ku tagay aagagga ay ciidamada DKMG ah iyo AMISOM kaga sugan yihiin degmada Boondheere oo ay saakay ka dhaceen dagaallo u dhexeeya DKMG ah, AMISOM iyo Xarrakatul Shabaab.

 

Sheekh Shariif iyo xubnaha la socday ayaa tagay dhufeysyo ay sheegeen in DKMG iyo AMISOM ay saakay kala wareegeen Xarrakatul Shabaab, balse waxay awoodi waayeen inay halkaas dhaafaan kaddib markii ay weerarro soo qaadeen xoogagga Al-shabaab.

 

Madaxweynaha Soomaaliya oo dhiniciisa ay yaalleen maydadka laba wiil oo dhallinyaro ah ayaa ugu baaqay dhallinyarada Xarrakatul Shabaab ka tirsan inay joojiyaan dagaallada, isagoo sidoo kalena ugu baaqay dagaal-yahannad ka barbar dagaalama inay dalka isaga baxaan.

 

Intii uu socday socdaalkii ay madaxweynaha iyo xubnaha la socday ku tageen aagagga degmada Boondheere ay dowladda iyo AMISOM kaga sugan yihiin, ayaa waxaa dhacayay rasaas ay soo tuurayeen xoogagga Xarrakatul Shabaab ee ku sugan degmada Boondheere.

 

Socdaalka gaaban ee uu madaxweynuhu ku tagay degmada Boondheere ayaa si weyn uga duwanaa kuwii hore, waxaana uu dib uga soo laabtay isagoo aan tagin goobihii uu doonayay inuu saxaafadda tuso.

 

Xubnaha la socday madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in dagaalkii saakay ay iyagu qaadeen, ayna sii socon doonaan inta ay dalka ka saarayaan Xarrakatul Shabaab oo ay sheegeen inay xiriir la leedahay urur weynaha Al-Qaacida.

 

Dhanka kele, taliye ku xigeenka ciidamada xoogga DKMG ah ayaa kusoo bandhigay jidka Maka Al-Mukarama maydadka laba dhallinyaro ah oo uu sheegay inay ka mid ahaayeen xoogaggii Xarrakatul Shabaab ee ay saakay dagaalka la galeen.

 

Gen. C/kariin Yuusuf Aadan (Dhego-badan) ayaa sheegay in shacabka oo dhan looga baahan yahay inay dagaallada ka qaybgalaan, iyadoo maydadka dhallinyarada oo xirnaa dharka lagu yaqaan Xarrakatul Shabaab ay tan iyo saakay yaalleen jidka Maka Al-Mukarama.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho. Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this