Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Ahlu Sunnah Wal Jameeca oo qorsheynaaya in ay Ceelbuur qabsadaan maalmaha so socda

Recommended Posts

Dhaq dhaqaaqa Ahlu Sunnah oo dagaalo faraha looga gubtay kula jirta Xarakada Al Shabaab ayaa waxay Ahlu Sunada Gobolada Dhexe ay wadaa dagaalo culus oo ka dhan ah Xarakada Al Shabaab oo iyadu gacanta ku heyso qeybo kamid ah gobolka Galgaduud.

 

Ahlu Sunada Gobolada Dhexe oo uu fadhigoodu yahay magaaladda Dhuusa Mareeb ee gobolka Galgaduud ayaa waxay magaaladda ka wadaa dhaq dhaqaaqyo ciidan oo aad u xoogan, isla-markaana Ahlu Sunnah ayaa dhawr goobood ciidamo xoogan ku diyaarisay.

 

Goobo kamid ah goobaha ay Ahlu Sunnah kaga sugan tahay Gobolka Galgaduud ayaa waxay ka wadaa dhaq dhaqaaqyadii ugu xooganaa bishaan, isla-markaana saacadaha soo socda ayaa waxaa dhici kareysa in dagaalo faraha looga gubto ay ku qaadaan Shabaabka Galgaduud.

 

Mid kamid ah saraakiisha Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe oo ka gaabsaday magaciisa ayaa wuxuu u xog waramay Shabakadda Caalamiga ah ee Dhacdo.com, isla-markaana wuxuu sheegay in saacadaha soo socda ay dhici kareyso in dagaalo xoogan ay ku qaadaan Xarakada Al Shabaab.

 

Sarkaalkaan ayaa wuxuu sheegay in dagaalada Ahlu Sunnah ay qaadeyso ay timid, kadib markii hal cisho kahor ay kullan culus magaaladda Dhuusa Mareeb ay ku wada yeesheen Xukuumadda Soomaaliya iyo Ahlu Sunada Gobolada Dhexe, isla-markaana waxaanu isku af-garanay buu yiri inaanu Shabaabku ka saarno guud ahaan Gobolka Galgaduud.

 

Dhinaca kale shacabka ku dhaqan magaaladda Dhuusa Mareeb oo maanta ay Shabakadda Dhacdo.com kula sheekeysatay gudaha magaaladda Dhuusa Mareeb ayaa waxay inoo xaqiijiyeen inay qabaan dareen cabsiyadeed oo ku aadan, dagaalo culus oo markale ka qarxa Gobolka Galgaduud.

 

Si kastaba ha-ahaatee waxaa maanta magaaladda Dhuusa Mareeb ee Gobolka Galgaduud ka taagan dhaq dhaqaaqyo ciidan oo xoog leh, oo ay wadaan Ahlu Sunada Gobolada Dhexe, lamana oga waxa ay kusoo idlaan doonto natiijada Gobolka Galgaduud, laakiin wixii kusoo kordha kala soco wararkayna dambe, haddii uu RABI

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this