Sign in to follow this  
Liqaye

Sideen codkeena ugaarsiinaa dhalinyarada lamarin habaabiyey [CCD Seminar Mogadishu].

Recommended Posts

Liqaye   

Isniin, Maarso 21, 2011 (HOL) – Hay'adda wada-hadalka bulshada ee CCD ayaa maanta ugu qabatay magaalada Muqdisho siminaar looga hadlayay baraarujinta dhallinyarada in ka badan boqol odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ka tirsan.

 

Siminaarkan oo halku dhigiisu ahaa sideen codkeena u gaarsiin dhalinyarrada ayaa waxaa looga dooday sida xilligan dhallinyarada ay uga qaybqaadanayaan colaadda dalka ka taagan iyo sidoo kale u nuglaanshaha in dagaallada loo adeegsado.

 

Islow Maxamed Yuusuf oo ah wakiilka imaamka ****** ayaa ugu horreyn ka hadlay ujeeddada siminnaarka iyo sida loogu baahan yahay in odayaasha dhaqanka ay guntiga u xirtaan sidii ay ku badbaadin lahaayeen dhallinyarada Soomaaliyeed ee colaadaha loo adeegsado, wuxuuna mahad u celiyay hay’adda CCD sida ay juhdi u gelisay is-fahamka odayaasha iyo dhallinyarada.

 

Wakiilku wuxuu sheegay in loo baahan yahay in dhallinyarada loo badiyo siminnaarada si looga wacyi-geliyo dagaallada, isagoo xusay in muhiimadda koowaad la siiyo in wax la baro, wuxuuna xusay in odayaasha dhaqanka ay diyaar u yihiin inay dhallinyarada baraan dhaqanka wanaagsan.

 

Nabaddoon Khaalid Cabdi Jimcaale oo isa ku hadlayay magaca nabaddoonnada ayaa tilmaamay in hay'adda CCD ay culumaa'udiinka, odayaasha, waxgaradka, haweenka iyo dhallinyarada u qabato siminnaar ay ku baraarujinayso, wuxuuna ku baraarujiyay inay qayb ka qaadato sidii dalka looga samatabixin lahaa dhibaatada ku habsatay.

 

Sidoo kale, waxaa siminnaarka ka hadlay Sheekh Maxaadey Maxamuud Jilacow oo qudbadiisa guu dheereyd jeediyay taasoo ku saabsanayd diinta Islaamka iyo dhaqanka wanaagsa, isagoo ku baraarujiyay odayaasha dhaqanka inay dib u fiiriyaan wixii ay dalka iyo dadku soo mareen.

 

Sheekh Maxaadey ayaa sheegay in loo baahan yahay in bulshada wanaaga is farto ayna iska reebto xumaanta isagoo xusay in dadku haddii ay xumaha iska reebi waayaan ay dhammaantood hagaalsami doonaan.

 

"Waxaa la rabaa in ilmaha ama carruurta jid wanaagsan lagu barbaarjiyo, lagalana sheekeysto wixii dhibaato ah ee haysta, si looga hortago inay hawadooda xun raacaan ," ayuu yiri Sheekh Maxaadeey oo farriin gaar ah u dirayay waalidiinta.

 

Sheekh Maxaadey wuxuu odayaasha dhaqanka ka codsaday inay iskaashadaan si wadajir ahna ay u wacyi-geliyaan caruurta iyo dhalinyarada qaybta ka qaadanaya burburka dalka.

 

Siminaarka oo odayaashii kasoo qaybgalay ay doodo kulul isku dhaafsadeen ayaa waxay ka qayb-galayaashu soo jeediyeen fikradahooda ku aadan sida dhallinyarada looga wacyi-gelin karo hurinta iyo ka qaybgalka colaadda dalka ka taagan.

 

Ugu dambeyn, waxaa siminaarka soo xiray xildhibaan Salaad Cali Jeelle oo khudbad dhinacyo badan taabanaysay ka jeediyay goobta wuxuuna ku ammaanay odayaasha in halgankii ay ku jireen uu mira-dhalay, isla markaana dhallinyaro badan ay ku qanciyeen inay colaadaha joojiyaan si dalka iyo dadka ay horumar u gaaraan.

 

Siminaarkan maanta lagu qabtay Hotelka saxafi ee magaalada Muqdisho ayaa ah wajigii labaad oo halku dhig looga dhigay sideen codkeena u gaarsiin dhalinyarada colaadaha loo adeegsado, iyadoo ay jiri doonaan kuwo kale oo midkan daba socda.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this