Sign in to follow this  
Liqaye

Al-shabaab oo boob ka geysatay Deegaanada Afarta Tuulo oo ka tirsan Gobolka Sh/Dhexe

Recommended Posts

Liqaye   

Waraka ka imaanaya degaanada Afarta Tuulo oo ka tirsan Shebeelaha dhexe ayaa sheegaya in maleeshiyooyin ka tirsan xarakada Shabaab ay halkaasi ka geysteen falal isugu jira boob iyo xarig lagula kacayo dadka iyo duunyada ku dhaqan deegaanada Ceelbaraf, Caadley, Meer-tuugo iyo Biyacade oo dhamaantood ka tirsan shabeelaha dhexe.

 

Maalinimadii shalay ayay dadka deegaanka sheegeen in maleeshiyadaasi ay deegaanka Ceelbaraf ka wateen lix neef oo Geel ah kuwaaso sheegay in loogu gargaarayo ciidamada ay ku tilmaameen Mujaahidiinta daafacaya Islaamka, iyagoo handadaad iyo jirdil u geystay dadkii iska lahaa xoolhaasi oo ku sugnaa ceelku yaala deegaankaas.

 

Warku wuxuu intaa ku darayaa in maleehiyadaasi ay ku amreen dadka deegaanka in aanay ceelasha ku yaala deegaankaai u soo aroori karin cidii aan dhhibin hal neef oo Geel ah xili ay dadka ku dhaqan deeganadaas ay la leecayaan abaarahan saameeyay dadka iyo duunyada taasoo ku kaliftay in lafahooda ay ula baxsadaan dhinaca Buurta oo ku taala duleedka afarta tuulo ee shabeelaha dhexe

 

Maaha markii ugu horeysay oo ay maleeshiyooyinkaasi talaabooyin nuucaan oo kale ah kula kaceen dadka masaakinta ee ku dhaqan deegaanada Shabeelaha dhexe taasoo dadka ay u arkaan mid siyaasadeed oo loogu darnaanayo dadka ku dhaqan deegaanadaas.

 

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)

xuurshe114@hotmail.com

Muqdisho-Somalia

Tel:0025261-5573321

00252699995088

 

 

 

[Leaning on qabilist support, kidnapping child soldiers, and now the use of robbery and thievery to refill coffers.]

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this