Sign in to follow this  
Ismahaan

Waxba Shaqadayda uma dhimayso Miino wadada la dhigay (Xeer Ilaaliyaha guud ee Puntland)

Recommended Posts

Ismahaan   

Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in Qaraxa uu ahaa nooca ramuudka laga hago dadkii gaystayna aysan wali gacanta kusoo dhigin.

 

“Qaraxu waxaa uu ahaa Nooca ramuudka laga hago anaga wax khasaaro ah nagama so gaarin “ ayuu yiri Xeer Ilaaliyaha guud ee Puntland Maxamuud Xassan Aw-Cismaan.

 

Dhinaca kale Xeer Ilaaliyaha ayaa waxaa uu sheegay in dhawaanahan uu ku sugnaa magaaalada gaalkacyo ayna ka wadeen howlo shaqo

“magaalada Waan joognay Howlo shaqo ayaan ka wadnay oo ay kamid tahay Xaaladaha Xabsiyada Gobolka Mudug iyo arimaha Garsoorka”.

 

Maxamuud Xassan Aw-Cismaan ayaa intaas raaciyay in Howlahii shaqo ee gobolka ay u yimaadeen aysan waxba u dhimayn qaraxa lala eegtay”Qaraxan waxaa dhigay Kooxihii Fidna wadayaasha ahaa shaqadayadii waxba u dhimi mayso waan wadanaynaa inta howlahayagu noo dhamaanayaan”Ayuu yiri ugu danbayn Xeer Ilaaliyaha guud ee Puntland oo Warbaahinta Gaalkacyo kula hadlay kadib markii maanta la qarxiyey.

 

Source: allpuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Howsha aad ka waddo Gaalkacyo ha socoto Mr. Xeer Ilaaliye. Maalintii waqtigaagu galay ayaad dhimanaysaaye, ha u bixin falalka daciifka ah ee argagixisadu carruurta iyo haweenka ku maaweeliso.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this