Sign in to follow this  
Liqaye

Ahlu Sunna Oo Xabsiga Dhigtay Rag Damacsanaa Inay Dhisaan Maamul Goboleed Cusub

Recommended Posts

Liqaye   

Wararka ka imaanaya Degmada Caabud-waaq ayaa sheegaya in maamulka ahlu-sunah waljameecah ee deegaanadaasi maamula ay shalay xabsiga u taxaabeen Sadex Mas’uul oo dhawaan Dibadda ka yimid kuwaa oo doonayay in ay halkaasi kaga dhawaaqaan Maamul Goboled la Magac baxay SOMALI CENTARAL STATE.

 

Mahad Qaliif Rooble madaxa arimaha Bulshada ahlu suna ee deegaankaasi ayaa sheegay in ragaasi ay horay ugu digeen inaysan imaan Karin goobha ay gacanta ku hayaan Xoogaga ahlu suna kuwaa oo ka dhaga adeygay isla markaana diyaariyay dad ay u galiyeen funaanado ay ku qoran yihiin SOMALI CENTARAL STATE.

 

“Maamul goboleedkaasi waa qorshe ay ka dambeeyaan qawaarijta oo awood aan u sheeganay waxayna bilaabeen dagaal dhinaca Siyaasada ah ragana iyagaa soo abaabulay horayna waan uga dignay waxayna ka yimideen dibadda,sharciga ayaana lagu fulinayaa”Ayuu yiri SH.mahad Qaliif.

 

Ragan Xabsiga loo taxabay ayaa ka mid ahaa Xubno uu hogaaminayay Afhayeenka Qaarada Yurub ee ahlu suna OWLIYO oo dhawaan kasoo degay waqooyiga Magaalada Gaal-kacyo balse lama oga inuu wax ka og yahay qorshaha magacaabista maamul-goboleedka cusub ee la doonayo in laga hirgeliyo gobolada dhexe.

 

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)

xuurshe114@hotmail.com

Muqdisho-Somalia

Tel:0025261-5573321

00252699995088

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Xubno ka tirsan maamul goboleed dhowaan loog dhawaaqay Nairobi oo xalay ku hoyday xabsi ku yaala degmada Caabudwaaq ee gobolka G/gaduud

 

Wararka naga soo gaaraya degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamada Ahlu suna waljameeca ee degmadaasi maamula ay xabsiga dhigeen xubno ka tirsan maamul goboleed la magac baxay Somalia Central State oo dhowaan looga dhawaaqay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

 

Warka ayaa intaa ku daray in xubnaha la xirxiray oo tiradooda rasmiga ah aan la ogeyn ay shalay gelinkii dambe gaareen gaari ku gaareen degmada Caabudwaaq ka dib markii dayuurad ka keentay magaalada Nairobi ay ku dejisay garoonka dayuuradaha ee magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Ma jiro faahfaahin badan oo ka soo baxday maamulka Culumaa’udiinka ahlu suna ee degmada Caabudwaq hase ahaatee saraakiil ka tirsan maamulka ayaa sheegay in ay dusha kala socdeen dhaqdhaqaaqa xubnahan tan iyo markii ay ka soo degeen garoonka dayuuradaha Gaalkacyo ayna jiraan xubno kale oo soo galay deegaano kale oo hoos taga maamulka ahlu suna kuwaasoo ay sheegeen iney gacanta ay ku dhigi doonaan xabsigana loo taxaabi doono.

 

Xubnaha la xirxiray ayaa madax ka ah maamul loogu magac daray Somalia Central State oo dhowaan looga dhawaaqay magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaana maamul goboleedkaasi xubnaha ka tirsan ay sheegteen in deegaanada ay metelaan ay ku jiraan kuwo ay hadda maamulaan ahlu suna oo ku yaala gobolada dhexe taasoo ka careysiisay maamulka ahlu suna ee hadda ka jira gobolada dhexe qaarkood.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this