Sign in to follow this  
Maaddeey

Laascaanood oo caawa lagu dilay Gudoomiyihii Maxkamadda Gobolka Sool ee maamulka la baxay Somaliland

Recommended Posts

Maaddeey   

Laascaanood oo caawa lagu dilay Gudoomiyihii Maxkamadda Gobolka Sool ee maamulka la baxay Somaliland. .

Monday, 14 March 2011 21:14 Maamulka Memo Hits: 24 . .

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Waxaa caawa fiidkii lagu dilay magaalada Laascaanood Gudoomiyihii Maxkamada Gobolka Sool ay u soo magacaabeen maamulka la baxay Somaliland Axmed Saleebaan ******oow, waxaana goobtii dulku uu ka dhacay ka baxsaday kooxdii dilka gaysatay.

 

 

 

 

Dilka Gudoomiyahan ayaa ku soo aadaya maalmo yar ka dib dil loo gaystay taliyihii Sirdoonka isla gobolka Sool ee Maamulka la baxay Somaliland.

 

 

 

 

Magaalada Laascaanood ayaa ah Gobol ay gacan hayntiisa isku haystaan labada maamul ee la kala baxay Puntland iyo Somaliland oo labaduba ah Dabaqoodhiyo u shaqeeya Qawmiyadda Tigreega ah ee xoogga ku haysta Ethiopia.

 

 

 

 

Shacabka ku nool Magaalada Laascaanood ayaa dhib kala kulma maamuladan jawaasiista ah waxaana ay rajaynayaan in mar uun ay gobolka soo gaaraan Mujaahidiinta Al Shabaab si ay uga kala cayriyaan qawlasatada isku haysata dhicidda shacabkeena ku nool magaalada Laascaanood.

 

 

 

 

Laascaanood ayaa lagu xasuustaa xiligii ay Maxaakimta Islaamigu ka hana qaadeen Koonfurta Soomaaliya in ay noqotay Magaalada kaliya ee ka durugsan Koonfurta Soomaaliya ee ku dhawaaqday Maxakamad Islaami ah oo shacabka u horseeda ku dhaqanka Shareecadda Islaamka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this