Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Dagaalo saaka ka dhacay Waqooyiga Muqdisho iyo Saraakiisha Dowladda oo ka hadlay

Recommended Posts

Dagaalo ayaa waabarigii saaka ka dhacay deegaanada Waqooyiga Muqdisho oo mudooyinkii u dambeeyay ay dagaalada xoogaa ka yaraadeen, inkastoo dagaalada xoogooda u badnaayeen deegaanada Koofureed sida Hodan, Howlwadaag iyo Dayniile.

 

Dagaalada ayaa dhacay abaarihii salaadii subax kadib, iyadoo aagagas laga maqlayay hubka noocyadiisa kala duwan oo ay ku jiraan qoryaha boobayaasha iyo kuwa madaafiicda.

 

Ciidamo ka tirsan Al-Shabaab ayaa weeraro kula soo jermaaday aagaga degmada C/casiis kaga sugnaayeen Ciidamada Dowladda oo wehliya kuwa AMISOM, iyadoo dagaalkaas ay socdeen muddo tobanaan daqiiqo ah.

 

Sarkaal u hadlay Ciidamada Dowladda ayaa sheegay in dagaalka ay soo qaadeen, Shabaab, ayna ku qabteen ilaa lix ruux oo uu tilmaamay inay ahaayeen caruur da'yar ah oo la soo qalday sida uu yiri.

 

Sarkaalkan oo magaciisa ku sheegay Maxamed Axmed ayaa sheegay in saacadaha soo socda ay warbaahinta u soo bandhigi doonaan dhalinyaradaas oo ay ka qabteen Xaruntii taraafikada Fisha Bra iyo Howlaha Guud.

 

Dagaalkii saaka ayaa ahaa mid koobnaa oo qeyb ka ah dagaalada looga bartay Caasimada Muqdisho inay dhacaan xilliyada waabariga, iyadoo shalay aheyd dagaalo saacado badan socday ay ka dhaceen qeybo ka mid ah degmada Hodan.

 

Ilaa iyo hada lama oga qasaaraha dagaalkii saaka, hase ahatee goobaha dagaalada ka dhaceen ee Waqooyiga ayaa ah kuwo markii hore ka barakaceen dadkii ku dhaqnaa, inkastoo mararka qaar ay dhacdo madaafiicda iyo rasaasta hawbowga ay gaarto goobaha dadka rayidka u badan yihiin ee deriska la ah degmooyinka lagu dagaalamayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this