Sign in to follow this  
isqarxis

Wasirka Macdanta iyo Biyaha SL oo iska hor taagay in dalka la keeno shirkad biyo soo saar

Recommended Posts

isqarxis   

people in somaliland are facing the worst drought ever ......... i pray Allah to send this minister to hell.

 

Hargeysa (HWN) Ismaacil Faarax Ibraahim oo ka mid ah aqoonyahanka dalkan Somaliland ayaa sheegay in wasiirka wasaaradda Macdanta iyo biyuhu uu iska hor taagay in uu dalka keeno shirkad Laga leeyahay dalka Shiinaha oo biyo soo saar

 

Ismaacil faarax ibraahim oo ah aasaasayaashii ururka isla markanaa ahaa guddoomiye ku xigeenkii Xisbiga Kulmiye ee magaaladda Toronto ee xarunta dalka Canada ayaa ku adkaysanaya in haddii qurbo jooga reer Somaliland qayb laga siiyo wax soo saarka dalka in ay wax badan ka fulin lahaayeen.

 

Sidaasna waxa uu ku sheegay mar uu khadka Telefoonka nagula soo xidhiidhay isaga oo jooga Magaaladda Toronto.

 

Aniga xaafadaydu oo ku taala magaaladda Hargeysa waxa haysata biyo laaan baahsan, waxaanay caruurtaydu ku soo dhaansadaan dhabarka, qof kasta oo magaaladda iyo qurbaha joogana waxa haysta warwar aad u balaadhan oo ah biyo laaanta ka jirta caasimadda ayuu yidhi Ismaacil faarax ibraahim.

 

Waxa uu xusay in wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo biyaha Somaliland uu iska hortaagay in mashruuc biyo lagaga soo saari lahaa magaaladda Hargeysa, kaas oo uu kala kaashanayay shirkad laga leeyaahay dalka China waxaanu yidhi Markii aan arkay haraadka ka taagan Magaaladda Hargeysa, waxa aan goaansaday in aan keeno shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha oo biyo soo saar ka samayn lahayd magaaladda Hargeysa, laakiin wasiirka Macdanta iyo biyaha ayaa gaashaanka ku dhuftay isku daygaygiina hor istaagay ayuu yidhi.

 

Waxa uu xusay in ay ayaan darro iyo wax laga xumaado tahay in dadka Dalka Maalgashiga ku samayna la hor istaago Waa ayaan darro in dadkii dalka Maalgashiga ku samaynayay la hor istaago, waxaanan qabaa in la rabin in dalka wax lagu soo kordhiyo oo halka ay noloshu maanta taagan tahay sare looga qaado

 

Ugu danbayntiina waxa uu u soo jeediyay xukuumadda in ay qurbo jooga reer Somaliland u ogolaadaan in ay dalka maalgashiyo ka fushadaan si ay sare ugu soo qaadaan baahiyaha aasaasiga iyo waliba camal laaanta ka jirta dalka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this