Sign in to follow this  
Cawaale

Ma Anigaa Walan mise Triboli baa laga heesayaa?

Recommended Posts

Cawaale   

Sida dadyow badan oo daneeya arimaha Qaaradda Afrika, Dunida Carabta iyo tan Islaamka ah waxaan si aad ah baryahaan ugu xeranahay idaacadaha iyo jaraa'idada wararka ka soo tabinaya wadanka Liibiya. Taa waxaa ii wehliya anigoo aad u damqanaya kumanaan kun oo Soomaaliyeed uu ku nool wadankaas.

 

libya_gadhafi_suppor-620x330.jpg

 

Dunida inteeda badan way isku raacday in falal ka dhan ah xuquuqda aadanaha ay haatan ka socdaan wadanka Liibiya, markii laga reebo falal cambaareyn, shilal iyo cuna qabateyn dhanka hubka ah wali wax tallaabo aga ma qaadin arinkaas isaga ah.

 

Dhanka kale madaxweynaha wadanka Liibiya Mucamar Al-Qaadafi ayaa isaga u muuqda nin kaligii taliye nimada ay u weheliyaan arimo kale oo dhowr ah, isaga oo aad u jecel naaneesyada iyo is la weynida, kana faa'iideysta fursad kasto uu ku noqon karo hogaamiye nooca walba leh. Mar waa madaxweyne, marna waa hogaamiye kacdoon, mar waa boqor, marna waa imaam. Qadaafi waxyaabaha uu sida aadka ah ugu caan baxay waxaa ka mid ah hadalada uu ka jeediyo golaha lagu shiro ee caalamiga ah iyo waliba kuwa maxalliga ah. Korneel Qadaafi ayaa inta badan ka qosliya dadyowga daawada khudbadahiisa, mararka qaarna kaga ooyiya dad badan. Waa kuwan qeyb ka mid ah hadalo uu Qadaaf ka yiri golooyin kala duwan.

 

Haweenka

Qof kasto oo dumar ah oo lab ama dhadig ah waxay xaq u leedahay in ay isu sharaxdo jagaadii ay doonto.

 

Hor'umarka

Koronto haddii aysan jiri laheen, xilligaan talefishinka mugdi ayaanu ku daawan lahayn.

 

Facebook

Anigu ma ahi Kaligii Taliye xera BookFace, balse waxaan xeri doonaa ciddii gashaa BookFace.

 

Furiinka

Sababta ugu weyn ee uu furiinku ku yimaado waxay tahay guurka!

 

Dimoqraadiyadda

Kalimadda Dimoqraadiyadda waxay ka soo jeeddaa oo lga soo dhiraan dhiriyay laba erey oo carabi ah oo la isa saaray, waa tan koowaade waa caamada. Tan dambena waa karaasida lagu fariisto. Waxaa loola jeedaa ayuu yiri Qadaafi "Dadkii caamada ahaa oo doonaya in ay hogaanka qabtaan."

 

Waxaan jeclahay in aan qormadaan ku soo gabagabeeyo Oraah Soomaaliyeed oo dhaheysa "Hadal waa la kala odhan og yahay illaahayna waa la kala bariyi og yahay". Waxay ila tahay in Korneelka aan xikmad sidaas ah laga laga koobin oo uusan oraah wacneyn, balse waxaan rajeynayaa in innaga alle bari na laga helo oo aan dadka walaalaheena ah ee Soomaaliyeed oo ku dhibaateysan wadankaas ilaahay u barino. Sidoo kale dadka reer Liibiya oo 42 sano gumaad iyo caburin ku jiray in ay iyaguna Ilaahay dhibta ka qaado u raaciya.

 

Source: KeydMedia.net

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this