Sign in to follow this  
wyre

Kooxda Al-Shabaab ayaa hubeysay odayaal da`ah oo ay kasoo qafaaleen gobolada ay gacanta ku hayaan

Recommended Posts

wyre   

Kooxda Al-Shabaab ayaa hubeysay odayaal da`ah oo ay kasoo qafaaleen gobolada ay gacanta ku hayaan kuwaasoo ay Muqdisho tababar shan maalmood ah ugu qabtay si ay ula dagaalamaan ciidamada AMISOM iyo kuwo dowladda.

Odayaashan oo intooda badan laga keenay gobolada Shabeelooyinka ayaa maanta magaalada Muqdisho loogu soo gabo-gabeeyay tababar shan maalmood ah, waxaana ay sameeyeen dheeletus.

 

 

Qaar ka mid ah odayaashan ayay wararku sheegayaan in horay loogu amray in ay keenaan wiilal dagaalama, balse markii ay ka cago-jiideen amarka Al-Shabaab ay noqotay in iyaga galaan badelka wiilasha ay keeni waayeen.

 

Arrintan qafaalka odayaasha oo wali si xowli ah uga socda goobaha ay Shabaabku maamulaan ayaa kusoo beegmaya xilli dagaal culus oo goobo looga qabsaday Shabaabka uu ka dhacay magaalooyinka Muqdisho iyo B/Xaawo.

 

Waa markii ugu horeysay oo ay odayaal adeegsadaan kooxda Al-Shabaab, waxaana horay u dhacday in sidoo kale adeegsadeen caruur da`dooda ay aad u hooseyso

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this