Sign in to follow this  
Bashiir

Shabaabkii Gedo oo Noqday Tusbax Furtay

Recommended Posts

Bashiir   

Arbaco, 13 April 2011 08:31 | Qoraaga: Faallaqoraha Afdheer

 

Dagaalyahanno tiradooda naloogu sheegay 20 nin oo si culus u hubeysan ayaa lagu soo warramayaa iney ka soo goosteen kooxda Alshabaab ee Jubbooyinka ka howlgasha, dhallinyaradan ayaa isu soo dhiibay ciidanka dowladda Soomaaliya, waxeyna hadda wararku sheegayaan in magaalada Dhoobley xogwareysi lagula leeyahay.

 

Arrintan ayaa imaneysa xilli dagaallo ay Jubbooyinka ku dhaxmarayaan dowladda Soomaaliya iyo kooxdan u muuqata inuu gabbalkeedu dhacaya ee naflacaariga ah oo lagu soo warramaya iney la taagdarantahay dhaqaale la'aan ba'an oo soo foodsaaray sida uu noo sheegay xog'ogaal ku sugan jubbooyinka sugayana immaanshaha dowladda gudaha jubbooyinka . Goosashada dagaalyahanada waxey sawir ka bixineysaa mooraaljabka la soo darsay kooxda Alshabaab.

 

http://afdheer.com/index.php?option=com_content&view=article&id=4020:dagaalyahanno-alshabaab-ka-soo-goostay-oo-dowladda-soomaaliya-isu-soo-dhiibay&catid=45:akhbaarta-somaliya&Itemid=127

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Bashiir ariintu halkee mareeysa iminka ahan? Where geographically are the different groups in the jubba's?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

Liqe, Qooqaani oo ay ka baxaan wadooyin kala aada Bu'aale, Afmadow iyo Kismaayo ayaa la isku hor fadhiyaa. Dhanka kale ciidamada ku suganCeelwaaq ayaa kulaalaya Baardheer iyo Faaxfadhuun. Shabaab saadka ayaa gabaabsi kasii ah qaarkoodna way isa soo dhiibeen lakiin roobabka curtay ayaa lagu wadaa inay hakad galiyaan dhaqdhaqaaqa ciidamada.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

imagesCAF2DCXR2.jpg

 

Roobab lagu diirsaday oo ka da’ay Dhoobley iyo nawaaxigeeda, bulshada ku dhaqan Dhoobley ayaa ka nafistay kuleyl ba’an iyo abaaro daba dheeraaday oo in mudda ah ku habsaday deegaanadaasi iyo guud ahaan gobolada Jubboyinka . Inta badan G/Jubada hoose ayey ka curteen roobabkii gu’ga, meelaha ay ka da’eena waxaa ka mid ah Diif, Afmadow,Qooqaani ,Hoosingow , Dhoobley iyo deegaanada ku xeeran Magaalada Kismaayo.Ka sokow abaarta, Magaalada Dhoobley oo dhiig badan ku daatay ayaa aad ugu baahneyd roob ka dhaqa.

 

waamonews

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

 

Sabti, 16 April 2011 13:36 | Qoraaga: Tafatiraha Afdheer

 

Dhoobley (Afdheer) Raaskaambooniyiinta Jubbooyinka Soomaaliya ayaa guullo iyo horumar fiican ka gaaray hadafkoodii ahaa inay dib ula wareegaan dhammaan deegaanada ay xoogga uga qabsadeen Shabaab waxaana durba laga dareemay guulaha ay gaareen deegaanada Diif-Soomaali, Deg-alama iyo Dhoobley oo ay la wareegeen maamulkooda.

 

Deegaanno hoos yimaada magaalada Dhoobley ayey maamulaan Raaskoombooniyiinta Jubbooyinku kadib markii go,aan ka soo baxay dowladda Soomaaliya masuuliyadda maamulka iyo nabadgaliyada deegaanadda ay dowladda iyo Raskoombooniyiinta la wareegan loo daayey inay lahaadan Raaskaambooniyiintu.

 

Ciidamada Raaskoombooniyiinta duleedka Dhoobley ku sugan waxaa dhawaan isku soo dhiibay 11 askari oo kamid ahaa shabaab kuwaasoo isu soo dhiibay Raaskaambooniyiinta iyagoo hubeysan.

 

Raaskaambooniyiinta Jubbooyinku waxay heleen hub fudud, hub culus, dereyska ciidamada Daraawiishta Soomaaliya, dhaqale iyo agab meletari oo kale.

 

Ciidamada dowladda ayaa ku labisan Tuute halka ciidamada Raaskaambooniyiintu ku labisan yihiin dareyska Daraawiishta.

 

Labada Ciidan ayaa u muuqda inay u dhisan yihiin ciidanka nabadgaliyada deegaanka (Boliiska) oo daraawiishta ah (raaskaambooniyiinta) iyo ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ah kuwa malateriga ah looguna talo galay inay sugaan ammanka guud ee gudaha dalka Soomaaliya iyo xuduudihiisa.

 

Raskaambooniyiinta waxay heystaan baabuur nooca dowladda ah oo ay wataan saraakiishoodu iyo ciidamadoodu sidoo kale waxay u dhisan yihiin qaab ciidan dowladeed rasmi ah.

 

Degmo kasta ama tuulo kasta oo ay ciidamada dowladda iyo raaskaambooniyiintu la wareegaan waxa maamulka u dhisaya raaskambooniyiinta sidoo kale ciidanka saldhigyada Boliiska waxaa u sameynaya raaskaambooniyiinta.

 

Raas-kambooniyiintu waa ciidan dowladeed rasmi ah waxayna leeyihiin hoggaan u gooni ah laguna magacaabo Sheekh Axmed M Islam iyo xukuumad u dhisan qaab dowladeed oo ay raaskaambooniyiintu leeyhiin.

 

Dhoobley

 

Afdheer.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

Arbaco, 27 April 2011 16:24 | Qoraaga: Tafatiraha Afdheer

 

Maamulka gobolka Gedo ayaa sheegay in dagaalka uu khasaarihiisa ugu badan soo gaaray dhinaca kooxda al-Shabaab. Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ee Soomaaliya ayaa sheegaya in saakayto deegaano ka tirsan gobolkaasi ay dagaalo ku dhexmareen ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa ahlu-Sunna waljamaaca oo isku dhinac ah iyo xoogagga al-Shabaab.

 

Dagaalka ayaa bilowday ka dib markii ciidamada dowladda ay weerar ku qaadeen tuulo lagu magacaabo Barwaaqo, oo qiyaastii 20KM u jirta magaalada Garbahaaray ee xarunta gobolka Gedo.

 

Maxamed Cabdi Kaliil oo sheegay inuu yahay guddoomiyaha gobolka Gedo ee dowladda KMG ah ayaa VOA-da u sheegay in dagaalkaasi lagu dilay 36 qof oo dhinaca al-Shabaab ka tirsan, halka dhinacoodana uu sheegay inuu dagaalkaasi kaga dhintay hal askari 5 kalena kaga dhaawacantay.

 

Ma jiraan ilo madaxbanaan oo ka warramaya khasaaraha dhabta ee dagaalkaasi.

 

Guddoomiyaha ayaa beeniyay warar sheegayay in dad rayid ah lagu dilay tuulada Barwaaqo, hase yeeshee wuxuu sheegay in ay jiraan dad ay nolosha ku qabteen, lana soo taagi doono maxkamad si caddaaladda loo marsiiyo.

 

Dagaalka ayaa hakad ku yimid ka dib markii ay roobab ka curteen gobolkaasi Gedo oo ay abaaro ba’an ka jireen.

 

afdheer.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

Khamiis, 28 April 2011 16:37 | Qoraaga: afdheernews@yahoo.com

 

28042011104024.jpg

 

Gedo: (Afdheer) Tuulo hoos timaaada Garbahaarey oo ah xarunta gobolka Gedo oo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya ayey soo weerareen mucaaradka dowladdu dagaal adag kadib Garbahaarey waxaa xoog kula wareegay ciidamada dowladda Soomaaliya.

 

Sida uu xaqiijiyey sarkaal u hadlay dowladda Soomaaliya oo ku sugan gobolka Gedo magaalada Garbaharey (Magaalo madaxda gobolka Gedo) waxaa si buuxda ula wareegay ciidamada dowladda Soomaaliya.

 

Dhimasho, dhaawac iyo khasaaraha kale ee dagaalkaas xaqiiq looma helin wuxuuse sarkaalka u hadlay dowladda Soomaaliya caddeeyey in khasaaruhu gaaray kooxda Alshabaab.

 

Dagaalkan ayaa la shegay inay maleyshiyada Alshabaab kusoo qaadeen tuulo Barwaaqo oo 20Km u jirta Garbahaarey kadibna dagaalkaas lagu muqiiniyey maleyshiyadii Shabaab illaa laga hanto magalada Garbahaarey.

 

afdheer.com

 

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this