Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Dhacdo naxdin leh oo shalay ka dhacday Magaalada muqdisho (maxaa ka dhacay??)

Recommended Posts

Xaalada Magaalada Muqdisho ayaa caawa degenaan laga dareemayaa, iyadoo wax dhawaq rasaas ah ama madaafiic laga maqlayo magaalada qeybaheeda gaar ahaan halka la isku hor fadhiyo oo saddexdii maalmood ee la soo dhaafay aheyd goobo dhimbisha rasaasta ay ka socotay.

 

Dagaalada maanta oo galay maalintii 3aad ayaa ahaa kuwo goos goos ah, iyadoo xaalada maanta ay ka duwaneyd sidii labadii maalmood ee la soo dhaafay oo kale, waxaana jawiga magaalada uu ahaa mid kacsanaa, kadib qaraxyo ismiidaamin gilay gilay magaalada.

 

Sida ay sheegayaan wararka dagaalo goos goos ah oo maanta ka kala dhacay aagaga waqooyiga Muqdisho, gaar ahaan degmooyinka C/casiis iyo Boondheere ayay Ciidamada Dowladda waxoogaa horumar ay kaga sameeyeen.

 

Inkastoo dagaalka uu ahaa mid ay soo qaadeen Shabaab, hadana Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda ayaa qabsaday Saldhig Bari iyo Agibka oo dhow Xaruntii Gaadiidka Booliska, iyadoo dad goob joogayaal ay xaqiijiyeen.

 

Wararka ayaa intaa ku daraya in dagaalada maanta ay sidoo kale ka dhaceen degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag oo aheyd halkii ugu darneyd ee dagaalada labadii maalmood ka dhacayeen, halkaas oo labada dhinacba ay faraha ugu gubteen.

 

Ilo wareedyo muhiim ah ayaa sheegaya in Shabaab farahooda laga saaray Godod dhulka hoostiisa u qodeen oo ay isku xiriiriyeen labada degmo ee isa saaran ee kala ah Hodan iyo Hodan, iyo dhuumo bulaacado ah oo ku yaalay Warta-Siigaale, halkaas oo la sheegay in 2-Mitir dhulka hoostiis u qodeen.

 

Xaafada Siigaale oo ay dagaalada saameeyeen isla markaana ka soo baxeen dhir aad u fara badan oo sida Keyn oo kale ayaa waxaa si lama filaan ah aagag dhufeysyo ah maalin ka hor looga saaray Shabaab, halkaas oo ay doonayeen in godadka ay ka faageen dhulka inay uga soo foocaan ilaa Gurigii Umada ee Golaha shacabka.

 

Sidoo kale degmada Howlwadaag oo Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay gudaha ugu galeen ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhowaadeen Xarunta Degmada, oo horay Shabaabka u joogeen, waxaana muuqata in Ciidamada ay ka daadageen labada Isgoys ee Sayidka iyo Kan dabka oo dhinaca Xaafadaha dhexdooda ay u mareen.

 

Ciidamada AMISOM oo dagaalada foolka foolka markan si rasmi uga qeyb qaadanaya ayaa ku waayay tiro askar oo aan cadadkooda la heyn iyo dhaawacyo fara badan, iyadoo maalmihii u shalay iyo doraad goobaha dagaalka ay galayeen Baabuur buufsan oo ah kuwa Ambalaaska gaarka ah ee qalabka caafimaadka leh.

 

Labada dhinacba ee dagaalka u dhaxeeya mid walba waxaa uu sheeganayaa guulo kala duwan oo ay adag tahay sida ilo madax banaan ku xaqiijiyaan, hase ahaatee dadka ayaa ka war sugayaa qofkii reerka u hara.

 

Dagaaladan Muqdisho ka dhacayay saddexdan maalin ee xiriirka ayaan la ogeyn inay horu dhac u yihiin dagaalka ay horay u iclaamisay Dowladda KMG, kaasoo marar badan fashilmay, hase ahaatee dagaaladan ayaa bilowgooda noqday mid waxoogaa horumar ka sameeyaan Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM markii qaar ka mid ah dhufeysyadii waa weynaa ee Shabaabka ay

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this