Sign in to follow this  
isqarxis

******* Weligii Waa *******

Recommended Posts

isqarxis   

by Cisman A Iimaan

 

Ani waa ogaa in Soomaalilayn meel gaarayn. Labaatan sono ay dhahayeen Soomaaliya aa ka go’nay, dawlad aa nahay, qaran dimoqraadi ah aa nahay iyo aqoonsi aan dunida ka rabnaa, iyo …..iyo …….. iyo wax la mid ah. Intey aadee! Kaalay arag manta mahay roogaan. Iyaga oo Soomaaliya ka mid ah ay Dawladda Shariifka , bunland iyo meelo kale aanan kaseyn, la fadhiyaan shir Soomaaliweyn looga tashanayo.

 

 

Haddii aanu nahay Reer Soomaaliya, ama Koonfurta, farxad iyo rayrayn aan la qiyaasi Karin ayaa na saaqday ka dib markii ay cadaatay in lagu guuleystey shirkii dhwaan lagu qabtay Wilton Park oo ka tirsan dalka Ingiriiska. Shirkani waxa uu ahaa kii u horreeyey ee ay Soomaalilaand meel la fadhiisto Dawwladda Soomaaliya iyada oo ka qayb qaadanaysa talooyin loo ururinayo sidii Soomaaliya oo mid ah looga saari lahaa qalalaasaha ay ku jirto. Taas oo macnaheedu yahay in Soomaalilaand ay ka hadhay oo ay ka noqotay gooni isu taagii ay ku sheeganayeen in ay kaga go’een Soomaaliya.

 

Iyada oo la’aantii aanay farxaddani suurtogal noqoteen, waxa nala wadaaga oo ay guul gaar ah u tahay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud, Siilaanyo oo isagu meelmariyey fikradiisii ahayd in Soomaalida kala go’day uu isagu meel isugu keeno. Wuu ka dhabeeyey in Somaliland uu ka soo hooyo dhaxanta iyo cidlada ay ku abaadeen, kuna soo dabbaalo barwaaqada iyo nabadda ay Soomaaliya dugsanayso. Sidaas oo kale, xubnaha dawladdiisa ka tirsan ee taladan ku taageeray ayaa iyaguna faqrxaddan nala qaba oo ku ammaanan.

 

 

Weligeyba meel hoose ayaan ka dareensanaa in mudane Siilaanyo ay Soomaaliwennimady Ku weyn tahay oo ay dhiigga iyo dhuuxa kaga jirto. Sidaasi waxay ka muuqatey hadalladiisii debecsanaa ee uu ka soo jeedin jirey duruufaha adag iyo colaada raagtey ee Soomaaliya ka dhamman weydey.Halka uu ka taagan yahay midnnimada Soomaalida oo aanu marnaba si toos ah u qarasan , waxa uu kaga duwan yahay madaxweynayaashii hore ee Soomaalilaand soo maray oo idilkood sida dadkooda oo kale meel adag ka taagnaa qaddiyadda gooni isu taaga .Mar kasta oo uu ka hadlayo waayaha Soomaalida , waxa uu soo horraysiiyaa in Soomaalidu ay tahay walaalo aan kala maarmin isaga oo qaddiyadda dadkiisa iyo aayahooda ay ku tashadeen ka doorbidaya danta Soomaaliya

 

 

Tiraba dhawr jeer ayuu mudane Siilaanyo dadka u muujiyey in gooni isu taaga Soomaaliland aanu isaga sidaas ugu weyneyn. Intii aan weli lagu dhawaaqin gooni isu taaga Somaliland oo ka dambaysey burburkii dawladdii millateriga ahayd isaga oo joogey Landon mar la weyddiiyey in Somaliland ay ka go’ayso Soomaaliya, waxa uu sheegay in dantii laga lahaa halgankii SNM aanay ahayn in dalka la kala gooyo ee ay ahayd in marka la rido dawladdi Maxamed Siyaad Barre, dalka loo dhiso doono dawlad hagaagsan oo dadku leeyahay. Sidaas darteena aanu taageersanayn Somaliland oo gooni u go’da.

 

Kal hore mar isaga oo maraya Gobolka fargiiniya ee Maraykanka wax laga weyddiiyey halka uu ka taagan yahay gooni isu taaga Somaliland , waxa uu sheegay in lagu jiro ololihii doorashada maxweynaha Somaliland oo aany ahayn xilli ku habbon in arrintaa laga faalloodo.

 

Muddadii uu ahaa guddomiyhaya Xisbiga Kulmiye iyo intii uu qabtay xilka madaxweynanimada, mudane Siilaanyo kama hadlo oo dadkiisa kuma baraarujiyo culayska iyo qiimaha ay qaddiyadda gooni isu taagu u leedahay jiritaanka, midnnimada iyo nabadda Somaliland. Sida runta ah taas waxa uu uga dadaal badan yahay in Ismaaciil Cumar Geeleh oo ah cadawga kowaad ee Somaliland uu la saaxiibo , aad u soo dhaweeyo oo la yeesho xidhiidh sokeeye iyaga oo isku weheshanaya fikradaha diidan Somalilandnnimada. Sidaas oo kale madaxweynuhu waxa uu soo dhaweeyaa, iyaga oo in ay dalka soo galaan mamnuuc ka ah u soo daaya dembiilayaasha ka soo horjeeda jiritaanka Somaland.

 

 

Haddaba, dhinacayaga annaga oo qaddarinayna aragtida ku aaddan Soomaaliweynnimada ee Mr. Siilaanyo hoggaaminayo, annaga oo aqoonsanay in madaxweynuhu yahay nin u heellan wada jirka dalka, waxa aanu faafinay oo beryahanba aanu dabada ka riixayney in madaxweynaha loo arko qofk ku habboon in loo doorto madaxweynihii Soomaali isku soo celin lahaa, Somaliland na lagu soo guri geliyo Hargeysa oo si ku meel gaadh ah laga dhigo caasimadda dalka.

 

 

Inta waxa ii raaca oo aan ka dheregsanahay in arrinta ugu muhiimsan ee ugu ididiilada weyni ay tahay iyada oo sida ay u badan yhiin dadka Reer Somaliland aanay dooneyn oo aanay daacad ka ahayn waxa ay doonayaan, in ay is xukumaan iyo in ay yeeshaan qaran iyaga u gooni ah. Haddii ay sidaas doonayaan waxa ay ahayd in dantooda kowaad ahaato sidii ay uga gun-gadhi lahaayeen ujeeddada jiritaankoodu ku qotomo oo ah in ay qaddiyaddooda meel uga soo wada jeestaan. Maxaad u malaynaysaa meesha madaxweynaheedii sidan u qardajeexay , afmiishaaradeeda iyo odayasha reeruhuna halkee bay ka fad- kudin doonaan? Waxa la joogaa markii labaad ee ay ku imanayeen jibbo la mid ah tii ay lixdankii isku soo dhiibeen.

 

Reer Somaaliland waxa ay leeyihiin dhaqan iyaga u gaar ah oo u hiilinaya Somaaliweynnimada. Dhaqankaasi marnaba uma saamaxayo in ay dantooda guud gartaan oo meel uga soo wada jeestaan. Qabiil kasta, qoys kasta iyo qof kastaaba, waxa ay u nool yihiin in ay inta kale iska ilaaliyaan. Labaatankii sanadood ee ay Somaaliland goonida ahayd, wax ka hanaqaaday dhaqanka dhiirigeliyey in qabiilka iyo qabyaaladdu ay noqdaan hannaankii dawladnimada Somaliland ay ku dhisan tahay.

 

 

Arrimahan oo dhammi waxa ay marag u yihiin in Somaaliya ay weli nooshahay, qalddaankiina waddadii uu yaqaanay uu soo hayo. Waanu soo dhaweyneynaa soo noqoshada walaalahayo, Imaanshahooduna waxa uu noo suurto-gelin doonaa in aanu isa saamaxno si aanu iyaga ugu jeeddsano.

 

Cisman A Iimaan

 

osmanaadam@yahoo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Arrimahan oo dhammi waxa ay marag u yihiin in Somaaliya ay weli nooshahay,
qalddaankiina
waddadii uu yaqaanay uu soo hayo
. Waanu soo dhaweyneynaa soo noqoshada walaalahayo, Imaanshahooduna waxa uu noo suurto-gelin doonaa in aanu isa saamaxno
si aanu iyaga ugu jeeddsano
.

 

Warka i sii bal ,,, :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this