Sign in to follow this  
gooni

Dhoof qiso qoraal wanaagsan

Recommended Posts

gooni   

Gob baan ahaa, haddana gun baan ahay; geesi baan ahaa, haddana giiryaalaan ahay; cuud baan lahaa, haddana caydh baan ahay; cad quudheedka waan necbaa, haddana caydh baan qaataa; kor baa la ii eegi jiray, haddana hoos baa la ii eegaa; waa la i muunayn jiray, haddana la ima maamuuso; waa la ila tashan jiray, haddana tulud la ima weydiiyo; xor baan ahaa haddana, xabsi baan ku jiraa; waa la ii xammaali jiray, haddana xammaal baan la’ahay; waa la ii joojisan jiray, haddana cidi iima joogsato.

 

Hargaysa ayaan dukaan laba af leh ku lahaa, haddana wer wer laba af leh baa yurub igu haysta.

 

Maalintaan hana qaadey bay hawli ii bilaabantay, oo waxaan ahaa ma daale da’yari ku layl yamay. Aniga oon gu’ weynayn ayaan tunka u ritay xilka reerkayaga iyo xigtadayadaba. Waxaan isku wadey tacliin iyo tabcasho. Ma hadhsan jirin, mana haasawi jirin, ee waxaan u dhexeeyay dukaanka iyo dugsiga.

 

Dhiggay waan ka sheegnaa oo dhididkayga ayaan dheefsan jiray, dhuunigana uga soo saari jiray ciddayda iyo ciddoodaba.

 

Maalintii aan dhammeeyay dugsiga sare, jaamacad daleed kuma hawoon, jibbo dibadeedna iguma jirin. Waxaan iskugu luga duday dhankii shaqada, waxaanan tarmiyay ilihii wax soosaar ee dukaanka. Dhiggay dhoof baa ku weynaa, annigana dhaqashaa igu weynayd. Waxaan aaminsanaa dalkayga, waxaanan ku iimaan qabey dukaankayga. Run ahaantii waan aragti dheeraa, haddase cid walba waan ka aragti gaabnahay.

 

Aroor arooraha ka mida waxaa igu waabariistay oo godkayga iigu soo galay cudurka aan bariisan ee BUUFISKA loo yaqaan. Waxa uu iskaga kay dhigay nasteex iyo walaal wanaagayga jecel. Waxa uu i huwiyey ammaan aanan u qalmin, waxaanu igu yidhi: ” Waxaad tahay nin karti leh. Hadda waxaad ku filan `tahay reer, waxaadse ku filnaan reero; qoys baad quudisaa, waxaadse quudin qaran; guri baad leedahay, waxaadse yeelan guryo; gabadh baad guursan, gawaadhi baanad yeelan ee ka kac goobta.” Warkani wuxuu iiga dhignaa neecawda udgoon ee roobka ka soo horraysa. Si samaani ku jirto ayaan sanka ula raacay, madaxa iyo maankana ugu ruxay.

 

Aroor habaaran bay ahayde, waxaan u arkay aroor baxsan; waan qumanaaye, waxaan isku arkay nin qaldan; waan hagaagsanaaye, waxaan isku arkay nin hurday; waan toosnaaye, waxaan isku arkay nin tuur leh. Mar kaliya ayuun baan holliyay hareerahayga, waxaanan haybiyay asxaabtii aanu sheeko wadaaga lahayn. Hebel mee? Yurub buu tegay.. hebel mee? Maraykan buu tegay.. hebel mee? Kanaduu tegay .. hebel mee? Mooyi…

 

Aaah… aaah… aaah Waxa igu dhacay hiyi kac, waxana ila saaxiibay hammi iyo werwer. Aniga oo is moog ayaan kor u qaadey heestii Axmed Mooge Eebbe ha u naxariistee ku luuqayn jiray.

 

Taariikhda dunidaa,

Iyadoo is daba taal,

Ninba meel ku tuurtee,

Anniguna tusmaystoo,

Qayrkay halkuu tegay,

U tabaabushaystee,

 

I taageer allahayow,

Arrintayda kala taal,

Adaa toosin karayee,

 

Boqorku waa maqlayay baryadaydaa, waana arkayay arrintaydaa, umuuse arag sida ay iigu muuqatay. Wuxuu u arkayay si liddi ku ah, ta maankaygu is tusay. Inuu sidaas u arkana waxa keenay wuxuu ogaa, xaaladda dhabta ah ee aan ka socdo iyo tan aan u hanqal taagay. Anniguse waxaan lahaa il kaliya, dhag kaliya iyo dhawaaq kaliya…dhoof…. dhoof ma wax loo dhigaa jira ayaan sida ilmaha yar ugu hadaaqayay. Waxaan yeeshay asxaab cusub, oo aanu ku saaxiibnay arrimaha dhoofka. Shaqadayadu waa ogaanshaha kolba wixii khad cusub jira. Waxaannu haynnaa liiska inta dhooftay, inta dhimatay,iyo inta dhawaan baxaysa. Dadka waxaan ugu jeclaa dhiiri galiye dhoof iyo dhib yareeye tahriib. Waxaan ugu necbaa ii caaye dibadeed iyo ii ciseeye daleed.

 

Waan bukay, bukaankaygana anigaa sabab u ahaa. Waxa masuulyaddaas ila wadaagayay oo iyana sabab u ahaa dadkayga, waxaanse u arkayay in dalkaygu sabab u ahaa. Digtooradu dawadii ay ii soo qoreen waxay noqotay: “Ka bax dalka oo dibada aad dawadana gaadh.”

 

Mar anaa is eegay; marna dukaankii baan eegay; marna reerkii baan eegay. Is barbar dhig ka dib waxa ii soo baxday inaan anigu fududahay, reerkana uga tanaasulo dukaankooda. Diiradda ayaan qaatay, kolbana waxaan dul dhigay Adeer, Abti, iyo ehel wixii aan ku lahaa qurbaha. Ugu danbayntii waxay si wanaagsan ugu dhacday oday ii abtiya inan uu dhalay oo dhawr iyo toban jira, hoostaanan ka xariiqay. Waxaan dhisay sheekadii aan ula tegi lahaa. Waxaan ku idhi: “Abtow dalkii waa burbursan yahay, dadkiina waa darayaysan yahay, nin loo dhoofay mooyee, ninkii kale dhoobadaa ku dhagan. Sidaa darteed maanta kuuma soo wicin inaan ku idhaa lacag ii soo ***, ee waxaan kuu soo wacay inaan ku idhaa inanta ii soo ***.” Abti waxaan ku idhi…………. markuu yidhi, aniga oo og wuxuu soo wato ayaan ku idhi: ” Abti waan ogahay inaanay inantu gaadhin xilli guur, waxa kale oo aan ogahay inaanay hadda guur diyaar u ahayn, ee waxaan rabaa inay i kaxayso uun.” Cabbaar haddii uu aamusnaa wuxuu yidhi: “waa si wanaagsan ee hawsha waan galaynaa.” Sidii baa horta lagu galay.

 

Haddii dhoofku sannado qaadan jiray anniga saacado igama qaadan. Wax waliba waa fududaayeen oo muddo yar ayaan ku qaatay fiisaha, waxaanan ku soo noqday Hargaysa.

 

Maalmihii noloshayda ugu farxadda badnaa ee i soo maraa waxay ahaayeen maalmahaas. Waxaan sawiranayay muuqaalada quruxda leh, saraha dhaadheer, nolosha dhadhanka leh ee taalla Yurub. Waxaan kala dooranayay shaqooyin aanan weli helin, waxaanan wax u qabanayay dad ehel iyo asxaabba leh. Hebel boqol baad u soo diri, hebel konton baa ka badan, heblaayo waad dhoofin, heblaayana waad casayn….aah….aah. Maalin cad baan riyoonayay.

 

Kumaan tashanayn inaan caydh qaato, kumanaan tashayn inaan tacliin ku shaqaysto, ee waxaan ku tashanayay inaan tunkayga iyo tagoogayga ku daaqo, kuna cad goosto oo cidaydana wax uga diro.

Dhoofay oo tegay halkii calanka la iiga lulay, dhulku cagaaranaa ma naq baa helay? nadiifsanaa ma naagaa muudsaday? udgoonaa ma caraf baa lagu shubay? qaboobaa ma Samhiiraa ku soo neefsatay? dumarku qurux badanaa ma xuural cayntii Xaaji Cabdi ka sheekayn jiray baa, su’aalahaasi waxay ka mid ahaayeen kuwii dihnigaygu i weydiinayay dabnahayguna ay qarinayeen.

 

Waxaan la joogaa ciddii i keentay, waxaanan kala garan la’ahay in la joogayga lagu faraxsan yahay iyo in laga xun yahay. Waayo cidiba ima waraysanayso, cidibana iima warramayso;, cidiba ilama hadlayso, cidina ilama haasaawayso. Durba waan yaabanahay, illayn waxaan ahaa nin hadal ku nool, halkanse aamus baa lagu nool yahay. Farxad baan ku noolaa, halkanse murug baa lagu nool yahay; caafimaad baan ku noolaa, halkanse cuqdad baa lagu nool yahay; shaqaan ku noolaa, halkanse fadhi baa lagu nool yahay . Wixii la doonaba ha lagu noolaade, waa inaan helaa wixii aan u imid halkan oo shaqo ah. Waxaan codsadey in la i shaqo geeyo, waase la ii dardaar wariyay oo waxa la igu yidhi: “dhulku shaqo ma leh, adiga oo kalena waabad ka sii xag jirtaa. Waayo afka ma taqaanid, markaa inaad afka barato ayay noqonaysaa, waxaanay kugu qaadanaysaa ugu yaraan dhawr sano. Markaa deg dega jooji oo edebso Afrika ma joogtide !!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!”

 

Malahaygii iyo waxa meesha yaal baa is qaban la’, anniga iyo naftaydii baa is fahmi la, si kalsooni darro ku jirto waxaan iskugu maaweeliyaa way hagaagi.

 

Waxaan galay meel afka lagu barto, waxaanay noo jirtaa in nabara. Waxa loo sii raacaa tareen lagu raaco tigidh. Tigidhka waxa lagu goostaa lacag, lacagtana waxa gacanta ku haya islaanta iyo odayga. Aroor walba waan ka daahaa dugsiga, waxaanan uga habsaamaa inta aan sugayo caydhaa yar ee tareen raaca ah oon cidiba hoo i odhan. Anna sida wax loo bixiyo ayaan aqaannee, sida dadka wax loo weydiiyo ma aqoon. Guriga ayaan ku dhex meeraystaa, kolba qufac aan i hayn baan iska keenaa, kolba odayga ayaan saacadda weydiiyaa, hoostana waxaan ka idhaa: “Garasho daranaa goblamuhu.” Haddana xagga islaanta ayaan holliyaa, muddo ka dibna waxaan si hoose u idhaa “Tanaaba ka daran gunta ka dhacdadu.”

 

Anniga oo xaaladdaa ku jira dadkaygii waxay iiga fadhiyaan, nafci, waxtar iyo wax qabad, waanay ku sax san yihiin. Waxayse moog yihiin haddaan qadeeyo inaanan quraacan; haddii aan qureecdana inaanan qadayn. Waxa kale oo ay moog yihiin in qabaw iyo qarracan ay qaybsadeen jidhkaygii iyo jamaalkaygii. Waxa kale oo ay moog yihiin inaan is la’ahay oo aan is raadinayo. Waxa kale oo ay moog yihiin inaanan is aanan bedelin ee waayuhu i bedelay.

 

Waa la i soo wacayaa waxtar baana la iga filayaa, anna waan is ognahay oo waxba ma tari karo. Markaa si aan qofka telefoonku ugu badan baan hadalka ugu soo gaabinayaa, aniga oo u naxariisanaya una lexo jecloonaya, waxaase loo arkayaa inaan nacayo, inaan is diidsiinayo inaan… inaan…

 

Anniga oo og waxaan hadda qaadaayaa baydkii labaad ee heestii Axmed Mooge Alle ha u naxariistee.

 

Tabaalada adduunkee,

Nin kastaba u taallaa,

Anigay i turuqdoo,

Tagoogaha i jabisee,

Ka tallaabsan waayee,

 

I taageer allahayow,

Arrintayda kala taal,

Adaa toosin karayee,

 

Arrinkaygu hadduu si dhaba u kala yaallaa, Waxaan is leeyahay ma noqotaa? waxa kale oo aan is leeyahay ma joogtaa?.

 

Axmed Ismaaciil Maxamuud (Axmed deeq)

E-Mail: awliyo177@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this