Sign in to follow this  
Somalina

Qarax khasaare geystay oo ka dhacay magaalada Hargeysa

Recommended Posts

Somalina   

Jimco, 28 January 2011 (HOL)- Wiil dhalinyaro ah ayaa geeriyooday, mid kalena waxa soo gaadhay dhaawac kaddib markii ay Miino ku qaraxday goob ay ku ciyaarayeen Dhalinyaro tiro badan.

Dhalinyaradan oo Kubbadda Cagta ku ciyaarayay Garoon ku yaala Xaafadda Sheedaha ee Degmada Ibraahim Koodbuur ee Magaalada Hargeysa, ayay ku qaraxday Miino, waxaana halkaa ku naf-baxay Allaha u naxariistee Marxuum Mubaarik Mawliid Ismaaciil oo da’diisu ahayd 16 jir, halka uu dhawaac culusi ka soo gaadhay Farxaan Ibraahim Maxamed oo 18 jira ah.

 

Wararka la xidhiidha arrintan ayaa sheegay in Miinada uu Xashiish dhexdiisa dhigay Nin ay dhalinyaradu sheegeen in ay arkayeen marka uu dhigayay, taas oo keentay in ay isku dayeen in ay soo eegaan, isla markaana mid ka mid ahi soo qaaday. Hase ahaatee, iyaga oo aan si wacan u aqoonsan in ay Miino tahay uu mid ka mid ahi garaacay, taas oo keentay inay Qaraxdo.

 

Wiilka ku dhaawacmay qaraxa oo lagu macaabo Farxaan Ibraahim Maxamed ayaa lagu dawaynayaa mid ka mida cisbitaalada sida gaarka ah loo leeyahay ee Magaalada Hargeysa.

Inkasta oo ay Somaliland ka hawl-galaan Hay’ado sheega inay ka shaqeeyaan ururinta waxyaabaha qarxa, haddana maaha markii u horraysay ee Miino ku qaraxdo dadweynaha ku dhaqan Somaliland.

Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online

barqad@hiiraan.com

Hargeisa, Somaliland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ilahay ha u naxaristo sidan warka ku hayo labo caruur laba wiil groon kubadeed bey ku ciyarayeen xaafada sheehada eeh ku taala woqoyiga magaalada hargeysa. labadi wiil ayaa arkay gaadhi ,albaabku u furanyahay gaadhiga wuxu u eeka gaadhi nooca ay boolisku kaxaystaan oo kale miinada gacanta lugu qaato bay ku arkeen isku tuurtuureen nasib daro wu ku qarxay,, wilka aya dhawac so gaadhey yarki kale na wu dhintay alaya raxma , qaraxan ka dhacay magaalada hargeysa shalayto galinki danbe bu dhacay .

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ma wax baa u dhinaa kuwa baabuur grenade ku jirto cidla kaga tegey isagoo weliba daaqaduhu u furanyihiin? Mise saacadii qaadku soo dhici jirey bay aheydoo intuu miyirku ka tegey bay xitaa inay dariishadaha sii xidhaan illaaween? Anagaa belyaayo aragnay!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this