Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Saraakiisha Xarakada Al Shabaab oo isku khilaafsan in la-toogto Macalin Xaashi

Recommended Posts

Saraakiisha sar sare ee Xarakada Al Shabaab ayaa si weyn iskugu khilaafsan in la-toogto gudoomiyihii gobolka Banaadir ee Ururkii burburay ee Xisbul Islaam Macalin Xaashi Maxamed Faarax.

 

Amiirka Xarakada Al Shabaab oo ay Soomaalidu u taqaano Axmed Godane ayaa shaaca ka qaaday in lagama maarmaan ay tahay in la-toogto gudoomiyihii gobolka Banaadir ee Ururkii burburay ee Xisbul Islaam.

 

Axmed Godane ayaa sheegay in Macalin Xaashi lasoo qabtay isagoo qorsheynaaya in uu cagta mariyo ciidamo ka tirsan Xarakada Al Shabaab oo ku sugnaa magaaladda Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe, isagoo intaasi ku daray in sharciga Xarakada uu dhigaayo ruux kasta oo qorsheynaaya in uu dhaawac u geysto Al Shabaab, ay waajib tahay in la-toogto.

 

Xarakada Al Shabaab ayaa afar bilood kahor gacanta kusoo dhigtay Macalin Xaashi xilli uu ciidamo badan oo Xisbul Islaam ah uu iskugu geeyay magaaladda Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe, si uu meesha uga saaro Xarakada Al Shabaab, iyadoo Macalin Xaashi uu deegaan ahaan kasoo jeedo Balcad.

 

Al Shabaab ayaa kahor tagtay weeraro uu kusoo qaadi rabay Macalin Xaashi, isla-markaana waxay ku sameysay hub ka dhigis, isla-markaana waxay ku xirtay xabsi ku yaalla xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir.

 

Muddo dhan afar bilood ayaan la-maqlin codka Macalin Xaashi, iyadoo Ururka Xisbul Islaam intii uusan burburin Al Shabaab ka codsaday in loo-soo sii daayo Macalin Xaashi, hase ahaatee taasi ayaa waxaa ka biyo diiday Xarakada Al Shabaab, waxayna ku andacootay in uu ninkaasi ka gallay dembiyo culus.

 

Hadaba Axmed Godane ayaa qalinka ku duugay in Macalin Xaashi la-toogto, hase ahaatee taasi ayaa waxay keentay khilaafaad baahsan oo ka dhex curtay saraakiisha sar sare ee Xarakada Al Shabaab, isla-markaana gudoomiyaha gobolka Banaadir Sheekh Cali Maxamed Xuseen, afhayeenka guud ee Xarakada Al Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage, afhayeenka ciidamadda Al Shabaab Sheekh Cabdi Casiis Abuu Muscab iyo afhayeenkii hore ee Al Shabaab Mukhtaar Roobow Cali “Abuu Mansuur” ayaa waxay sheegeen inaanan la-toogan kareyn Macalin Xaashi, taasoo abuurtay khilaafaad diiran oo soo kala dhex galla saraakiisha sar sare ee Xarakada Al Shabaab, iyadoo aan la-ogeyn waxa uu ku dambeen doono mustaqbalka Macalin Xaashi Maxamed Faarax.

 

Si kastaba ha-ahaatee Axmed Godane ayaa waxaa lagu eedeeyaa in uu Koonfurta Soomaaliya ka wado aar-goosi, isla-markaana inta badan ummada Soomaaliyeed ayaa waxay amiirka Xarakada Al Shabaab Axmed Godane ay u arkaan, in uu yahay nin ay ka buuxdo cuqdad, waa sida ay sheegaan’e.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this