Sign in to follow this  
wyre

God madow

Recommended Posts

wyre   

Waxa uu marayaa waddo cad. Maalinba mid ayuu la kulmaa tu yar oo cusub ayaa hadba goob loogu keenaa ama hoyga uu daggan yahay. Isaga oo taas ka jecel midiba tay ka yar tahay, ee ka jidh iyo jaah qurux san tahay, niyadna wuu u hayaa. Waxa uu u hayaa oo kale hanti mood iyo noolba. Si ay ku soo gashay ma yaqaan, balse waxa uu arkay isaga oo gaadhi cad iyo guri fillo ah daggan. Marar sii horraysay ayuu se maleeyey inay ku soo gashay si khamaar ah ama bakhtiyaanasiib ah, oo waa kaas joonyad lacag ah kala yimid meel gacal iyo xigaal ba ka dheer, oo dadka gumoobay daggan yihiin. Dadkaas si aanu garanayna loo gumeeyey isaga maxaa ka galay waxa la gumaynayo, waxa uu ka helayba tii Ilaahayee, oo aanu dhidid iyo shaqo toona u soo marin.

 

si kale (haddaan u dhignana), sanooyin badan hadduu u shaqeeyo aan soo gasheen, waxase uu isku arkaa nin dadka ka fil iyo faan roon, oo qayrkiii dhaafay. Marar badan waxa uu maleeyey inuu yahay ninka dunida ugu nasiibka badan, laakiinse xisaabta kumuu darsan inay hantidu maamulkeedu xisaab adag tahay, iyo inay la jiidhi doonto meel kasoo noqoshadeedu adagtahay, haddase waxa uu ku jiraa laydh iyo hawada sare raacayeey!

 

 

 

Guriga uu tago waxa ugu sii diyaar ah qaar u raxlaynaya, waxa uu dirtana fadhiga ugu keenaya. Marka uu soo galo waxa u horreeya ee uu iska eegaa inay tu gadahiisa ka wayn meesha ku jirto. Waxa uu u haystaa in taasi ka burji wayn tahay, oo haddiiba saqda dhexe marka loo kala tago ay yadu ka xoog iyo xilo badnaan doonta kana guulaysan doonto. Marka uu mid noocaas ah isha la helana waxa uu tagi jiray meeshiisa labaad ee uu ku nasto, kana helo curdinka uu isagu libinta ka heli doono, wakhtiyada khayr ku seegay ee danbe.

 

Maalinba majlis cusub ayuu tagaa, oo ku barjeeyaa, kuna baraarugaa heeso qaaci ah oo midiba ta kale ka dhadhan iyo nuxur macaantahay, lacagtana wax uu ugu daadiyaa si aan caadi ahayn. Oo soo lacagtuba bilaash kumay soo galin? Maxaa diiday inuu sidaas oo kale u qubo ? Cidna.

 

 

 

Habeenkan saacaddu waxay ku luudaysaa kowdii habeenimo, mid walbana waxaa ku duxay mirqaan aan kii sii hore ahayn,, waxase uu caawa oo dhan ishaaqsanayey toddoba iyo toban jir kobta ku cusbayd oo yaduna si kale u firkanaxsanayd , oo uu is yidhi waddaday ku socoto ayey ka wer-weraysaa iyo halkay la mari doonto. Maxayse uga naxaysaa sowtan dhex fadhida? Maxaa keenay? Tu samada ka timid oo ka gu iyo gado waynayd ayaa ku soo qasabtay inay maanta garabka ku darto oo ay raacdo. Iyada waa gaddeed oo dhacdhaceeda ayaa badanaya, maalintaasna kharash badan ayey ka taaban doontaa, ragga meesha leh, ee markasta gogosha fidiya, si ay ugu gumeeyeen yar-yar-kan towbada seegay.

 

Waa kaas isku qaaday tii yarayd markii loo kala tagay, yadna mabay filayn waxan oo kale oo balwada ku cusub ayey la ildarnayd, oo tamarteedii dhintay, oo wax alla waxii sheeko ku duugnayd soo faqday, oo waa taas waxba qarin wayday, ee haddana mid ba lugta saarta, se iyadoo sheekadii wadda waataas ku war heshay qof xagga sare kaga yimid oo ka awood iyo itaalba roon. Ismay luudin iskamayna difaaciin ee aayar ayey isku dhigtay, oo yadba way u baahnayd malaha oo maskaxdeeda ayaa maqnayd waxayse u haysatay waxay goorahan ba filaysay. Halkaas ayuuna kaga xaajo gutay. Kuwa kale oo ka danbeeyeyna sidaas iyo si ka daran ayuu ku muquuniyey. Tu kasta oo uu sidaas u galana halkaas ayey ku baaba’daa, waxayna ku danbaysaa godkaas madow.

 

Tin iyo cidhib dhidid ayaa qooyey, waxa uu isaga masaxayaa tuwaal halkeer yaaalla, oo kolba dhinac uu u rogayo oo dhinac qoyan maahee dhinaca kale isaga masaxayaa, wuuna isku qallajinayaa. Marka uu isku qallajiyo haddana dhididkii ayaa sidii oo kale uga soo daadanaya. Waxaa hor yaalla falaasad shaaha ah, oo aad mooddo in sonkorta lagu badiyey caleentana laga yareeyey. Laba iyo saddex jeer oo aan wakhtiba u dhaxayn ayuu fuuqsanayaa. Ma oga waxa nasiibka iyo calafku u maleegayaan. Ma cid baa’se taasi og soo qof walba waxii qaddar ah ee ku dhaca kun sanno kama wayna? Haa, laakiin caawa waxa uu ka fikiriyaa wax aanu hore uga fikirin.

 

Waxa uu xasuusanayaa qaar tolkiisa ahaa oo mag iyo diyo u soo doontay oo uu waxba u dhiibi waayey. Waxa kale oo uu xasuusanayaa nin walaalkiisa ah oo lacag uu ku shaqaysto u soo doontay oo uu ka jeestay. Waxaase uu haddana arkayaa sida dhibta yar ee dadkay isku madasha yihiin lacagta ugu qarqinayo. Ahey ah!

 

takhsiinta wajigiisa aad moodo inay ka soo buuran tahay marka uu gacanta ku salaaxaba fikirka ayaa la sii dheeraanaya. Waxa uu dhex xulayaa hirar iyo mawjado uu awal is diidsiin jiray, maantase waa kan si badheedh ah uga fikiriya. Dadka la fadhiya oo dhan waxa uu u haystaa inay habaaran yihiin, oo laga inkaarsaday. Haddana inay yihin dad inkaarta yagu qaybinaya ayuu is tusaa.

 

Wajigiisu waxa uu ku began yahay mid curdin ah oo gugii siddeed iyo tobnaad madaxa la gashay, waxaanu is waydiinayaa intaas ka dib, waxa dhib ah ee ay la kulmi doonta , hadii ay sidan ku sii socoto. Saw taa habeenba nin jeebkiisu buuxo jeeniga ka raacday, ayuu si foojigan maskaxdiisa uga arkayaa. Maantase waxa uu dareensan yahay inay balwaddani ku cusub tahay oo ay xiiso gaar ah u hayso. Waxay kolba hagaajinaysaa diraca oo ay mar si baylahsan u urursanaysaa markale se si ku talagal ah u bannaynaysaa, si ay u tusto , oo ay u qanciso isaga.

 

Shaah si ugu daatay ayey ka masaxaysaa oo waa shaqadeeda. Oo waxay ku miyir doorsantahayba soo isagu muu bixin? Haa, inuu isagu leeyahay ayey u haysataa. Waa run oo isagaa leh. Marta ayey aayar isaga qaadaysaa si ay dadkan la fadhiyaa quruxdeeda u tusto , oo naaso ugub ah tusto, iyo bawdyo cigaagan, xaluskana dhinac aanay filayn ayey ka bannaysaa. Oo quruxda talow ma qaawanaanta ayey u haysataa? Mayee waa dar maskaxdoodu baddalan tahay oo meeshay dhex socdaanba aan ahayn duni la is asturo. Marka la soo galayo godkan ayaa xishoodka iyo akhlaaqdaba lagaga yimaaddaa albaabka hore ee guriga, waase caado qabatintay, dhaqan doorsoon iyo balwad jacayl. Marse sidan hadday ku sii socoto soo habeen ba mid ma qabanayo, oo inta yadoon is ogayn sariirta la geeyo lagu ma dul macaashayo, oo si dhaqanka iyo milgaha ka baxsan la iskuma dul gal galanayo, oo waliba wax diinta ka arradan la iskuma dhiib dhiibayo? Haa. Sow taa dar aan aabbe lahayn maalinba meel kaga tagtay, aakhirkana god madow oo kale afka lagaga tolay sidaasna ku aakhiro seegtay.

 

isagoo sidaas iskula maqan ayuu haddana dhinac kale ka eegayaa, oo uu malaynayaa haddii ayna godkan soo gali lahayn soo wax barasho hoose iyo mid sareba may dhammaysateen, oo marka danbena duni wacan oo tan ka aayo wanaagsan may dhex xaluusheen, oo oday wanagsanna shaaha umay kariseen, iyadoo ubadkeedana aqoon fican ku ladhi lahayd, halkaas na tawbad wanaagsan oo dadkeeduna sharaf ku leeyihiin kagama tagteen?

 

Haddana wuu is ilowsiinayaa arrinkaas oo waxa uu aaminsan yahay haddayba godkan madaxa la soo gashay inaanu ka soo noqosho lahayn. Isagoo taas og ayuu haddana qirayaa inuu isagu masuul ka yahay kuwa uga horreeya ee hilbahooga ku cunaya bilaa dab, oo meel xun mar kasta ku jujuubaya. Maxaad adiga isaga dayn wayday si aan eed laguugu raacin ayuu niyadda iska odhanayaa. Balse taas maxuu ka ogyahay soo hawo adduun iyo tumasho naftiisu kumay riixayn.

 

Caaawa markii uu qadhaadhki ka tan batay ee uu fikirkii ka soo noqday ayuu si aan hore looga baran tufayaa waxii canka ka kuusnaa, oo biyo raaacinayaa, findhicil wayna la gandiidsanayaa, wakhti aan wakhtigii uu kici jirin ahayn ayuu kacayaa. Guri wayn oo fillo ah oo uu lahaa ayuu dhex tagayaa, ishana la raacayaa waxa guriga dhex yaallaa. Ma carruur baa? Maya. Ma hooyaa? Maya. Ma walaal baa? Maya. Nin wax dhaqday maaha, balse waxa uu arkayaa in miis iyo kuraas cadcad meesha ku dhagsan yihiin. Bari hore se ayey is daayeen gacal iyo xigaalba, oo wax dhaqo waxna dhiso ayey ku calloobeen. Xataa guurso ayey ku kari waayeen, maantase waxa uu og yahay inuu duul badan hawada ka qariyey oo god madow ku danbaysiiyey, naftiisuna waxa uu ka bixi waayey isla hadal, haddase inuu cadaab ka soo baxay ayuu caawa oo qudha dareemay. Muxuu u dareemi waayey markii hore? Haa waa run ee muxu u dareemi waayey? Isagaa taas kaa og oo u badheedhay ee maxaa kaa galay?

 

Habeen kaas intuu alaabtii laalaabtay ayuu subaxii xigay ka duulay dhulkii u fidnida iyo fadhi xumaanta ka waday, adaase iga og inuu god madow ku danbeeyey, waayo soo dhulkiinna umuu soo hayaamin? Haddii aad ogtahay halkaas waxa uu ka wado ii soo sheeg si aan uga sii anba qaado sheekadiisa, malahaygase waxay ila tahay inuu god madow ku danbeeyey. Waxaan hubaa uun in kuwii uu ka tagay ee habeenkii ka soo kacay ay god madow ku danbeeyeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this