Sign in to follow this  
oba hiloowlow

10-caruur oo haraad u dhintay Hobyo

Recommended Posts

Tiro caruur ah ayaa haraad ugu geeiyooday tuulooyin hoos taga degmada Hobyo ee gobolka Mudug, xilli dhibaatooyinka ka dhashay abaaraha gobolkaasi ku dhuftay ay sii xoogeysanayaan .

 

Illaa iyo 10-caruur ah ayaa haraad dartii ugu geeiyooday 24-saac ee la soo dhaafay tuulooyin hoos yimaada Hobyo.

 

Odayaasha dhaqanka Hobyo ayaa ganacsatada ugu baaqay in dadkaasi gacan u soo fadiyaan.

 

Waxa ay xuseen in ay ku adag tahay in dadka tuulooyinka biyo la gaarsiin karin wadooyinka oo bacaad ah ayna haysan gawaari u saamaxaya arintaas .

 

Gobolada dhexe ayaan helin wax roob ah muddo laba xili ah, iyadoo xoolo badan ay ku quur baxeen tuulooyinkaasi .

 

Waxaa xusid mudan in abaarta haatan ku dhufatay gobolada dhexe iyo koonfurta Soomaaliya ay yihiin kuwii ugu darnaa ee soo mara goboladaas

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this