Sign in to follow this  
Siciid1986

Badhsaabka Cusub ee Buuhoodle oo Si Diiran Loogu Soo dhaweeyo Magaalo Madaxda Gobolkaas

Recommended Posts

Badhsaabka Cusub ee Buuhoodle oo Si Diiran Loogu Soo dhaweeyo Magaalo Madaxda Gobolkaas

 

January 6th, 2011 Comments Off

Buuhoodle (Somaliland.Org) Badhasaabka cusub ee xukuumadu dhowaan u magacawday gobolka Buuhoodle Md Axmed Maxamed Faarax, ayaa si balaadhan loogu soo dhoweeyey magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Buuhoodle. Ka dib markii uu halkaas gaadhay gelinkii dambe ee Salaasadii doraad.

badhasaabku markii uu gaadhay magaalada Buuhoodle waxa uu kulamo gooni gooni ah la yeeshay ururada bulshada sida ururada dhalinyarada oo ay iska xog waraysteen adeegyada bulsho ee gobolkaasi.

Badhasaabka cusubi waxa uu sheegay inuu xiligan sido mushaharkii ay ku shaqeynayeen cuqaasha gobolkaasi,waxaanu madaxdhaqameedyada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ugu baaqay inay ka shaqeeyaan sugida iyo adkaynta nabadgelyada. Sidoo kale, waxa magaalada Buuhoodle tagay afar sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Booliska ee gobolka Togdheer kuwaasi oo ku labisnaa dirayskoodii isla markaana watay gaadiidkoodii.

Waxa saraakiishaasi ciidanka Booliska halkaasi ku soo dhaweeyay ciidamada gobolka Buuhoodle ka joogay Somaliland. Waxa la sheegay in saraakiishaasi ay u socdeen hawlo la xidhiidha dhinaca ammaanka. Waa markii u horraysay ee taariikhda saraakiil ka socda

Ciidamada ammaanka ee Somaliland ay tagaan magalaada Buuhoodle dhawrkii sanadood ee la soo dhaafay.

 

Somaliland.Org/Hargeysa

 

Buuhoodle

 

Fadumo Ali Aw-Mohamed oo Fariin U Diraysa SSC

 

Fadumo ayaa ka waramaysa xaalada guud Ee gobolka buuhoodle xaalada ssc meesha ay hada ku sugan tahay iyo sidii loo khasaareeyey tacabkii qurbo joogta..

 

http://xargaga.net/images/file/Abaar/FadumoAli_Xargaga_Online.ram

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this