Abdirazak_PTL Posted January 6, 2011 Waddooyinka Caasimadda Puntland oo Dib U Habayn Lagu Bilaabey [sawiro] Dawladda hose ee magaalada Garoowe xarunta Dawladda Puntland ayaa maanta waxaa ka bilowdey hawlgalo aad u culus, kuwaas oo dib loogu habaynaayo bilicda magaalada isla markaana lagu hagaajinaayo qaarkamid ah waddooyinka magaalada. Guryo badan oo si aan sharciga waafaqsanayn ugu soo durkey waddooyinka ayaa maanta cagaf-cagaftu qaadey, kuwaas oo dhulka lala simey. Sida uu sheegay xogyaha dawladda hoose ee magaalada Garoowe Maxamed Cabdi ugu yaraan 14 guri ayaa la dumiyey, kuwaas oo markii horeba dhib ku hayey waddooyinka iyo bilicdaba, isla markaana si sharci darro ah loo dhistey. Gawaarida loo yaqaan cagafcagafta ayaa loo adeegsanaayey duminta guryaha marka dadkii lahaaguryaha ay kala baxaan albaabada, daaqadaha iyo saqafka kore, sidoo kale waxaa goobta lagu arkaayey ciidamada amaanka kuwaas oo u diyaar garoobey in ay sugaan amaanka haddii wax rabshado ah halkaas ka dhacaa Dadka laga dumiyey guryaha ayaa isugu jirey dad ganacsato ah iyo kuwo danyar ah, waxayna sheegeen in aysan ka soo horjeedin in waddooyinka la habeeyo isla markaana ay ku qanacsan yihiin in la dumiyo guryahoodi haddii ay danta guud wax u dhimeen, laakiin waxa ay codsadeen in dhaqaalihii ka galay wax loogu baddalo oo loo sameeyo cawl-celin ah. Duqa magaalada Garoowe Cabdicasiis Nuur ayaa sheegay inaysan jirin wax loo celinaayo dadka guryaha laga dumiyey, maadaama ay markoodi horeba ay ka dhisteen goobo waddooyinka kamid ah isla markaana ay si sharci darro ah ku dageen, waxaana uu fariin u direy kuwa ku haminaaya in ay goobaha danaha guud u isticmaalaan si gaar ah, isla markaana cagaf cagaftu wada gaari doonto dhamaan goobaha sharci darrada ah, “Runtii waxaa nagu culus dhaqaalaha ku baxaaya duminta iska dhaaf in aan bixino dhaqaale loo cesho kuwii sida sharci darada ah ku dhistay” ayuu yiri Cabdicasiis Nuur Xirsi duqa magaalada Garoowe. Waxaa si siman uga bilowdey magaalooyinka waaweyn ee Puntland nidaam lagu hagaajinaayo waddooyinka, kuwaas oo la sheegay in qaarkood laga dhigaayo waddooyin laami ah. Tan iyo markii ay burburtey Dawladdii dhexe ee Soomaaliya 1991, waxaa aad u batay dadka boobaaya boosaskii danaha guud ee dadka ka dhexeeyey, sidoo kale waxaa guryo waaweyn laga dhisey dhulkii waddooyinka ahaa, barxadihii bilicda loogu talo galay. Maxamed Siciid Yusuf Garoowe, Puntland Somaliya Horseed Media Quote Share this post Link to post Share on other sites