Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Maxaad kala socotaa weerarka qorsheysan ay qaadi rabaan dowlada Somaliya iyo ciidamada Amisom

Recommended Posts

Xukuumadda Soomaaliya oo boqolaal jeer sheegtay in’ay qaadi doonto dagaalo ka dhan ah Xarakada Al Shabaab ayaa waxay magaaladda Muqdisho ka wadaa dagaalo ka dhan Xarakada Al Shabaab.

 

Saraakiisha dowladda ayaa iminka u soo tafa-xeetay dagaalo ka dhan ah ciidamadda Xarakada Al Shabaab oo fara kulul ku haaya deegaanada ay ka taliso dowlada midnimada qaran ee Soomaaliya.

 

Saraakiisha xoogga dalka Soomaaliya ayaa waxaa saacadihii ugu dambeeyay lagu arkaayay saldhigyada ugu waaweyn ee ciidamadda dowladda ku lee-yihiin magaaladda Muqdisho, waxayna doonayaan dagaalo saf balaaran leh oo ay haljeer oo qura ku qaadaan Xarakada Al Shabaab.

 

Olalaha ay dowladda Soomaaliya wado ayaa waxaa la-dhihi karaa waa mid si-weyn loo-soo qorsheeyay, waxaana la-filaayaa kolka ay ciidamadda dowladda weerarka qaadaan in’ay kabi doonaan ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom, iyadoo si rasmi ah loo-soo habeeyay ciidamadda Amisom, waxaana loo-qeybiyay ilaa seddex qeybood.

 

Qeybta koowaad ee ciidamadda Amisom ayaa waxay ka qeyb qaadan doonaan dagaalo dhulka ah “Efantari”, kuwaa oo ciidamadda dowladda ku kabi doono gawaarida gaashaaman ee taangiyada.

 

Qeybta labaad ee ciidamadda Amisom ayaa waxay dagaalka kaga qeyb qaadan doonaan madaafiic cul culus oo ay kasoo ridi doonaan saldhigyada ugu waaweyn ee ciidamadda Amisom ku lee-yihiin magaaladda Muqdisho, sida Ex Kulliyadii Jaalle Siyaad, Xalane, Aqalka Madaxtooyada ee Villa Somalia, Bangigii dhexe ee ganacsiga iyo Hotel Jubba.

 

Qeybta seddexaad ee ciidamada Amisom ayaa waxaa la-sheegay in’ay ilaalin doonaan dhaq dhaqaaqyada gawaarida, gaar ahaan goobaha ay ku sugan yihiin ciidamadda Amisom, iyadoo laga baqdin qabo in xoogaga Al Shabaab ay soo qaadaan weeraro ismiidaamin ah.

 

Weerarka qorsheysan ay qaadi rabto dowladda Soomaaliya ayaa wuxuu yahay mid saf baaaran leh, isla-markaana dadka odoroso siyaasadda dalka Somaliya ayaa waxay sheegeen haddii ciidamadda dowladda ay si daacadnimo leh ugu dagaalamaan dowladda Somaliya, waxaa hubaal ah bay yiraahdeen, in dowladda ay la-wareegi doonto goobo hor leh, balse su’aasha meesha taalla ayaa waxay tahay, ciidamadda dowladda ma’u dagaalami doonaan sida ay dooneyso dowladdu?

 

http://dhacdo.com/news.php?readmore=3461

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this