Sign in to follow this  
General Duke

Garowe: Historic remarks of President Faroole on the final of the Somali National Games...

Recommended Posts

IMG_5018.JPG

 

Hadalkii Madaxweynaha Iyo Gudoonsiintii Koobka Gobolka Banaadir

 

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiraxmaan Shiikh Maxe’d ayaa ugu horayn u hambalyeey Gobolka Banaadir (Muqdisho) oo koobkan ku guulaystay waxaa kele uu hambalyeey Gobolada Bari iyo Nugaal kaalmaha 2-aad & 3-aad ka galeen tartankan.

 

Mudane Faroole ayaa waxa kele oo amaan u jeediyey dhamaan dhalinyaradii ka kala socotay Gobolada dalka oo ka qayb galay tartankan.

 

“Waxaan idiin sheegayaa inaad ogaataan in cayaarahan looga danleeyahay inay is dhexgalaan umada Somaliyed ayna ogaadaan inay yihiin walaalo” ayuu yiri Madaxweyne Farole.

 

Madaxweynuhu waxa kele oo umadda Somaliyed ugu baaqay inay soo ceshadaan sharaftoodi iyo qaran nimadoodii

 

“Aad baan ugu farxay koobkan inay ku gulaysato Muqdisho waxa kele oo aan ku faraxsanahay inay koobkan ay ku loolamaan labo gobol oo Koonfur & Waqooyiga Somaliya, Banaadir cayaaryahanadeedu waxaana uga faraxsanahy inay koobkan ay la tegaan iyo fariinta wacan ee ay ku arkeen Puntland oo ah ciidoodii” ayuu markele yiri.

 

Qodobada kele ee Madaxweyne Cabdiraxmaan uu ka hadlay waxaa ka mid ahaa nabada isagoo sheegay in kulamo ay Soomaalidu iskugu timid ay ka dhaceen Garoowe.

 

Gababadii Madxweyne Farole koobka gudoonsiiyey Cayaaryahanada Gobolka Banaadir,waxa kele oo Bilado & Shahaado sharfayo gudoonsiiyey qaybaha warbaahinta oo cayaaran tabaniyey intii ay socdeen.

 

Gobolka Banaadir ayaa markay munaasabadani oo ka dhacday qaybata VIP-da ee Garoonka Mire Awaare waxay cayaaryahandeedu bilaabeen dabal deg iyagoo wata Koobkan oo aad quruxbadnaa waxayna ku wareegeen iaygoo faraxsan guud ahaan daafaha Garoonka Iyadoo aan marna daawada yaasha Garoonku aysan joojin Sacab.

 

GAROWEONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this