Sign in to follow this  
Siciid1986

Taliyaha Tobabarka Xerada Ciidanka Degmada Sheekh Oo Beeniyay Ciidan Beeleed La Sheegay....

Recommended Posts

Taliyaha Tobabarka Xerada Ciidanka Degmada Sheekh Oo Beeniyay Ciidan Beeleed La Sheegay Inuu Tobabar Siinayay

 

heekh, 30, Dec, 2010- Taliyaha Xerada Tobabarka Ciidanka Qaranku ee Degmada Sheekh Maxamed Daahir Shire, ayaa beeniyay warar sheegaya in ciidan beeleed lagu tobabaro xeradaas oo uu qoray Wargeyska Waaheen ee ka soo baxa Hargeysa.

 

 

Taliyaha oo maanya shir jaraa'id oo uu ku weheliyo badhasaabka Saaxil Maxamuud Cali Hayste ku qabta Xarunta Xeradaas ee Sheekh, ayaa sheegay inay meel-ka-dhac ku tahay ciidanka qaranka ee dala difaaciisa loo tobabarayo in lagu sifeeyo ciidan beeleed, isagoo intaa ku daray inaanu ka hadhi doono joornaalka arrimaha ciidanka wax ka qoray, waxaana ka mid ahaa hadallada taliyaha, "Halkani waa dugsiga Barbaarinta iyo Tobabarka ciidanka qaranka Somaliland, waxaana la dhisay sanadku markuu ahaa 1962 intaana wuu shaqaynayey waxaana kabaxayey ciidan kala duwan ilaa wakhtigaasi ilaa hadana sitoosa ayuu ushaqaynayaa oo ay hawlihiisu u socdaan, balse waxaa jira joornalo qoray in dugsiga lagu toobabarayo ciidan beeleed arintaasi oo meel kaga dhac ku noqonaysa ciidanka qaranka iyo sharaftiisa." ayuu yidi Taliyuhu.

 

Taliyuhu waxa uu sheegay inuu gacanta ku soo dhigi doono wargeyskii warkaas faafiyay, waxaana ka mid ahaa hadalkiisa, "Waxan hadaba u balanqaadaynaa wargayska waxaa qoray inaanan halkaa kaga hadhi doonin balse uu yahay mid aan dalka iyo dadka toona dan ka lahayn waana kuwa aanu hada u tobabarayno inay ciidanku gacanta kusoo dhigaan Hargayasa ha joogo ama Berbera hajoogo ama xamar ha joogee waxaanu ku balanqaadaynaa inanu halkiisa ugu tango islamarkaana aanu soo laaladino, waxanan filayaa inaanu aqoon u lahayn dusigan balse ay aqoon daro uun ka yeedhsiisay waxaas uu ku hadlayo."

 

Badhasaabka gobolka saaxil iyo Duqa Degmada Sheekh oo iyaguna tegay Xeradaas, ayaa si wada u beeniyay wararka sheegayay in xeradaas lagu tobabaryo ciidan beeleed, " Ciidanka meleterigu astaan u yihiin jiritaanka dawladnimo waxana wax laga yaabo ah ficilada noocaasa iyo cida qoraysaba oo u saan saan eeg cadowga dalka hooyo iyo duminta qaranimada somaliland" sidaa waxa yidhi Badhasaab Ramaax.

 

 

cidanka1.jpg

 

yarkan waaheen qora dalka waa ku saaid ee miyaa la iska qaban kari waayay?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this