Sign in to follow this  
Somalina

Maraakiibta kaluumeeysiga jabaan oo aalad casi ah layimid bada somalia, yaase u maqan dalkasi

Recommended Posts

Somalina   

JAPAN_-_Military_DOOMAHA.jpg

 

Warbixin ay soo saartay hay’adda Ecoterra international ayaa dalka Japan ku eeedeysay xaalufinta badda Soomaaliya. Warbixinta ayaa waxaa lagu sharraxay qaabka ay maraakiibta waa weyn ee kallumeysiga ee Japan laga lehyahay ay uga kaluumeystaan badda Soomaaliya.

 

Dowladda Japan ayaa sidoo kale lagu eedeynayaa in ay ka howlgali jirtay badda Soomaaliya ka hor xitaa inta uusan bilaabanin howgalka ka dhanka burcad badeedda oo ay ka qeyb galayaan dalal fara badan oo caalamka ka tirsan.

 

Maraakiibta waa weyn ee kalluumeysiga Japan oo ay la socdaan ciidamadda badda ee dalkaas ayaa ka kalluumeysta goobo ka tirsan badda Soomaaliya halkaas oo ay dhigtaan qalab lagu soo uruuriyo kalluunka iyo kuwa kaloo casri ah oo la socda dhaqdhaqaaqa iyo nolosha kalluunka badda ku jira.

 

Ka sokow Jabaan dalal kaloo reer galbeed ah oo ay ka mid yihiin France iyo UK ayaa waxaa lagu eedeeyay in ay kaluumeysi sharci darro ah iyo waliba xaalufinta kheyraadka badda ay ka wadaan guud ahaan bad weynta Hindiya. Dalalkaas ayaa waxaa ay weli si xoog ah ku haystaan jasiirado ku yaal bad weynta Hindiya kuwaas oo ay qabsadeen xiliyadii isticmaarka.

 

Jasiiradahaas ayaa weli gacanta ugu jira dalalkaas reer galbeedka, waxaana ay ka sameysteen saldhigyo ay ciidamadooda leeyihiin gaar ahaan kuwa badda.

 

Warbixinta ayaa waxaa sidoo kale lagu xusayaa in hay’adaha caalamiga ee ka dooda arrimaha sharci darada ah ay ka aamusan yihiin, waxaana hayadahaas ka mid ah hay’adda QM u qaablisan cunnada iyo wax soo saarka beeraha oo marka magaceeda la soo gaabiyo la yiraahda FAO iyo Guddiga kalluumeysiga bad weynta Hindiya ee loo soo gaabiyo IOTC.

Share this post


Link to post
Share on other sites

No, he is the one who will save Somalia, oops, he was the one who was behind the attempt to sell the sea shelf to Kenya.,. My fault for mistaken him for the Mahdi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Farmajo is on what? lol, lets see if Sharif will ever comment on such things, nonsese really he was the man defending the selling of the Sea to Kenya.. Shame really.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

The case of him selling Somali assets and him n Sakiin's shady deals... do you remember when fat boy went to London and was denying the selling of the sea shelf "bad la geday ma jirto"? now that it is a shame...

 

How about you stick to the topic horta...Sharif and his fake Armani suits ku waalatey. Dhar la'aan ma ku hayso waa yaabee? lacag ma laguu aruurinaa for a suit? loooooool

Share this post


Link to post
Share on other sites

General Duke;684251 wrote:
yaa u maqaan? Yaa kale, Shiekh Hotel..

 

I thought meesha Faroole joogo inay budhcad badeedu joogto not meesha shariifku joogo ,,,, :)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this