Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Galkacyo Police clash with with an armed clan faction

Recommended Posts

Gaalkacyo: Iska Hor Imaad Sababay Khasaare Dhaawac ah Oo Ka Dhacay Gaalkacyo

December 26, 2010 |

Waxaa maanta iska hor imaad sababay khasaare dhawaac ah uu ka dhacay xerada Buula Bacle ee magaalada Gaalkacyo,kaasi oo u dhaxeeyey Ciidamada amniga Gaalkacyo iyo Koox maleeshiyo beeleed hubaysan.

 

Arrintaan ayaa ka danbeeyey ka dib markii ay koox maleeshiyo beeleed ah ay is hor taageen raashin qaybin ay ka waday Hay’adda Cuntada Aduunka ee WFP xerada Buula Bacle ee gudaha Gaalkacyo.

 

Taliyaha Qaybta Booliska ee gobolka Mudug Aadan Nuur Qaal oo u waramayey Horseed Media ayaa sheegay in labo qof oo uu ka mid yahay Guddoomiyaha Deegaameynta iyo Xaafadeynta Gaalkacyo Cali Cumar oo loo yaqaan “Cali Kacaan” iyo askari ka tirsan Ciidamada amniga Gaalkacyo ay ku dhaawacmeen kuwaasi oo gacanta ku hayey gargaarka mucaawinada ah ee ay waday WFP.

 

Wuxuu kaloo sheegay in kooxdii maleeshiyada ahayd ay ka dhaawaceen hal qof ayna ku daba jiraan intii kale.

 

Aadan Nuur Qaal ayaa sidoo kale sheegay in ay xirriir la sameeyeen beesha ay kasoo jeedaan Kooxdii hubaysneyd taasi uu ku eedeeyey in ay doonayeen in ay dhac u geystaan raashin loogu tala galay dad barakacayaal ah.

 

Isagoona intaasi ku daray in Odayaasha ay kasoo jeedaan ragaasi ay ogolaadeen in gacanta ay kusoo dhigaan ciddii falkaasi ka danbeysay.

 

Ugu danbeeyntii wuxuu Taliyuhu sheegay in cid kasta oo isku dayda amniga in ay khal khal geliso ay talaabo cad ka qaadi doonaan,xaaladuna ay iminka tahay mid wanaagsan gaar ahaan mida magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this