Sign in to follow this  
oba hiloowlow

12 ruux oo Soomaali ah oo qaraxyo ka geysan rabay Holland oo gacanta lagu soo dhigay

Recommended Posts

Ciidamadda ammaanka ee magaaladda Rotterdam ee dalka Holland ayaa gacanta kusoo dhigay 12 ruux oo Soomaali ah, kuwaa oo ay dowladdu Holland sheegtay in’ay qaraxyo ka geysan rabeen gudaha dalka Holland.

 

12-kaan ruux ee Soomaalida ah ayaa waxay lix kamid ah ay degnaayeen magaaladda Rotterdam, halka shan kalana aan la-aqoon waxa ay yihiin, iyadoo midka kalana la-sheegay in uu ahaa muwaadin degnaa dalka Denmark.

 

Ciidamadda ammaanka ayaa sheegay in dadkani looga shaki qabo in’ay xiriiro la-lee yihiin kooxda tunka weyn ee Al Qaacida, isla-markaana waxaa la-sheegay in’ay qorsheynaayeen qaraxyo waaweyn oo ay ka geystaan gudaha dalka Holland.

 

Ciidamadda ammaanka ayaa waxay baaritaano ku sameeyaan afar dukaaman iyo laba hotel ah oo dadkaasi lala xiriirinaayo, isla-markaana waxaa laga waayay wax-yaabaha qaraxyo sameyn kara, sidaa waxaa yiri sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Holland.

 

Saraakiisha ayaa sheegay in’ay wadaan baaritaano kala duwan oo ku aadan dadkaasi, iyagoo sheegay in’ay iminka ku xiran yihiin saldhig ku yaalla magaaladda Rotterdam ee dalka Holland.

 

Wixii kusoo kordha kala soco wararkayna dambe haddii uu RABI idmo

 

http://dhacdo.com/news.php?readmore=3377

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this