Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Shabaab isu dhiibay Dowladda,

Recommended Posts

Dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa shalay soo bandhigtay horjoogayaal ka tirsan kooxda Shabaab oo todobaadkii hore u soo galay dowladda KMg ee Soomaaliya.

 

lix horjooge oo ka tirsan Shabaab ayaa maanta warbaahinta ka soo hormuuqday kuwaas oo sheegay in ay ka soo goosteen Shabaab, kaddib markii ay sida ay sheegeen ka tanaasuleen dhibaato ay si joogto ah ugu haayeen umadda Soomaaliyeed xilligii ay ka tirsanaayeen kooxda Shabaab.

 

Nimankaan oo xilal kala duwan ka hayay Maleeshiyada Shabaab waxaa hoggaaminayay Maxamed faarax Cali oo Shabaab u qaabilsanaa fadhiisimaha dagaalka ee u dhaxeysa Isgoyska Aadan Cadde iyo waddada Talex ee degmada Hodon.

 

Maxamed wuxuu sheegay in uu go'aankaan qaaay kaddib markii uu fahmay ama garowsaday in wxa ay wadaan Shabaab ay yihiin wax ka fog diinta Islaamka dagaalkuna uu yahay mid ay ku dhamaanayaan dad muslimiin ah oo aan waxba galabsan.

 

 

http://www.flickr.com/photos/ladane/ halkaan ka Daawada sawiradooda

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

More Shabaabis isu soo dhiibay Dowladda

 

 

Monday, 10 January 2011 14:14 Read : 119 times

Hay’adda nabad sugidda qaranka Soomaaliyeed ayaa maanta soo bandhigtay 7-dhallinyaro ah soo si iskood ah uga soo baxsaday Maleeshiyaadka Kooxda Shabaab a islamarkaasna isku soo dhiibay Dowladda Soomaaliya.

 

Dhallinayaradaasi oo saxaafadda la hadashay ayaa sheegtay inay garawsadeen in waxyaabihii ay ku jireen ay ahaayeen falal ka baxsan shareecada Islaamka islamarkaasna ay kasoo laabteen dambiyadii ay horay uga galeen Shacbiga Soomalaiyeed, iyagoo tilmaamay inay diyaar u yihiin inay la dagaalamaan maleeshiyaadkii ay horay uga tirsanaayeen iyo ajaaniibta dambiileyaasha ah ee ku soo duulay wadanka.

 

Yuusuf Maxamed Xasan oo horkacayay dhallinyarada isi soo dhiibtay ayaa tilmaamay inay ka soo baxsadeen aagagga hore ee degmada Boondheere islamarkaasna ay dowladda uga mahad celinayaan soo dhaweynta ay u fidisay waxa uuna intaasi ku daray inay diyaar u yihiin la shaqeynta Dowladda Soomaliya.

 

Maxamed waxa uu faahfaahin ka bixiyay dillalka naxariis darradda ah ee ay maleeshiyaadka Shababa la eegtaan dadka muslimiinta ah ee aan waxbo galabsan, isagoo carrabka ku dhuftay in maleeshiyaadka Shabab ay waxa ay rabaan sameyn jireen.

 

Dhallinyaradaasi ayaa sheegtay inay ka faaiideysanayaan baaqa uu R/wasaaraha Soomaliya Maxaamed Cabdullaahi Maxameed Farmaajo u jeediyay kaas oo ahaa inay ka faaiideystaan dhallinyarada ka tirsan kooxda Shabab muddada 100-ka maalmood ah oo ay qabsatay xukuumaddan oo cafis u fidisay haddii ay ka soo baxaan Shabaabka.

 

Maxamed Faarax cali Al-Ansaarii oo ka tirsanaa rag horay isugu soo dhiibay Dowladda ayaa sheegay in ay jiraan boqolaal kale oo soo daba jooga dhallinyaradaan islamarkaasna doonaya inay isu soo dhiibaan Dowladda Soomalaiya.

 

Dhallinyarada u soo gashay Dowladda ayaa magacyadooda iyo kuwii ay kula shaqeyn jireen kooxda Shababa waxa ay kala yihiin;-

 

1. Maxamed Cabdullaahi Maxamed, waxa uu kooxda Shabab ugu shaqeyn jiray magaca ah Khadaab.

 

2. Sharmaarke C/rashiid Warsame waxa ay kooxda shababa ku yaqaaneen Mansuur.

 

3.Cabdi Axmed Maxamed oo looga yaqaanay kooxda Shabab Xasan Maxamed.

 

4.Yuusuf Maxamed Casir waxaa loo yiqiinay marki ii uu ka tirsanana Shabab Maxamed Xasan.

 

5. Axmed Sh. Ibraahiim Seyfullaahi ayaa loo yaqaanay.

 

6. Zakariye Cusmaan Xasan waxaa la dhihi jiray Bakar Yare.

 

7. Jibriil C/qaaadir Yuusuf waxaa looga dhex yaqaanayay shabaab Seyfullaahi.

 

Dhowaan ayeey aheyd markii ay maleeshiyaad ka tirsan kooxda Shabab ku soo biirreen dowladda kaddib markii ay u dulqaadan waayeen dhibaatooyinka ay ku hayaan ajaaniibta iyo horjoogeyaashoooda shacbiga Soomalaiyeed, waxa ayna arintasai keentay inay dhallinyaro kale isu soo dhiibaan dowladda.

 

RM

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dowlada KMG ah ayaa maanta soo bandhigtay Dhalinyaro ka tirsanaa Shabaab oo isa soo dhiibay.

 

Dhalinyaradan isu soo dhiibtay gacanta dowladda KMG Soomaaliya oo tiradoodu gaarayso ilaa iyo lix ruux islamarkaana ay maanta soo bandhigtay ha’adda Nabad Sugida Qaranka ayaa ah kuwa haatan ku faraxsan sida diiran ee loo soo dhaweeyey, waxaana ay dhamaantood hoosta ka xariiqeen in ay ka go’antahay la shaqeynta ciidamad Qaranka Soomaaliyeed.

 

Afhayeenka Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka korneel Ibraahim Cumar Aadan oo goobta lagu soo badhigay 6-daasi dhalinyarada ah ka hadlay ayaa faah faahin ka bixiyey qaabka ay dhalinyaradasi uga soo tageen kooxihii ay markii hore ka tirsanaayeen, iyo sida ugu suurta gashay in ay dowlada isu soo dhiibaan.

 

Korneel Abuukar Cumar Aadan waxa uu xusay in dhalinyaradaani ay ka soo carareen dhibaatada lagu hayey iyo tan shacabka Soomaaliyeed loo geysanayo, isagoo intaa ku daray in ay u sameeyeen Saldhig lagu xareeyo dhalinyarada ka soo tagaya Maleeshiyaadka Shabaab.

 

Sidoo kale qaar ka mid ah dhalinyaradasi isu soo dhiibtay gacanta dowladda Soomaaliya oo halkasi ka hadlay ayaa waxa ay sheegeen in ay aad ugu faraxsanyihiin ku soo biiritaanka dowladda, ayna ka go’atahay sidii dhalinyarada kale ee ay maleeshiyaadkasi qalden ay ugu soo biirin lahaayeen dhinaca dowladda.

 

Waxa kaloo dhalinyaradaan ay tilmaameen in waxyaabaha ku kalifay in ay ka soo tagaan kooxdaasi ay ugu wacantahay kadib markii ay u dulqaadan waayeen dhibaatada joogtada ah ee ay kooxdasi ku hayaan umadda Soomaaliyeed.

 

Mahad Max’ed C/llahi oo ahaa horjoogihii dhalinyaradaasi watay iyo Caadil Max’ed Sabdow oo isna ka mid ah dhalinyarada saakay isa soo dhiibtay ayaa waxa ay sheegeen in ajaanib u dhashay wadamada Kenya iyo Pakistan ay tababaro kala duwan siiyaan dhalinyarada ay Maleeshiyaadka Al-shabaab qaldayaan ayna doonayaan in ay ku sii huriyaan dagaalada aan dhamaadka lahayn ee ay kooxdasi ka waddo Soomaaliya.

 

Arintaan ayaa ku soo aadaysa xilli hay’adda Nabad Sugida Qaranka ay maalinkii shalay soo bandhigeen 7- dhalinyaro ah oo kooxdaasi kasoo tagay waxaana isa soo taraya maalinba maalinta ka dambeysa dhalinyarada iskood isu soo dhiibaya gacanta dowladda kadib markii ay arkeen dhibaatada ay kooxdasi ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.

 

00%20950.jpg

 

00%20951.jpg

 

00%20952.jpg

 

00%20953.jpg

 

http://radiomuqdisho.net/news/wararka/3086-dowlada-oo-maalintii-2-aad-soo-bandhigtay-maleeshiyaad-isu-soo-dhiibay.html

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this