Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Wiil Soomaali ah oo markii ugu horreysay xal u helay in uusan Korin Cudurka Kansarka

Recommended Posts

Wiil Soomaaliyeed oo Qaxooti ku ah Mareykanka islamarkaana dhigta jaamacada caanka ah ee la yiraahdo Mesa ee ku taal gobolka San Diego ka tirsan dhul weynaha Mareykan ayaa ku guuleystay abaal marin weyn oo dhinaca sayniska ah.

 

Abaal marintan oo laga baxiyo mareykanka ayaa la siiyaa aqoonyahanada dhinaca sayniska wax ku soo koordhiya. Maxamed Muuse, oo 26 jir ah ayaa abaalmarintan ku kasbaday cilmibaaris uu sammeeyey oo dhinaca Kansarka ah. Shan sano ka hor xataa Ingiriisi kuma uusan hadli kareyn Maxamed Muuse oo jecel in loogu yeero naaneysta ah Mow.

 

“Waxan imi Mareykanka 2005-tii kolkaasoo uusan english-keygu dhaafsiisnayn aqrin uun, waxba maan garanayn ayuu yiri Maxamed. Waa shan sano ka hor uun.

 

Wixii imaanshahiisa ka dambeeyey ayuu iska soo qoray jaamacadda ama College-ka la yiraahdo MESA. Waxa kale uu markaasi internship ka helay waaxda loo yaqaan UCSD ee Kimistariga ah. Waana meeshan halka uu Maxamed Muuse, maskaxdiisa ku dhalaaliyay isaga oo xal u helay koritaanka cudurka kansarka. Taasoo loola jeedo in marka qof Kansar ku dhaco oo sida caadiga sii weynaan jiray hadda uu Maxamed Muuse Cilmi baaristiisa ku keenay in halkaas Kansarka lagu hakin karo oo loo diidi karo inuu sii weynaado oo qofkii dilo.

 

Kansarka waxa uu ka mid yahay cudurada sida ba’an bani’aadamka dhimashada ugu haya. Iyada oo ay sanad walba u dhintaan malaayiin. Dalka Mareykankuna waxa uu ka midyahay meelaha aad looga calaancalo waxyeeladiisa. Waana sababta had iyo jeer adduunka ugu xilsaarey hay’ado iyo jaamacado la tacaala xal u helidda cudurkaan cadowga ku ah nafta bani’aadamka.

 

“ Tani waxay inoo sahli doontaa in xal kama dambys ah loo helo Kansarka” ayuu yiri Maxamed Muuse.

 

Guushan uu kasoo hoyay mashruucii cilmibaarista kansarka ayaa keenay in lasiiyo abaalmarinta ay bixisay National Biomedical Research Conference ee la siiyo ardayda wax waxtar bulshada u leh la timaada.

 

Maxamed waxa uu la tartamay boqolaal arday oo kala socday 270 (laba boqol iyo todobaatan arday) jaamacadood oo ah kuwa ugu caansan dhinacyada cilmibaarista.

 

Waan naxay markii aan maqlay in aan ahay qofka guushaan iyadaa helay maxaa yeelay waxaa meesha ku tartamaayay jaamacado caan ah oo waaweyn. Ayna adagtahay ina loaga guuleysto. Markaan maqlay magacayga waxan iri weeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeey tan ma aha mid la malayn karay.

 

“tan aniga macne weyn ayay ii leedahay, waxayna ii muujineysaa inaan ka mid ahay bahda saynisyahanada.”

 

Gacanta waxuu ku qabsaday shahaadadii la siiyey iyo lacag aad u badan oo abaal marin ah. “waxan dareemay inaan helay riyadii Ameerika ku naaloon jireen”

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kulmiye   

2005-tii? or is it 2005-kii? either way; thats an amazing feet for someone who could barely say hello five years ago... Hope too see him accomplish many more great things (inshallah)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this