Sign in to follow this  
Sophist

Maanso- Ergeyga- Cismaan Cabdinur Xashi

Recommended Posts

Sophist   

Waa Tan iyana maansadii "Erayga" taas oo filihu ahaa in aad todobaadkan dhagaystaan waxayna kamid ka tahay Maansooyin diimeed inoo taxnaa oo Cismaan Cabdi Nuur Xaashi curiyey. Todobaadkii tagay hadii aynu soo aragnay Maanso ka hadlaysa milgaha iyo badhaadhaha Maalmuhu leeyihiin, mooganna waxaynu dhugan doonaa Maanso qiimaha Eraygu lee yahay abaari doonta.

 

Erayga

 

 

 

Eray waa alhuumoo

 

 

Ilaahbaa aqlooloo

 

 

Jeer hore aheeyoo

 

 

Uratibay idaasoo

 

 

Idilkood oraahaha

 

 

Intuu Aadan baraybuu

 

 

Imtixaan kaleetiyo

 

 

Abaal aan lahelinbuu

 

 

ku idbaaray qowm'oo

 

 

Malaa'igta ku agbilay.

 

 

Abnaq iyo isheegoo

 

 

Adigaa aqoonley,

 

 

Idilkood naqeenoo

 

 

Aadanow u tiribaa

 

 

Ilaaheen ku meershoo

 

 

Akhrintiyo abaartii

 

 

Eebbo uu ugu deequu

 

 

Abbaheen ku meeryoo

 

 

Aynigood sujuudiyo

 

 

Anbaqaad sharfeedbaa

 

 

Amarkii arooroo

 

 

iblays oo ku lumaybaa

 

 

Eed iyo ba qaatoo

 

 

Isbid iyo jigraar buu

 

 

Oofintii ku diidoo

 

 

Anbadkiina lagu eri.

... .................... ..

 

Intii kale adeecbay

 

 

Aqbalkii faleenoo

 

 

Awaamiirtu erayey

 

 

Ku agaasimneeno

 

 

Oraahihii uu naqaybuu

 

 

Aadan libbin kutaamoo

 

 

Ajar iyo siyaaday

 

 

intuu dhalay ku mudatoo

 

 

Ubad sii dhaxlaanoo

 

 

Ayaado qur'aanaa

 

 

inahaa cadeeyoo

 

 

Yaguna oraahbay

 

 

Arooraan xiskeenoo.

.................... ......

 

Aduunyadu iskeedaba

 

 

Eray weeye taxanoo

 

 

Axaadiistu oraahbay

 

 

Abidkood ahaydoo

 

 

Askunka iyo bin'intaba

 

 

hadalka asiiboo

 

 

Dhawaaqbay ahaataye

 

 

Ayaannta iyo jeerkaba

 

 

Afnaqaa tilmaamoo

 

 

jiraal aakidkiisuba

 

 

Ogaan iyo afweeyee

 

 

Asraarta iyo idlaadkuba

 

 

Eraybay galaanoo

 

 

Aaladaha gabigood

 

 

Oraahbaaa sadaysoo

 

 

Aadmigu dirkiisaba

 

 

Erayguu dhahaayuu

 

 

ilbaxnimo ku gaadhoo

 

 

Astiriyo xis gaabkuba

 

 

Waa wada aftahamoo

 

 

Anfaciyo wax tabaintuna

 

 

Ishaariyo war weeyoo

 

 

ka alaysanaayiyo

 

 

ka abuurmi doonaba

 

 

Oraahbaa midaysoo

 

 

Taxanaha oreedbaa

 

 

Noloshuba abbaartoo

 

 

Ahaan iyo ekeenbaa

 

 

Erayga anbba qaadoo

 

 

Idilkood xog uunbay

 

 

ku agmeerayaanoo

.................... .........

 

Arin aan lahurinoo

 

 

Aadmigu wax qiima ah

 

 

ku ilaawd sadeenbaa

 

 

Afaf kuba yihiinoo

 

 

ilaaheen ka yeelaye

 

 

Magac aayatiinliyo

 

 

Ayniga faleediyo

 

 

Alankiyo xarafkaa

 

 

isku xidhaha muunshoo

 

 

Aqoontuna tubtaasay

 

ku agaasan taayoo

 

 

Allihii nabaraybaa

 

 

Aad inoo gar gaaroo

 

 

Ammaan iyo naqcelinbaa

 

 

Abaarteenu tahayoo

 

 

Ergo iyo shisheeyiyo

 

 

Afqalaad turjumidiyo

 

 

ilamo adan dhaqankood

 

 

Eraygaa ku faayoo.

 

 

.................... .....

 

 

Hubka oo ladumiyo

 

 

unkidiyo farsamo idil

 

 

Dawadiyo intii agab

 

 

Aynaan hureyn ee

 

 

Akhirskiyo qoraalkiyo

 

 

Adeegiyo socsocoshada

 

 

Arsaaqdiyo xayaatada

 

 

idil hawlaheeniyo

 

 

Ahaanteena gabigeed

 

 

isagaa u mudanoo

 

 

Eraygaa u wacanoo

 

 

inta kale arooroo

 

 

Ayni iyo u qalaniyo

 

 

Away lagaga maarmiyo

 

 

wax uun lagu amaamudo

 

 

Oraah dhigan badali kara

 

 

lama uumin dunidee

 

 

Awoow iyo ab duugmiyo

 

 

isirro iyo sooyaal

 

 

Ayaamo iyo waayiyo

 

 

ifka iyo wax soo jiray

 

 

Afka weeye erayada

 

 

Aqoonta iyo barashada

 

 

waxa aan u ayniyo

 

 

Ogaantuba dhamaanteed

 

 

Aqloolkuba dirkiisaba

 

 

Arin oo dhan beegii

 

 

Ahaanta iyo noloshuba

 

 

oraahday ku tarantoo

 

 

Awoodii ilaah iyo

 

 

Amaraa iltirayee

 

 

.................... .......

 

 

In uu eraygu aad yahay

 

 

 

Alab iyo itaal yahay

 

 

Aad aan lagudin yahay

 

 

Aadmiga anface yahay

 

 

Axad waliba eray yahay

 

 

Abaar waliba idan tahay

 

 

Akhbaar iyo ku taamiyo

 

 

Hindisaha abuurniin

 

 

agabkuba af uun yahay

 

 

ilaah uu kuaga daray

 

 

Oraah iyo tixraaceed

 

 

Ahaantiyo mudnaanteed.

 

 

Adiguna aqoonsoo

 

 

Unugaaga hidintiyo

 

 

Abnaqaaqa weeyoo

 

 

Asagaad ku ababtoo

 

 

Aarr aad ku noqataye

 

 

Aad iyo ubaro aad

 

 

Eraygaad ku dhaqantaye

 

 

Aad iyo ubaaro aad

 

 

isgaad ogaalkiyo

 

 

iimaanka diintiyo

 

 

Anbiyada ku bartaye

 

 

Abaalkiisu yuulumin

 

 

Aragga iyo baahida

 

 

Urta iyo dareenkaba

 

 

Isagaad ku tabisaa

 

 

Aqloolka iyo wax jirintee

Aad iyo ubaro aad

 

.................... ..........

 

 

Aalad aan laheliniyo

 

 

Akhwaan qiima dhaafiyo

 

 

Arsaaqdii ilahay,

 

 

Amuur yaababeediyo

 

 

waa awaadh qadirle

 

 

Aad iyo ubaro aad

 

 

Amaan iyo tixgalin sii

 

 

Aadna ugu sii bogo

 

 

Eray waa ahaanteen

 

 

Illaah baana mamaula.

 

Dhamaad

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this