Sign in to follow this  
Buuxo

Anigu waan ku jeclahay :Warqad furan

Recommended Posts

Buuxo   

ANIGU WAAN KU JECLAHAY

(Waa Warqad Furan Oo Ku Socota Aqalka Cad Ee Mareykanka)

 

 

WQ: C/qaadir Xersi Yamyam

 

Waxaa soo diray shacabka Soomaaliyeed, kadib markay maqleen inay Soomaaliya ka guurayaan ciidamada Mareykanku. Waan jeclayn in ciidamadiinu naga guuraan, kadib, markaad lumiseen siyaasaddii ad ku magacawdeen: “Dib-u-dhiska iyo nabad-soo-celinta Soomaaliya”. Waxaan ku faraxsannahay in ciidamadiinu naga guuraan, sidaan u jeclayn inay noo yimaadaan, taasina waxay ka dambeysay faa’iidada an ka sugeynay boqol-jibaarkeed oo khasaaro ah markay noo geystaan!.

Ma illaawi doono waxaad nagu sameyseen, mana annaan filayn inaad nagu sameyn doontaan carbiska iyo hub-tijaabiska ciidamadiina iyo iyo kuwa adduunkoo wada jira. Markaad imaanayseena nooma adnaan sheegin, inaad nagu tijaabin doonto gantaalaha ay xambaarsan tahay diyaaradda cusub ee loo yaqaanno AC 130. haddaad na ogeysiin lahaydeen, in sawaariikhda cusub qoloba mar lagu tija

ha ahaatee, waxaan kuu soo qoreynaa intaadan guurin bisha Maarso ee 1994-ka, warqad sidda dareenkayaga. “Xooluhu urkay isku gartaan, dadkuna hadalka”. Dhambaalkayagana waxaad ku xusuusan doontaa, casharkaagii saan u barannay iyo duruustayadii saad u xafidday. Sidaa darteed intaadan guurin waxaan ku leenahay:

Anigu Waan Ku Jeclahay

Qeybtii 1aad

Anigu waan ku jeclahay, waxaan kuu jeclahay si la yaab leh. Habeenkii waxaan ku riyoodaa annagoo ku dabbaalanayna bad an mawjad ku dafta iyo bahallo laga cabsoodo toona lahayn, subaxiina waxaan soo toosaa anigoo ku faraxsan la-kulankaagii xalay, adiguna ma ogid!.

Joornaal kastoo soo baxa waxaan ku arkaa masawirkaaga oo boggiisa hore lagu soo daabacay oo aad u qurux badan, qorayaasha iyo dadka oo dhamina waxay kugu ammaannaan, inaad tahay gabadha kaliya ee ee hablaha adduunka ku nool ugu qiimaha badan!.

Taleefishin kastaa wuxuu soo bandhigaa marka an daawanayo adigoo haweena oo tartanka carwada quruxda ka soo qaatay abaal-marintii guusha, shirkadaha waaweyn ee adduunkuna waxay saf ugu jiraan, inay helaan masawirkaaga si aad wax soo-saarkooda uga dhex muuqatid, dabadeedna ganacsigoodu u noqdo mid dadka oo dhan sii jiita, adiguna ma ogid!.

Waxaan kuu soo diray shimbir cad oo ubax iyo dhambaal qoraal ah kuu sida, inaad heshayna waan hubaa, laakiin jaawaabtaadii ayaa iga soo daahday, inaad ila soo hadashana waxaan u sugayey, sida iftiinka waabariga loo sugo. Maxa kugu dhacay?.

Waxaa innoo ballan ah inaan ku kulanno casuumaadda jacaylkeenna oo nagu casuumay dayaxa dushiisa oo la soo dhoweeyay, waxaana sii qaadi doona satalaatyada caalamka kuwa ugu dheereeya, annagoo sii raacayna khadka taleefoonnada, miisaankeennuna wuxuu ku fududaan doonaa farxaddeenna, qosolkeennuna wuxuu noqon doonaa sariiraha kaligood is wada oo an ku dul raaxeysanno. Taa haddaadan ogayna waxaa ku ogeysiin doona jacaylkeenna.

 

Anigu Waan Ku Jeclahay

Qeybta Labaad

Anigu haddaan kuu baahnahay, adiguna wax badan baad ii baahnayd!. Intaad ii baahnayd anigu kuuma baahnayn, haddaan ogaan lahaa inaan kuu baahan doonana isma aanan af garan weyneen.

Baahidaadii hore waxay daweyn lahayd baahideyda hadda ah, laakiinse ma garan!. Adiguna markaan kuu baahday ma aad garan inaan isku dan nahay. Waxaa ku helay kuwo dantaada ka soo horjeeda, anna nolosheyda aan jecleyn!.

Haddaad I weydiin lahayd rabitaankaaga waxaad heli lahayd rabitaankayga, jacaylkeenuna ma ahayn mid khiyaali ah ee wuxuu ahaa dhab. Jacaylkuna ma qeybsamo hadduu qeybsami lahaana waxaa lagu dari lahaa taariikhaha qoraalkooda cilmi ahaan loo keydiyo.

Maxaa kuu diiday inaad I barato?. Haddaad baran lahayd taariikhdeyda waxaad ogaan lahayd waxa aan ka sameysnahay, kuwa I yaqaannana kaagama tallaabsadeen bohollihii aad ku dhacday!.

Waxaa fiicnayd in xiriirkeenu billowdo annagoo is naqaan, haddase, waxaa na dhex maray dabeylo iyo ciiryaamooyin na kala qariyey, suurogalna ma aha inaan hadda iyo waqtiyada dhow billowno waji cusub oo noo furma haddaadan la imaan jacayl soo dadajiya is rabiddeenna!.

Anigu waxa degganahay guri aan leeyahay, adiguse waxaad ku jirtaa aqal kiro ah, haddaad ka guurtana ma aqaan meel aan kaala soo xiriiro, laakiin waxaan ku siinayaa cinwaankeyga si aad iila soo xiriirto haddii ay wax xiiso ahi ku soo kordhaan jacaylkeennii khiyaamada lagu dumiyay!. Cinwaankeyga joogtada ahina waa sidan:

 

Sinnaantaan la magac ahay

San-ku-neefle ma oggoli

Inuu iga sarreyn karo

Anna garasho sogordahan

Sooryo ruux ugama dhigo

Soomaali baan ahay!.

****

Inkastoon sabool ahay

Haddana waan sarriigtaa

Sacabbada ma hoorsado

Saaxiib nimaan nahay

Cadowgayga lama simo

Soomaali baan ahay

Anigu Waan Ku Jeclahay

Qeybtii 3aad

Jacaylkaagu ma ahayn mid daacad ah!. Taana waxaan ogaaday, markaad ii noqotay macallinka anoo dhigta fasalka hoose, isla markiina aad I soo fariisisey kursiga imtixaanka jaamacadda lagu qaato PhD-da. Ujeeddadaadu waxay ahayd inaan imtixaanka ku dhaco, dabadeedna aad igu jeesjeestid, iiguna yeertid magaca ah ‘Ma-gudbe’. Laakiin naasiib wanaag imtixaankii waan gudbay, waxaanan galay nambarka koowaad…No.1.

Waxaan haystaa shahaadada aad I siisay, isla markaana waxaad ogaatay, inaan leeyahay dareen fog iyo garasho qaali ah oo ayan kuu sheegin saaxiibadaadii I yaqiin!. Sidaa darteed waqti dambe kaaga lumi maayo inaad I barato, maxaa yeelay waxaad soo taabatay waxaan ahaa!.

Hadalkaygu waa xigmad iyo taariikh, adna ma haaysid waxaad ku beeniso, maxaa yeelay, waxaan run ahayn kuuma sheegin. Hadda kadib waan aqaanna afkaaga, adiguna waxaad baratay kaygii. Sidaa darteed uma baahnin turjubaan noo dhexeeya, baahidii aan isu qabnayna weli waa joogtaa. Arrintaa maskaxda ku hayso, hana illaawin.

Quruxdaadu waa xoogga, xooggaagana waan u oomanahay, maxaa yeelay, anigu ceelashayda kama cabi karo. Maalinkaad I waraabisana waxaan ku siin lahaa farxaddeyda oo ka qaalisan boqollaalkaaga saaxiib farxaddooda, ceelashaydana waxaa iga waraabin kara nin I jecel, soona jiidan kara xiisahayga, kadib markuu I tuso naxariis aan hagar lahayn, aniguna xaasid ma ahi, aadanahana waxaan u jeclahay qofkii aan wax wada cunno oo aan I khiyaamin.

Waxaan mar kale ku siinayaa cinwaankayga haddii aad ka guurto guriga kirada ah ee aad ku jirto, cinwaankeygu waa joogto, ismana bedbeddelo, waan sidan:

Nabaddaan u sahanshaa

Colaaddaan ka salalaa

Sooma jeesto goobaha

Ninka nabarka soo sida

Gacantiisa kama sugo

Soomaai baan ahay

***

Nin I sigay ma nabad galo

Nin isugeyna maba jiro

Libta weli ma sii deyn

Gardarrada ma saacido

Nin xaq lehna cid lama simo

Soomaali baan ahay!.

 

Anigu Waan Ku Jeclahay

Qeybta 4aad

Ma qabo inaad iga tageyso, waxaan ogahay inaad ila joogeyso, dadka wada joogana waa inay ka heshiiyaan khilaafkii iyo nacaybkii dhex maray si ay isaga kaashadaan noloshooda, cadawgoodana meel uga soo wada jeestaan

Waxaad ii irmaaneyn kartaa dhulkayga wixii aan ka helana waxaan ku nahay danwadaag, maxaa kuu diiday inaad soo jiiddo dhuumaha malabka ah iyo wabiyada durdurka ah ee xayaabadu ka korreyso?. Halkaa waxaa ku jira masawir ama (biniikolo) in la caddeeyo u baahan.

Waxaad tahay dhakhtarkii ii soo gurmaday markaan caloosha ka jirranaa, daawadii ad I siisayna waan ku roonaaday, laakiin weli ma aan bogsoon, caloosheyduna waxay u baahan tahay dhakhtar joogto ah. Dawada caloosheydana waad taqaan, mana aha irbadaha Ambasiliinka ee dhakhaatiirta qalliinka boorsooyinkooda ka buuxa

Si fiican baad u taqaan caloosheyda dawadeeda umana baahnid inaan kaaga sheekeeyo filimmada ku hor yaal ee aad iga duubtay xilligii aan mdiabka dugaagga yeeshay.

Ha illaawin dukumeentiga qasnadahaaga ku keydsan ee taariikhdu xusi doonto waqtiyada socda, hana illaawin ubaxyadii xusuusta lahaa ee aan midigta kuu geliyay maalinkaad gurigeyga igu soo booqatay!.

Ha illaawin cinwaankeyga marka aad ka guurto guriga muraayadaha badan iyo qasriga ay injinneerradu ku magacaabeen ‘Aqalka Hodantinnimada’, waxaana had iyo jeer la iga helaa cinwaankeyga aan is beddelin, waana sidan:

Ninkaan taydu soli karin

Uma yeelo suu rabo

Sida dunida qaarkeed

Sandulleynta ma oggoli

Ninna kabaha uma sido

Soomaali baan ahay

***

Ninka Iga sed roonow

Siintaada magaca leh

Ogow kaama sugayee

Hana oran sasabo badaw

Dareen seexda ma lihiyoo

Somaali baan ahay

 

Anigu Waan Ku Jeclahay

Qeybtii 5aad

Anigu maanta ma ahi nin dhisan oo leh garasho iyo xoog mideysan, waxaa is beddelay dhaqankaygii, aqoontaydii, siyaasaddeydii, dhaqaalahaygii, midnimadeydii maankeygii iyo awoodeydii qofnimo.

Ma ahi nin waalan, miyirna goor iigu dambeysay ma aqaan, dareenkayga iyo nolosheyduna ma wada socdaan. Waxaan yeeshay dhowr maskaxood, maskax walibana waxay yeelatay dhowr iyo toban waji, waji walibana wuxuu rabaa inuu maskaxda u hoggaamiyo dhinaca uu rabo, taasna dan uma aha jiritaankayga.

Ma ahi nin fayow, sidaa darteed, waxaan ka cabsi qabaa inaan dhumiyo magacayga oo dhan, inuu magacaygu dhumana waa halaagga jiritaankayga. Anigoo huba in rajadeydu khatar ku sugan tahay, ayaa haddana waxaa ii muuqda baqdin iyo tiiraanyo aayahayga ku soo fool leh iyo magnad culeyskayga sii jiidanaya iigana imaanaya meel hawaddeyda ka baxsan.

Anigu hadda ma cayaari karo doorkeygii qofnimo, iskamana furfuri karo xargaha xoogga badan ee ma-naxayaashu waaxyahayga ku kala jiidayaan. Waxaan isku hallaynay quruxdaada awoodda badani inay iiga hiilliso kuwa jecel inaan mugdi ku sii jiro, adigana kaa waraabinaya beenta sida khamriga lagu sakhraamo. Ha yeelin kuwaas madaddaaladooda, waxaadna u soo jeesataa sidaad u dhayi lahayd nabarrada caloosheyda ku yaal, markaan biskoodana waan kuu abaal gudi doonaa!. Cinwaankayguna waa sidan:

Ninna madax salaaxiyo

Kama yeelo seetada

Sasabo ma qaayibo

Sirta waxaan iraahdaa

Saab aan biyaha celin

Soomaali baan ahay

 

Anigu Waan Ku Jeclahay

Qeybtii 6aad

Miyaan laguu sheegin inaan ku jeclahay?. Haddii laguu sheegay inaan ku jeclahay, maxaad u qiimeyn weyday jacaylkeyga?. Yaa kaa qariyay jacaylkeyga?. Anigu kaama qarin jacaylkeyga.

Ma waxaa isku keen diray kuwii hunguriga weynaa oo anoo qaawan I cuni jiray?. Ma xasuusataa markaan dhashay ciddii aan deriska ahayn?. Kuwaasi waxay necbaayeen dhalashadeyda, illaa iyo haddana ma jecla koritaankeyga, lugahana waxay iiga gooyeen inaanan istaagin.

Adigu ma sida kuwaasaad xaasid tahay?. Sow ma ogid inay xaasidnimadu xun tahay?. Hadday kuugula taliyeen inaadan I daaweyn illaa nafaqadu iga dhammaato, ha ka yeelin, haddaad ka yeeshana ogow inaad naxariista aadanaha meel uga dhacday.

Anigu waxaan ahay nin madax adag, mana rabo inay dhaawacayga ku soo xoomaan dad badan oo anan wajiyadooda aqoon, isla markaana aan waxba ii qabanaynin, waxaan jeclaan lahaa inaad adigu iga soo saartid miyirbeelka “Koomaha”, markii garashadu ii soo noqotana aad wax ii qabatid, markaan soo baraarugana aad farxadda iyo noloshaba qaybsanno anigoo ka raalli noqday.

Ha go’aansan nin waalan inaad ula xisaabtanto sida nin fayow. Qabka iyo isla-weynankuna waallida waxba kama duwana, taasina waa midda I curyaamisay. Haddana waxaan u baahnahay cid igu daaweysa cilmi-nafsiga iyadoo aan karbaash ila dhicin. Waxaa laga yaabaa inaan sidaa wax ku garto.

Cinwaankaygu waa sidii hore:

Dabayshaan la socod ahay

Salfudeydna uma kaco

Waabay sunaan tahay

Marna samawadaan ahay

Samir baan hagoogtaa

Soomaali baan ahay.

 

Anigu Waan Ku Jeclahay

Qeybtii 7aad

Ma rabo inaad ila joogto adoo iga adag, mana jecli in xooggaagu khatar geliyo carruurteyda agoonta ah, adiga qudhaaduna ma jeclid wax argagixiso ku geliya ama kuu itaal sheegta, taa aadaamigoo dhan baa neceb.

Waxaan filayaa inaad ila qabto aragtidaas. Sow ma ogid bisadda iyo digaagga itaalka yariba inay weyraxaan haddii ubadkooda la taabto?. Ma waxay kula tahay in dadku xaywaanka ka dareen liito?.

Haddaan anigu is nebcahay, ma inaad neceybkeyga ka faa’ideysataa?. Sow ma ogid in jacaylkaygu uu soo noqon doono?. Wax kastoo la kariyaa waa bislaadaan, anna waxaan hadda ku dhowahay xilligaan dareemi lahaa isu soo dhowaanshahayga.

Waxaad dib u jalleecdaa xilligii dhallinyarannimadaada, waddada an hadda ku joogaa kama duwana jidadkii aad ku socotay waqtiyadii aad da’a yareyd. Maxaad iila yaabeysaa intay taariikhdu I bareyso casharradeeda waayo-aragnimada?!.

Waxaan kaa sugaayay inaad ii soo bixiso raadadkaagii foosha xumaa iyo noloshii adkayd ee ad ka soo gudubtay!. Maxaad iiga waanin wayday khaladkii ad soo martay xilligii sidayda aad indhaha la’ayd?.

Anigu kaama qariyeen haddaan arki lahaa adigoo ku sii socda bohosha halaagga iyo dariiqa rajo-la’aanta, adiguse waxaad mooddaa inaad janno iigu tilmaantay waadiyaasha naarta iyo hirarka cadaabta ah si an u dhex galo quusta nolosheyda, taasna waxaan u arkaa inaadan wax naxariis ah ii hayn. Si kastaba ha ahaatee, cinwaankaygu waa sidiisii:

Nin I sigay ma nabad galo

Nin isugeyna maba jiro

Libta weli ma sii deyn

Gardarrada ma saacido

Nin xaq lehna cid lama simo

Soomaali baan ahay!.

 

Anigu Waan Ku Jeclahay

Qeybtii 8aad

Miftaaxa jacaylkeennu waa rajada wada-jirkeena, haddaad iga fogaatana xabaalahayga waxaa ku kordhi doona intaad ku kordhisay in ka badan.

Anigu adaan kula hadlayaa, cid kale la hadli maayo, dhegahaagu ma daloolaan?. Hadday daloolaanse diyaar ma u yihiin inay maqlaan dhawaaqyada meesha fog ka soo yeeraya, kuuna soo gaaraya sida ‘ekowga’?.

Haddaad taladayda qaadan weydo, mar kale ayaad xusuusan doontaa inaad khasaarisay xiisahaagii iyo jacaylkii sida dhiigga u dhex socon jiray, isagoo waraabinaya beerahaaga ubaxa badan ee ad ugu talo gashay inaad ku raaxeysatid carruurtaadana ay u noqdaan dhaxalka ay had iyo jeer kugu xusuustaan!.

Waxaan filayaa inaad I garatay, ujeeddadeyduna waxay ahayd inaad I garato. Mar haddaan is garannana waxaa noo soo bixi doona geedkii saaxiibtinnimada, geedkaas wuxuu noqon doonaa geedka ugu hoos qabow, uguna miro macaan geedaha adduunka guudkiisa ku yaal.

Haddaad hadda I garan weydo waqtiyada soo socdaa imakaa bari doonaan, adiguna ma heli doontid qaamuus magacaygu ku qoran yahay, mana heli doontid kitaab ku keydsan matxafyada caalamka oo ad xusuustayda berri ka akhrido, waxaana na dhex mari doona mugdi an iftiin lahayn oo lagu indho beelo, unugyada maskaxdana xusuusta ka tirtira.

Anigu waxaan la hadlayaa adiga, hana u malayn inan qof kale la hadlayo, dhambaalkayguna wuxuu ku dhamaaday inaan kuu qoray dareenkayga oo run ah, waxaan kaa sugayaa qiimaynta jacaylkeenna iyo dhaqdhaqaaqa falkaaga sawirrada ka soo bixi doona. Cinwaankaygu weli isma beddelin, waana sidan:

Saan la kala jaraan ahay

Summadi ay ku wada taal,

Rag baa beri I saanyaday

Anoo xoolo soofsada,

Xil midnimo anaa sida,

Soomaali baan ahay.

 

Wa maqaalka ugu dheer aan akhriyey, laakiin it was worth the headache of reading it, can't wait for my somali to improve,so i can appreciate more this kind of gem. smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ani magoow Mareykan waa necbahay, oo maba la i tuso. :D

 

Ar qoraalka ma wada aqrin, laakiin waxaa u maleynaa in uu yahay qoraal 'sarcastic' ah.

 

Haye, Buuxo adiga iyo Marxuum Yamyam [Eebba ha u naxariistee] labadaan beri waa isheysiinee? Qoraaladiisa iyo gabayadiisa ka heshay, waa u jeedaa. Nin qoraa wanaagsan uu ahaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this