Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

'Mareykan'

Recommended Posts

Ereygaan meeshuu kasoo jeedo isirkiisa yaa isku tijaabin karo?

 

Ma 'marine' ayuu kasoo jeedaa, oo Soomaalidii wax ugu horeeyo dalkaas ka socdo ay aragto 'marine' mee ahayd?

 

Soomaalida dalalka ee xiriireen ama dadkooda isarkeen afkooda iyadoo la Afsoomaaliyeeye wuu ku jiraa magacyadooda, sida dalalka Ingiriiska, Jarmalka, Faransiiska, Talyaaniga, Burtuqiiska, Sacuudiga, Qubrus, Suudaan, Turkiga, Cummaan iyo kuwii kale.

 

Kuwa ee xiriir weyn ka dhaxeynina kuma jiro afkooda, oo dadka afka Ingiriiska see ugu dhawaaqaan dalalkaas ayaan u raacnaa, waxaa kamid ah Isbeyn, Oostaraaliya, Kanada, Baraasiil, Arjantiin... iyo baando kale.

 

Laakiin ereygaan "Mareykan" meel uu kasoo jeedo lama oga, koley aniga saa u maleeyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

amerigo wuxuu ahaa talyaani caan ah oo waxaa ka dhashay erey bixinta dalka america, kadibna maraykan somaali u rogtay, sidaas ayaan filayaa...

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

Mareekan (Mareykan) = America/American. Ma ogtahay inay Sawaaxiligu ba Marekani yidhaadan?

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Ameerikaan iyo Mareekan waa isla halkii un,

 

Ayoub waa runtaa, Swaxiligu Mrekani buu yiraahdaa, sida aan anagana u dhahno ingiriiska, asna wuxuu yiraahdaa Ngreesa or mwangareesa smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this