Sign in to follow this  
xiinfaniin

Nin Gumoobay!!

Recommended Posts

Nin Gumoobay!!

 

 

WQ: Ibraahin Yuusuf Axmed

Hawd99@hotmail.com

--------------------------

 

 

Juun, juun, juun. Qofka bisha juun Iswiidhan soo galaa wuxuu moodayaa janno. Kaymuhu cagaaranaa! Dhirtu dhaadheeraa oo qurxoonaa! Dhulku doog iyo ubax badanaa! Maxaa balli iyo haro galac leh! Maxaa tog iyo webi meel walba qulqulaya! Magaaladu nadiifsanaa oo degganaa.

Labaatanka bisha juun oo ay qorraxdu diirran tahay ayuu Rooble soo galay Iswiidhan. Wuxuu dalandalinayey qoyskiisa oo ka kooban xaaska Hodan iyo laba ilmood, Ismahaan oo lix jir ah iyo Axmed oo afar jir ah. Waa afartan jir miyi ku barbaaray tobankii sano ee u dambeeyeyna ahaa askari bilays ah. Riyadiisa ugu fog uguna weyni waxay ahayd mar uun in uu reerkiisa nolol ku filan u helo, mar uun in uu gaadho heer uusan cuntadooda, arradbeelkooda iyo hoygooda ka welwelin. Riyadiisa kale ee muhiimka ahi waa in uusan mijintiisa qaadka ah iyo sigaarka waayin. Toddobadii sano ee uu reerka lahaa arrimahaas wuxuu ku helayey silic iyo saxariir.

 

Maalintii uu naftiisa iyo reerkiisaba Iswiidhan u dhiibay iyo maalintii la siiyey sharcigii degganaanshaha waxaa u dhexeeyey oo keliya saddex toddobaad. Waxaa loogu daray aqal cammiran oo afar qol ka kooban. Haddii bil walba la siinayo lacag tii askarinnimada kumannaan goor ka badan dhib kuma aha isaga iyo xaasku in ay sidii laba ilmood aroor walba boorso dhabarka saartaan oo dugsi afka dalka lagu barto u jarmaadaan. Lacagta caydha loo yaqaan oo ay dadka dalka u dhashay ceeb laga xishoodo u arkaan reer Rooble mushahar ugama duwana. Lacagi sow lacag uun ma aha? Waxa loo dhididaa sow in lacag la helo uun ma aha? Aqalka uu dhex fadhiyo iyo waxa dhex yaal ee telefeeshin, armaajo, qaboojiye, fadhi debecsan, sariiro ka sii debecsan, iyo alaab kale oo badan haddii uu Soomaaliya joogo weligii ma heleen. Wuxuu xasuusan yahay aqalkii jiingadda ahaa ee uu sannadihii dambe ku noolaa, kaas oo xilliga kulaylka foorno noqon jray marka roob da’ayana la moodi jiray in madaafiic lagu duqaynayo.

Bilawgii ayey arrintu sidaas ahayd, hayeeshee xaalku wuxuu xumaaday markii uu Rooble cid shaqo u dirataba waayey. Markii uu afka wax ka bartay wuxuu ku dadaalay in uu shaqo helo, laakiin wax guul ah kama gaadhin. Berigii uu Soomaaliya joogay wuxuu maqli jiray â€carabta waxaa laga helaa shaqo askarinimo ahâ€, markii uu bilayska Iswiidhan shaqo noocaas ah u doontayna waaba lagu qoslay. Boqollaal kale oo soomaali ah oo aan subax kallihin ayuu bartay, dabadeed niyaddii shaqo raadintu waxay ku shiiqday eber. Biilkiina habartii bixin jirtay waxay bilawday bahdilid. In uu xafiis hebel warqad ka keeno, sababta uu shaqo u waayey, waxa uu muddadii la oo dhaafay qabtay iyo hadaltiro la mid ah ayey marka uu masruufka u doonto kala hor timid. Qalbijab iyo niyadxumo ayaa dhan walba ka soo weeraray.

 

........Sabtida iyo axadda carruurta wuxuu geeyaa dugis qur’aan, yartiisana markii ay toddoba jir gaadhay ayuu xijaab kurka ugu daboolay. Isaguna wuxuu bilaabay salaad aan cabsi Eebbe ahayn ee cabsida dunida ah. Haddii uu Alle ka cabsanayo wuxuu iska dayn lahaa qabyaaladda, xanta, xasadka iyo qaadka. Xaaska wuxuu ku dirqiyey in ay tukato oo xijaabato ka dib markii uu arkay ama maqlay naago dabagaab qaatay oo gaambiyaan iyo caddaan gacanta qabsaday. Intaas ayuu qoyskiisa beloxijaab uga dhigay. Dunida wuxuu ugu neceb yahay naagaha ay Hodan telefoonka kula sheekaysato marna booqato ama iyagu soo booqda. Xataa waxaa ku jira kuwo caddaan ah. In kasta oo uu jecel yahay in ay guriga fadhido, haddana aad ayuu u neceb yahay telefeeshinka iyo waxa daran ee ay ka daawato sida Glamour, Dallas, Rideriet iyo waxa la midka ah.

Rooble ma oga in uusan isku heli karin xaaska in uu guriga ku hayo iyo in ay ahaato qalanjadii dhuubnayd. Waa taas jeer la egaatay ka dib markii ay nolosheeda ku koobtay kijada, telefeeshinka iyo sariirta. Isla markaa gurifadhigu kama hor joogsan in ay u fekerto una dhaqanto sida dumarka kale. Durba waxay caado ka dhigatay haddii ay wax isku khilaafaan in ay tidhaahdo: â€Jaalle, halkani waa Iswiidhanâ€. Ujeeddadeeda si fiican buu u fahamsan yahay. Wuxuu yaqaan rag gurigoodii laga eryay oo debedyaal ah iyada oo qiil looga dhigtay weedhaas habaarka qabta.

 

 

Sii aqri---waa sheeko aad u xiisa badan runtii..

Share this post


Link to post
Share on other sites

^ Odey Xiin yar jilci sugaanta or is it gabayga, its quite nerve recking to read it all, let alone understand it word for word>>>> in other case dont mind me i am just trolling around

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this