Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Beesaani

Recommended Posts

1. Horta waa maxay bayesaano?

 

Kelmada bayesaano waa kelmad asalkeedu talyaani yahay. Waxaa loo qoraa "paesano", run ahaantina kelmada saxda ah waa "compaesano" oo macnaheedu yahay waxaan nahay isku waddan, ama isku beled, ama isku tuulo. Waxaa aad u isticmali jiray talyaaniga ka imaan jiray jasiiradda Sishilya (Sicily) marka ay qurbaha muddo ku raagaan. Waxay ahayd kelmad talyaaniga qurbuhu isku garto, iskuguna walaashado.

 

Kaddib markii la soomaaliyeeyay bayesaano waxaa macnaheedu noqday "reer magaal", waxayna aad u caan baxday sagaashankii wixi ka dambeeyay. Bayesaano waxaa isla ah dad muddo dheer meel magaalo ah ka wada noolaa, iyagoo nabad qaba ayna ka dhexeyso xusuus wanaagsan iyo is ixtiraam saayid ah. Is ixtiraamkaas iyo isqaddarintaas oo dhashay walaaltinimo dhab ah oo qof walboo uu qofka kale u hayo kalgacayl iyo wanaag, haba yaraateena uusan wax xumaan ah u quurin.

 

Bayesaano waxaa ah dadkii caruurnimadoodi deris ahaa, ama dugsi wada dhigan jiray, ama isku xaafad ahaa oo isku meel ku cayaari jiray. Dadka la tilmaamayo waa adiga iyo saaxiibkaa, ama saaxiibkaa saaxiibkii, ama hooyadaa iyo aabaha saaxibadood caruurtooda oo aad markaad yaryareydeen isku meel ku soo korteen.

 

Waxaa bayesaano kula ah dadki aad cayaartoyda isla ahaan jirteen, ama aad meel ka wada shaqeyn jirteen ama aad isku koox difaaci jirteen. Dadki xaafadda ama magaalada aad iskaga hor imaan jirteen oo aadan xittaa si fiican isu aqoon jirin. Dadkaas waxaad ku kulmi jirteen shineemooyinka,garoomada, masaajidyada,golaha murtida iyo maaweelada, makhaayadaha , suuqyada iyo meelaha kale oo dadka ka dhexeysa.

 

Bayesaano waa qof jecel oo qaddariya asaxaabtiisa iyo macaruufadiisa (lab iyo dheddig), kana jecel, ayna uga dhow yihiin, kuwa ay ku mideysan yihiin abtirsiinyo oo loo yaqaano qaraabo qansax.

 

Hadii laga reebo walaalahiis iyo wixi la mid ah, bayesaano ma fahamsana isku xirka beesha iyo abtirsiinyaha. Isaga ama iyadu ma kala jecla inuu/inay ka soo jeedo beel weyn ama mid yar, beel la ciseeyo iyo mid la xaqiro. Bayesaano asaxaabitiisa uma kala doorto asalkooda ee wuxuu u kala doortaa dhaqankooda iyo dabeecaddooda.

 

Bayesaano waxay ka mideysan yihiin ku wareeridda hab beeleedka soomaaliyeed oo sidii basashii oo kale aan meelna ku dhammaaneynin. macnana uma sameyneyso reer hebel ayaan isku nahay. Bayesaano waa qof aan guud ahaan dadka ku xadgudbin, gaar ahaanna qofna ku gardarreysanin beesha uu ka dhashay awgeed. Wuxuu la yaabaa dadka isaga arrima beeleedsidaas ku maaga (action), wuxuuna ka fekeraa hadduu xaq u leeyahay inuu isaguna si kharaar ugu jawaabo (reaction) qofkii ku qabsada dhalasho Alle u qaddaray oo uusan asagu go'aankeeda lahayn.

 

Bayesaano waxaa lagu yaqaan inuu ku hadlo af dhexdhexaad ah. Ma yaqaano lahjad gaar ah oo lagu garan karo asalkiisa. Markay isla la hadlaan, durbadiiba wey is gartaan, xittaa haddii aysan hore isu aqoon jirin.

 

Dadka magacaan wadaaga oo isu garta inay baesano yihiin waxay og yihiin in afkaas ay ku hadlaan oo dhexdhexaadka ah lagu dhaleeceeyay, dembina looga dhigay. Waxaa marar badan loo muujiyay inuu yahay qof caqli gaaban oo aan garaad sidaas u fog lahayn, kana tegay lahjaddii awoowayaashiis uu ka dhaxlay.

 

Baesano waxaa ah kuwii dagaalki sokeeye is badbaadiyay oo naftooda iyo maalkooda u huray si ay saaxiibbadood iyo eheladooda gacan u siiyaan marki masiibadu nagu dhacday. Baesano waxaa ah qofkii qof ay isaqoon jireen oo markuu u jeeday ka baqday, gacmo furan ku soo dhoweeyay, kaddibna naftiisa u huray ama u biimeeyay si aan qofkaas wax u gaarin. Baesano waxaa ah qof dibadda tegay oo saaxiibkii oo dalka jooga oo aysan isku beel ahayn viso u sameeyay, ama lacag u ku dhoofo u soo diray.

 

2. Bayesaanow dagaalki sokeeye maxaad ka dhaxashay?

 

Dagaalki sokeeye wuxuu dukun daakun ka dhigay dalkii, wuxuuna burburiyay 30 sannadood oo qaranimo ah. Wuxuu galaaftay naf iyo maal aan cadad iyo xisaab midna lahayn. Wuxuu sababy qax iyo barakac iyo in lagu heshiin waayo 15 sannadood kaddib in dalka loo dhiso dawlad dhexe oo shaqeysa oo ummaddaa soomaaliyeed dulliga ka saarta.

 

Waxaa loo kala qaxay dalka gudihiisa iyo dibaddiisa. Dalka gudihiisa waxaa abuurmay khadad cagaaran oo magaalooyinka dhex yaala iyo kuwo gobol gobol u kala go'ay. Dadki dalka joogay waxay ku kala qoqobmeen xuduudo beeleed, lagu kala xannibmay. Xuduuha runta ah waxaa ka daran kuwa khayaaliga ah oo maskaxda dhexdeed ku calaameysan, kuwaasoo keenay in qof walbo qofka kale ka baqdo, gobol walbana gobolka kale ka shakiyo.

 

Kala qixiddi dhibna waa dhashay, faa'iidana waa yeelatay. Faa'iidada ay yeelatay aan soo hormariyee, waxaa soo noolaaday oo camirmay magaalooyin ay dawladdi hore dayacday iyo kuwo hubki ummadda soomaaliyeed lagu burburiyay. Dhibna wey yeelatay oo bayesaano waa is waayay.

 

Bayesaanihi dantu ku khasabtay inuu u qaxo ama ku haro dhulki awoowashiis lagu tilmaami jiray, wuxuu la kulmay dhibaatooyin macnawi ah oo fara badan. markuu dadkiisi ugu tegay degaankoodi, meeshuu soo dhoweyn iyo kalgacaltooyo ka sugaayay, wuxuu la kulmay xin iyo dagaal hoosaad aad moodo in loola jeedo maxaa halkaan ku keenay. Kuwii ku haray iyaguna dhulki lagu sheegi jiray awoowayaashood waxaa loola dhaqmay sidi jajnabi aan dhulka wax ku lahayn dadkana ka mid ahayn. Waxaaba leyska xalaaleystay maalkooda iyo naftooda.

 

Waxay labada kooxood ee dalka ku haray la kulmeen in hadalkoodi lagu qoslo, xikmaddoodi lagu jeesjeeso, cilmigoodina hal bacaad lagu lisay laga dhigo.

 

Marki loo xaqiijiyay inaysan dalka gudihiisa waxba ka ahayn, waxa socdana aysan waxba ka fahamsanayn ayaa waxaa lagu bilaabay hanuunin iyo wacyi gelin cusub oo ku saleysan qabyaalad: Waxaa loogu celceliayay in beeshoodu ugu tiro badan, ugu caqli badan tahay, ugu xaqaanisan tahay, ugu xoog iyo xoolo badan tahay, war iyo dhammantiis in beeshoodu ay tahay lafta geela badha oo qaarkood aysan xittaa macnaheeda si wanaagsan u fahamsaneyn. Intaas looguma ekeynin ee waxa la isku deyay in laga dhadhiciyo in beelaha kale ee soomaaliyeed ay yihiin eber iyo waxaan jirin.

 

Muddada maxkax dhaqiddu socoto, bayesaano kuma qanacsanayn jaamacad beeleedka loogu tala galay inuu ka soo qalin jebiyo. Wuxuu gaashaank ku dhuftay islaweynida iyo faanka beesha oo aan cilmiga ku dhisneyn iyo cayda iyo xaqiraada aan sal iyo baar toona lahayn ee ummadda inteeda kale loo geysanayo.

 

Bayesaano wuxuu si cilmi ah ugu dooday in beel beel ka fiicani aysan jirin, ee uu jiro shakhsi shaksi ka fiican.Wuxuu isku deyay inuu macneeyo in dabiicadda iyo cilmiguba sheegayaan in dadka badidoodu ay isku hal yihiin. Dad yar ayaa fiicanaantooda ama xumaantoodu ay siyaado tahay. Wuxuu bayesaano ku soo gebagabeeyay inay xikmad Alle tahay in beel kasta ay ku jiraan dad fiican iyo dad xun labadaba.

 

Qof kasta oo isu garta inuu yahay bayesaano wuxuu ogyahay in tolkiis ku canaanteen: war horta adigu yaad la jirtaa? Maxaad markaan hadalnaba noogu soo booddaa oo aad cadawgeena u difaacdaa? Walllaahi waad lunsan tahay waadse ka shallaayi doontaa!! Kuwaad u hiillineysid oo aan ka joog ku leenahay, ogow waa kuwa middida kuu afeysana, si ay qoorta kaaga gooyaan.

 

Labadi bayesaano oo dalka gudihiisa lagu kala qoqobay waxay isla dareemeen shaki iyo khalkhal ku saleysan jiritaankooda. Waxay iyagoo aan isla joogin is weydiin, waa yaabe yaan run ahaanti ahay? Waa cajaa'ibe xagee leyga rabaa oo aan ka tirsanahay?

 

Ayagoo jaha wareerkaas maskaxeed ku jiraa, ayaa waxaa soo food saaray dhaka faar run ah oo hinaaso iyo quuriwaa ku saleysan. Haddii shaqo yar meel lagu sheego, ama derejo yar meel ka soo iftiinto, bambadi ugu weyneyd ayaa bayesaano ku qarxaneysa. Isla markaaba waxaa toban jibbarmaya dadka isaga luggoynaya. Waxaa lagu furayaa dacaayad ka dhan ah oo tilmaameysa inuusan beesha danaheeda difaacin, gobolka iyo deegaankana waxba u qabanin. Waxaa magaalada lagu faafinaya inuu shayaadiin aan la garaneyn u shaqeeyo, oo wixii manaafacaad ah oo isaga soo gala uusan tolku waxa ku dheefeynin.

 

Intaas haddii wax looga qaadi waayo, waxaa la soo qodayaa taariikhdi awoowayaashiis iyo beel hoosaadkiisa wixi dembi boqol sano ka hor ay galeen. Waxaa lagu andacoonaya in beel hoosaadkiisu yar tahay, ama aysan dagalladi sokeeye qayb firfircoon ka qaadanin, inaysan maanta xoog lahayn oo aysan hogaamiye kooxeed lahayn ama aysan hubka waaweyn ee wax gumaada lahayn. Waxaaba dhacday in loo dilay aano qabiil oo 30 sano ka hor dhacday.

 

Intaas haddii wax looga tari waayo, waxa lagu soo dalbanayaa saqajaamada beesha iyo kuwa ay dad isu xigaan si ay u carqaladeeyaan oo ay uga ciideeyaan wax allaale wixii uu heli lahaa, iyagoo cuskana mabada'a aad u caan baxay oo hadda socda lana yiraahdo ku qabso ku qadi meyside.

 

Bayesaano markuu dhowr sano silic iyo saxariis ku jiray wuxuu ku wareeray xaaladda guud ee dalka, wuxuu garan waayay cid uu yahay iyo meel uu ka tirsan yahay. Markuu xisaabtamay waxaa u soo baxay in dadkiisi asaga la da'da ama la jeelka ahaa inay dalka ka guureen. Wuxuu go'aansanayaa inuu iyaga ka daba guuro intuusan maskaxda luminin oo aysan waalli run ah ku dhicin.

 

3. Bayesaano iyo qurbe

 

Sii aqriso

_________________

 

Qore: Maryam Cariif Qaasim

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this