Sign in to follow this  
Paragon

This poem - is it dismisal, biological, metrological, bewildering or cry for peace?

Recommended Posts

Paragon   

The beggining stanza stresses or refutes disbelievers of the judgement day, yet in the following stanzas, it is discriptive and demonstrative. In its body it touches on many different subject areas. In the last stanza it concerns itself with a prayer for peace and unity. But my question is, comparative to modern sciences, do you think any of its descriptions by any chance correct?

 

--

Allaa mahad lahoo mudan amaan, waana loo magane

Rabbibaa macbuud xaqa ahoo, muran la'aaneede

Rabbiba midnimadiisa uga mara kaceeynaaye

Rabbibaan musaawaad lahayn lala maseeyaaye

Rabbibaan tashbiih naga mudnayan amase miithaal e'

Rabbibaan miduu sugo ta'wiil loo macnayn karine

Rabbibaa masiibo iyo kheyr maamuloo wada e'

Rabbibaan miduu kuu qaddaro maaro loo helin e'

 

Nabigaa mutaabaca lehiyo maxabba dheeraad ah

Mabtadda'a salliga diidanbaa mudan cadaabtiiye

Allaahu masalli calaa sayyiddinaa Muxammad

 

Aadmiga manida laga khalqaye madaxa taagaaya

Oo maxalka hooyadii sagaal Mowla ku illaashey

Mugdigaana lagu quudiyaan maara loo helin e'

Usagoo maxiin ehe muttuxan magacna aan heysan

Inuu marinka Eebe u yasiray waaba moogyahay e'

Nin mardaadiyoo shaarubada kor u maleegaabaa

Inuu mowd dhadhamiyaye waa laga ma maarmaan e'

God madow inaynu u qodnoon mara ku duuduubno

Oon madaxa ciida u dhignaa Mowlaheey qoray e'

Wax is moodde laakiinse waad mala habaawdaan e'

 

Waa mowqifkii aakhirood muransaneeydeen e'

Waa madashi la idiin qabtoo marakan gaarteen e'

Waa mowcidki lagu ballamay mowdka dabadiise

Waa magacya badantuu ka digey Muxammadkeeniiye

Waa maalinteey sheegayeen muqaranbiintiiye

Waa muumin raaxadii kofrina murugadiisiiye

 

Maskaxda iyo ruuxdiyo qalbiyo Mowla nagu beeray

Magafiyaxa unuyada jirkoo mila xawaasteena

Inta aalad nagu maaxatoo maqadada u heegan

Mishinada is wada dhaafayoon magaca loo haynin

Mirtaan aasnay, manidaan qubniyo madagti aan riiqnay

Macnawiga qarsoonoo ku laran anigu ma aqaanno

Illaaheeyse mahad baan u qirey kuman mallaayiin ah

 

Midigiyo bidix mashyiga lugaha iyo marimadii dhiigga

Maqsallada, marggiya jiidma iyo xidida meereeysta

Maqaarkiyo jirkeeniyo xubnaha socodka miisaama

Muuqaalka iyo haybadiyo midab wanaaggeena

Afka hadalka soo marahayoo maqalka saameeya

Macnawiga qarsoon ee ku dhega anigu ma aqaanno

Illaaheeyse mahad baan u qirey kuman mallaayiin ah

 

Mur iyo xuluh, makruux-iyo udgoon shayga kala miira

Muudsiga macaan iyo kharaar mid i dareensiiyey

Naftu waxaay ka maagtiyo waxeey muhatta laabteeyda

'Magnetka dookha maamka u hayoo maxabbada u seyra

Mucjisada basiirada habtiyo madowga heehaaba

Macnawiga qarsoonoo ifiya anigu ma aqaanno

Illaaheeyse mahad baan u qirey kuman mallaayiin ah

 

Dhul mug weyn leh buuraha ku mudan webiya meegaaran

Dhirta munawaca ahoo indhaha kaga maqsuudeeysid

mazraciyo dhul-beereedka iyo miraha soo yaacay

Mawaashi'da nimcooleeyda oo Maligu leeyey

Mucjiso iyo layaab uus iyo dhiig caana laga miiray

Candhadana ka soo maaxayoo naaska laga maalo

Macnawiga macaaneeynayoo midabkana u yeelay

Manbaca iyo maciinkoodi hore anigu ma aqaanno

Illaaheeyse mahad baan u qirey kuman mallaayiin ah

 

Samaawaadku tiir muuqda iyo malaha awtaad e'

Muuqaalka iyo haybadiyo midabka loo yeeley

Masaabiixda qamarka iyo shamsada falagga meeraaya

Mugdiyo iftiinka is badaley maalinta iyo leylka

Hanqarkii masiibada ahaa mayayga hooraaya

Biya heer macaan iyo hawada lagama maarmeen e'

Sidii maamulkeedi u hirgaley anigu ma aqaanno

Illaaheeyse mahad baan u qirey kuman mallaayiin ah

 

Badda waa masiibo iyo kheyr meel ku wada yaal e'

Hadba tii Alle u muujiyaa laga maleystaaye

Marjaankiyo mallaygiyo nimcada moolka lagu aasey

Maraakiibta iyo doonyahaan kaga macaashnaaye

Imisaa maskiiniyo faqiir Mowle ka irsaaqey

Meeqeyse mowjadi cuntoo lagu masiibeeyey

Imisaa mallaayiin ku maqan ragiyo maalkooda

Nimaan marini waa moogyahay mala ku suureeye

Gindi malabsanaayo naflaha lagu dul meegaarey

Oo soo madow ineey tahaan maanka ku hayaaye

Maruu Eebaheey nagu masixi anigu ma aqaanno

Illaaheeyse mahad baan u qirey kuman mallaayiin ah

 

Makhrib dumay habeenkoo mugdiya mowjad kugu taagan

Oo aan biriga muuqan karin muruga weeyaane

Nimaan marini waa moogyahay mala ku suureeye

Illaaheeyse mahad baan u qirey kuman mallaayiin ah

 

Intaan gabayga soo mariyey waad ila maqleyseen e'

Mid yar baan ku soo koobayaa muxiimadiisiiye

Illaahayoow masalaxad caan ahoo lagu mattaanoobo

Oo magaca soomaaliyeed lagu mideynaayo

Oon lays maquunine qalbigu meel u wada jeedo

Oon laysku maandhaafinoo laysku mari waayin

Maskaxdeena Eeboow ku beer murugtay howshiiye

Oon inaanan kala maarmi karin adigu noo muuji

Mustajaaba duca inaan ahay igu maleeyaan e'

Muraadkaan usoo toosay waa inaan midownaaye

Illaahow maryana hayga dhigin kuu martaan ahay e'

Oo hayga maanicin waxay muhatay laabteyda

 

Amin!

 

-(Allaa mahad leh) by Abshir Bacadle

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this