Sign in to follow this  
Muhammad

Nomads Technology - qalabka reermiyiga tiri

Recommended Posts

Muhammad   

bacda salaan, bal aan isku dayno inaan tirino inta aynu ka naqaan qalabyada ay isticmaalaan reer guuraaga soomaalida:

 

inta hada aan ka xusuusto waa;

 

hadhuub - geelaa lagu lisaa

mudac - waxbaa lagu tolaa

waran - waa lagu ugaadhsadaa / layskuna difaacaa

toori - hilibkaa lagu goostaa / layskuna difaacaa

falaad - waa lagu ugaadhsadaa / layskuna difaacaa

qaanso - waa lagu ugaadhsadaa / layskuna difaacaa

xeedho - cuntataa lagu cunaa

dhiil - caanahaa lagu shubtaa / qaataa

budh - waa laysku difaacaa

qarbad - biyahaa lagu shubtaa - qaboojiyaa

 

 

waxaad garanaysid ku dar:

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this