Sign in to follow this  
nuune

Tix iyo Tiraab=Afka-Somaliga

Recommended Posts

nuune   

Af soomaaliga laba qeebood baa laga dhigey, waana tix iyo tiraab, hadaba dadka aan horey u maqlin tixdu ama tiraabtu micneentooda ayaan hoos ku soo qorey:

 

Tix waa weedh kasta oo hab-dhac, qaafiyad, iyo luuqeyn leh, ama waxaad oran kartaa tixdu waa hadalka intiisa geedaysan ama maansaysan.

Tusaale Ri isnuugtay meel uga ekaa nin is ammaanaaye.

 

Tiraab waa hadal aan xaraf gooni ah ku socon qaafiyadna ku qasbanayn ee si caadi ah loogu dhawaaqo.

Tusaale: nin is faanshey wuxuu la mid yahay Ri isnuugtay, ama nin isfaanay iyo Ri isnuugtay waa isku mid.

 

 

Macallin Abdullaahi Dhoodaan wuxuu yiri isagoo tilmaamaya gabeyga marka la meerinayo inuusan u baahneyn qalabka loo tumo sida heesaha iyo waxyaalaha la midka ah:

 

- Sidii hees la daran-dooriyiyo, koox la dananaysa

- Dad markuu darbuugado murtida, kuugu daadihiya

- Durbaan muusik ima daahiyiyo, duul xafida wiige

- Dumarna kaygu uma baahna iyo, daasad loo tumo e

 

 

 

adigoo si toosa u daalacanaya gabaygaas yaree kor ku qoran, waad garan kartaa inuu gabeygaasi ku socda sharciga qaafiyada loo yaqaano iyo dhacdo,

 

qaafiyadduna waa adeegsiga xaraf isku mid ah, iyada oo aan laga leexan fikraddii loo dan lahaa in la soo gudbiyo, haddii higgaaddaasi ama qaafiyadaasi laga baxana waxaa yimaadda Laaxin.

 

 

Halkaas kasii wada kuna sii dara wixii dheeraada ee ku saabsan tixda iyo tiraabta.

Share this post


Link to post
Share on other sites
BOB   

nuune brother waa ku mahadsantahay casharkaga waana wax fiican...waa inaa kaa bartaa marka casharka wad brother.

 

Peace,Love & Unity.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this