Sign in to follow this  
Wiilo

Gabar Soomaaliyeed oo laga qaatay Carruuteedii,

Recommended Posts

Wiilo   

Gabar Soomaaliyeed oo laga qaatay Carruuteedii, argagax iyo naxdin u keentay Soomaalida degan Norway

 

Hassan

hassan@norsom.net

 

 

Axad, January 02, 2005 (HOL) - Asbuucii hore ayaan soo tabinay gabar soomaaliyeed oo deganayd Norway in ilmaheedi xoog looga qaatay. Arintaan ayaa dad badan oo jooga dibadaha ku tilmaameen wax aan cuntami karin sidaa darted ayaa la ii diray bal inaan magaalada gabadha degan tahay(Trondheim) oo Oslo u jirta 8saacadood oo treen ah u safro oon soo baaro arinka.

 

Waxaa maantay oo jimce ah aad iigu adkaaday inaan fariisto oon qoraal ka qoro arinkaan waayo waxa had iyo jeer I hor imaanaya wixii aan indhahayaga ku soo arkay – Hooyo aan haysan cid caawisa oo guri isku xirtay oo iska oynaysa- Ilmo Soomaaliyeed oo la qayaameeyay oo la yiri fasax ayaad aadaysiin – hooyo soomaaliyeed oo loo hanjabay oo la yiri hadaad dadka usheegto in ilmaha xoog lagaaga qaatay waligaa arkimaysid- Soomaalida degan magaalada Trondheim oo iyagana ka cabsanaya in ilmaha beri laga qaato.

 

 

Waxaa intaa dheer inaan soo waraystay norwijiga dariska la ah gabadha oo iyagana naxay ka dib markii aan u sheegay in Umulkhair iyo Amiin xoog looga qaatay hooyadood oo loo dhoofiyay Holland. Dariska norwijiga ah hadalo kulkulul oo caro iyo amakaag ka muuqato ayay isla markii u isticmaaleen qolooyinka ilmaha afduubay. Waxaan ka duubnay inay cadeeyeen in hooyada soomaaliyeed ay tahay hooyada dariska ugu naxariis badan xaga ilmaha, ilmuhuna aad iyo aad u jecel yihiinn hooyada. Arinkaan aad ayaa la iskugu raacay.

 

Waxaan kaloo la kulmay abuukaataha gabadha oon ka qaaday dokomentiyo cadaynayo in hooyada soomaaliyeed lilmaha laga xoogay. Waxaan kaloo soo duubay codad cadaynaya in ilmaha xoog looga qaatay hooyada soomaaliyeed. Dokumentiyadaas waxaa hada haya gudi soomaaliyeed oo degan Oslo oo falaqaynaya arinkaan. Gudigaan ayaa sitimaankii hore gabar soomaaliyeed oo waalidkeed laga qaatay soo celiyay. Waxaa na soo gaaraya in ilmaha soomaaliyeed hada aad loo qaato halka kuwa bakistaanka ah aysan sharci ahayn in la qaato waayo waxay bakistaanku usheegeen dawlada in ilmo waalidkood laga qaato aysan dhaqan u lahayn. Waxaa la soo warinayaa in arinkaan dawlada iyo bakistaanku isku waafaqeen. Yaa soomaali marka u maqan?

 

In Ilmaha la qasbay oo Holland xoog loogu dhoofiyay ayaa waxaa cadeeyay joornaal ka soo baxa Norway oo la yiraahdo adresseavisen oo cinwaan uga dhigay “Ilmo lagu qasbay dibadaâ€

 

Ilmaha oo kala ah wiil(8sano) iyo gabar(10san) ayaa markoodii hore ku dhashay Holland halkaas oo iyaga iyo hooyaduba aysan ku haysan wax sharci ah. Waxay yimaadeen Norway oo ku heleen sharci deganaayeena 4 sano.

 

Qoyska reer Holland oo ilmaha la siiyaay ayaa lagu soo waramayaa inay daris la ahaan jireen hooyada soomaaliyeed. Qoyska boobay ilmaha soomaaliyeed ayaa waxaa la kala yiraahdaa Jan Guido Meeusesen iyo Louisa Helena Mueeussen oo degan Margraten, Julianlaan 18, 6269 CN, Nederland. Waxaa la soo tabinayaa in qoyskaan cadaanka ah oo boobay ilmaha soomaaliyeed ay aad iyo aad u jeclaayeen Umulkhair, gabadha 10 jirka ah. Waxayna go’aansadeen sidii ay ula wareegi lahaayeen gabadha ay jeclaadeen.

 

Hooyada soomaaliyeed ayaa noo sheegtay oo ay joornaalada Norwayna qoreen in qoyska hollandeeska ahi ka codsadeen gabadha soomaaliyeed inay Umulkhair uga gataan 2 milyan oo lacagta Hollandeeska ah. Hooyadii ayaa maya, maya tiri in badan. Qoyska ayaa sida la soo tabinaayo waxay gudo galeen sidii ay u hano lahaayeen Umulkhair. Waxay dacwo u qoreen qolooyin ciyaalka qaabilsan ee Holland(Raad vor der kinderbecherming Maastricht) Gabadhii soomaaliyeed ayaa argagax darted uga guurtay Holland laakiin ka dabashaqaynta qoyska reer Holland ma dhamaan.

 

Samarkii la soo dhoofay ayaa qoyska boobka wata yimaadeen Norway oo hadiyado u keeneen gabadha soomaaliyeed. Waxa lagu soo waramaya in qoyskaan iyo qolooyinka qaabilsan ilmaha ee noorwijiga ahi ay xiriir lahaayeen waqti dheer, laakiin gabadha soomaaliyeed aysan ogayn.

 

Waxaa la sameeyay qayaamooyin badan oo ilmaha la rabo in hooyada soomaaliyeed looga qaado. Qayaamooyinkaas waxaa ka mid ahaa in la yiri hooyada soomaaliyeed ma hayn karto ilmaha waayo qamri ayay cabtaa. Dacwadaas ayaa keentay in loo soo diro dakhtar ka qaada dhiig iyo saxaraba, kaassoo ku soo noqnoqonaayay mudo 3 bilood ah. Dhaqtarka oo ahaa nin norwiji ah ayaa gabadha ku qasbaayay in musqusha ay gasho oo xoog iskaga keento saxarada iyo kaadidaba isaga oo markaa dultaagnaa oo musqusha lagalayay(bahdilida soomaalida reer Norway).

 

Waxaan gudiyada reer Oslo ugudbiyay jawaabihii laga bixiyay baaritaanka dhiiga iyo saxaradaba oo kuligood muujinayaan negative.

 

3 maalmood ayaan arinkaan dhan kasta ka baarayay warkana waxaan ku soo koobi lahaa in wax kasta oo lagu soo eedeenayay gabadhaan ay fashilmayeen. Waxaa lagu soo waramayaa in la qorsheeyay in hooyada soomaaliyeed la rabay in la duro oo ay fahantay qayaamada.

 

Waxaa soomaalidu hadal hayaan haatan in markii ay fashilmeen waxkasta oo lagu soo eedeeyay gabadha soomaaliyeed ay ugu dambayntii Solrun Valen iyo Yngve Cappelen oo ah qolooyin norwifiga ah ee reer Trondheim isticmaaleen xoog.Ilmihiina ku wareejiyeen Louisa Helena oo laga bixiyay qarashka ay ku timid Norway iyo waliba kan hotelka.

 

Waxaa ku cad dokumentiga ay Solrun iyo Yngve ku gaareen go’aanka inaysan wax sharci ah aysan tiigsan laakiin ay isticmaaleen qodob oranaaya “wixii aan rabno ayaan samaynaynaa†Way sameeyeen wixii ay rabeen, taa oo ah in Umulkhair iyo Amiin ku wareejiyeen Louis Helena oo ku ciidaysa maantay asxaanka wayn oo ay Solrun u samaysay. Sida dokumentiyada ku cad ayaa Hay’ada Norwigigu waxay qorsheesay in ilmaha waligood ay hayn doonaan qoyska cadaanka ah ee boobay ilmaha soomaaliyeed.

 

Arinkaan ayaa abuukaatuhu haatan dacwad u diray qolooyinka ka sareeya hay’ada bixisay caruurta oo la yiraahdo “fylkesnemndaâ€. Laakiin shaki wayn ayaa laga qabaa in dacwadaan shaqayso in kasta oo ay aad u cad tahay in habka ilmaha loo bixiyay aysan ku fadhin wax sharci ah.

 

Dhaqdhaqaaq wayn ayay hada n soomaalida reer Norway wadaa. Gabadha soomaaliyeed ayaa aaminsan hadii hal mar ay ilmaheeda arki lahayd ay ilmuhu ku ooyi lahaayeen jacaylka ay ay u hooyada u qabaan darted. Arinkaan ayaa waxaa ka marqaati kacay dariska norwijiga ah iyo soomaalida degan Trondheim. Laakiin sida qorshaysan waa in la kala qariyaa hooyada iyo ilmaha mudo sanooyin ah si ilmaha maskaxda looga badalo.

 

Hooyada soomaaliyeed ayaa noo sheegtay in Solrum iyo Louisa ay iyada u heshiiyeen maadaama ay cadaan yihiin iyaduna tahay gabar madoow. Dhanka kale waxgarad soomaaliyeed oo nagalasoo xiriiray, Canada, USA, Holland iyo meelo kale ee qurbaha ah ayaa waxay ku taliyeen in lagu mudaharaado safaaradaha Norway ee ku yaal dibadaha. Waxay kaloo waxgaradku ku taliyeen in la isticmaalo mediyada sida kuwa Holland, BBCda IWM, arinkaan xaqdarada ahna aysan soomaalidu ka harin hadii kale Ilmaha soomaaliyeed waa daayeen hooyada soomaaliyeed.

 

Waxaa dadweynaha deggen waddanka Norway laga codsanayaa in ay iska kaa shadaan sidii gabartaan carruurteeda loogu soo celin lahaa.

Faahfaahin dheeraad, fallan kala xiriir:

E-mailka ah: hassan@norsom.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

wax aan ku hadlo garan maayo! lee ilaaha illal laahu muxummada rasuulullaah scw. maba ka fikiri karo dhibaatada ey la kulan tay walaasheen Soomaaliyeed. maskiinta yaa u maqan, Ilaahayow u gar gaar rabbigey giyow.

waa su'aalee, aaway ciyaalka aabahood? meesha nin baa laga waayay, hadii ey tahay single mother (oo loo kasday) dhibaatadeedi maanta ey haysataa.

 

poliiska Norway wax maqaban karaano miyaa? Doolada iyakaa magan geliyay reerkaas, xuquuq wey ku leeyihiin.

 

Maxaan u qaban karnaa walaasheen? walaahi whatever it takes im up for it, waxaan waa kadareey.

 

2million? oo cunuga Soomaaliyeed qiimahiisu waa kistaas lee. OUR BLOD IS NOT FOR SALE.

 

walaahi i dont care dhib kasto ha marto hooyadaas laakiin habeen iyo maalin ma aha iney harsato waa iney qabataa wax kastoo awoodeeda DHAAFSIISAN sida ey ku heli leheed caruurteeda. SHICIBKA SOOMAALIYEED MEEL KASTA JOOGA WAA INAAN LA SHAQEEYAAN HOOYADAAN, dagaal kaan ma aha dagaal muslimeed oo waa dagaal quseeya umada SOOMAALIYEED.

 

wallaahi ciilka i haayo ma maleesan kartiino, carrada i hayso aaarrrghhhhhhhhhhhhhhhhhhh

 

my blod is boiling alla ilaahayow adaa garanaayo meesheey qeerka ku jirto

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

Simply the Best macaanto sheekada inama aysan siin wax war bixin ah oo quseeya ilmaha Aabahood balse waxaan filayaa gabadhu inay tahay single mother mana garanayo sababta looga qaatay caruurteeda.

 

Waa run ma'ahan inay harsato ilaa iyo intay ilmaheeda ka soo helayso oo wax walba oo ay ahaato waa inay raadisaa caruurteeda.

 

 

Waxaan u rajaynayaa in uu Allaah oga soo celiyo caruurteeda.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this