Sign in to follow this  
Paragon

Gocasho Waa Islaamaa - W.T. C/wahaab Sh. Xassan

Recommended Posts

Paragon   

Gocasho Waa Islaamaa

 

Gabay waa inuu murtida gaabis ka ahaanee

 

Waa inuu gubaa cadowga iyo gaalo raacyada'ee

 

Waa inuu ka gaabsado xumaan gacal fadeexeenee

 

Muslimiinta waa inuu garab iyo gacanba siiyaayee

 

Kol haddaanu gaarsiinahayn gabaygu eedowyee

 

Waxba arartu yey ila gudbine gadalkiiyoo gaaban

 

Xassaan Gabayadiisii anoon gaari karahaynee

 

Gole magan sidiisii anoon kala gorfaynaynee

 

Anoon gayni karahayn halkuu gabayga gaarsiiyey

 

Hayeeshee wixii aan gocdaan soo gudbinayaayee

 

Xalay galin dhaxaad iyo maraan gabaha sugaayey

 

Guuldarrada maraan fiiriyoo galangalcoobaayey

 

Muslimiinta gabigood maraan gees walba u eegay

 

Falastiin maraan guruf ku tagay geedar iyo weeroo

 

Sida loo galaayaa jirkii iga gariiraayee

 

Waxay godobsanayaanna waa gaban yahuudeedee

 

Golaha Amaankna ka hadal taa ma garan waydeen

 

Koosoofa wixii gaaray baa taa ka guda waynee

 

Waxaa gabar lafaalugay waxa gaban la dooxaayo

 

Waxa guri la dumiyee gantaal lagu garaacaayey

 

Waxaa lagu gubaayaa waa gacalladeeniiyee

 

Waxa saa u galaayaanaa guruubo shaydaanee

 

Golaha Amaanaka ka hadal taa ma garan waydeen

 

Afartaa Ga iyo wowga iyoo ereyo gaagaaban

 

Iyo galan garcawgii wixii aan ka gam'iwaayee

 

Iyo Garashadaydii halkii ila gudboonaatey

 

Afar kalena aan kuu gaddiyo waakan gabaygiiyee

 

Maxaa Diiinta gacalkeedii ka dhigay gabi ahaantoodba

 

Kuwaan garanin hoosaasintiyo gurucda loo jeedoo

 

Geedigu halkii uu ahaaba garanba maayaanee

 

Gurubaar markii laga dhigtee lagu guraabaasoo

 

Ayuunbey waxaan guullahayn sii gorgoriyaanee

 

Gocashadii maxaa inaka tiray guruuba meel aadyee

 

Haddii gaban la dilo iyo haddii geel la kala qaadoo

 

Sidaad guluf ku aabayn aabayn jirtaan waydin garataanee

 

Sidaa ugu go'daan iyo walibageeri xumadiinna

 

In gargaarku Diinta ay lahayd taana ma garan waydeen

 

Soomaaliya la googoo wakaa guruubba meel aadyee

 

Kuwii Nabiyadii gooyey bey garabsi moodeenee

 

Goortay isla gubatey dhaheen waa in loo galaaye

 

Gulubkii lasoo diray markuu gocosho sii beeray

 

Gumac iyo Rasaastii markii gabanadii laysay

 

geeridii wataa badatayoo guul darraa timidee

 

Qofkaan garanin diintiisu waa gaala raacyadaayee

 

Galin dhexe habeenkii markuu guuro bahalliyo

 

Goranyada sideedii markii gees walba u rooro

 

Shaydaan buu u galayaa haddaan Eebe garab siinee

 

Godkii Aakhiraa ka daran gubasha naareedee

 

Eebow nagarab sii intaan galab naloo yeerin.

 

W.T.

 

C/Wahaab Sh. Xasan

Source: www.suxayfa.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this