Sign in to follow this  
Juje

1-Luulyo oo sharaftii iyo sumcadii laga qaadey.

Recommended Posts

Juje   

munasabad4.bmp-for-web-normal.jpg

 

1-Luulyo 2007 waxaa lagu xasuusan donaa munaasabad la dabaldegey iyadoo gumeeysi wadanka haysto. Shacabka Soomaaliyeed xoriyadii 1960-kii kadib ma soo marin maalin ka madow kana ayaan daran maanta.

Nin odey ah oo maanta kula kulmey suuqa weyn ee Bakaaraha goob shaaha laga cabo ayaa kadib markii uu uu dhageystey Idaacada Horn Afrik oo ka warbixineysa dabaaldagii xaley ka dhacey Villa Somalia ayuu odeygii yiri " Waan ka xumahay 1-Luulyo sumcadii iyo sharaftii baa laga qaadey maxaa yeeley waxaa la xusey waqti uu gumeysi shacbkii Soomaaliyeed haysto, hase yeshee Ummada Soomaaliyeed waxey yeelan doonaan maalin kale oo ay xusaan oo ay weyneyaan maalintaa waxey noqon doonaa maalinta gebi ahaan dalka laga saaro Itoobiyaanka iyo kooxda maxeesatada ah ee soo kaxeesatey.

Waxaa ayaandaro weyn ah iyada oo wadankii dhex fadhiyaan ciidamo Itoobiyaan ah oo wadanka ku yimid si sharci daro islamarkaana ka geystey magaalada Muqdisho xasuus bani'aadanimada ka baxsan in haddana loo dabaaldego maalintii xoriyada iyaga oo weli wadankii ku sugan kuna amr ku taagleyaan .

C/lahi Yuusuf iyo kooxda la socota waxaa la hubaa in taariikh madow ka geli doonaa taariikhda Soomaalida, wax walbana dhamaad ayuu leeyahay iyagana waaba muuqataa waqtigooda geba gebo ayuu sii marayaa mar haddii dowladii keeney magaalada Muqdisho ay qireen in ay ku qaldameen duullaankii ay Soomaaliya ku soo qaadeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this