Sign in to follow this  
Cowke

24 hrs left Till The Day 1/3 Of Somalia Ay Tashaden

Recommended Posts

Cowke   

Garoowe:(Allpuntland)-Iyadoo Saacado kooban oo kaliya ay ka dhimanyihiin Waqtigii ay Puntland 12-Sano jirsan lahayd ayaa Waxaa magaalooyinka Waaweyn ee dalka ka soconaya Diyaar garowgii ugu danbeeyey ee loogu diyaar garoobayo Dhigitaanka Xuska.

 

Magaalada Garoow ee Caasimada dawlada Puntland ee Soomaaliyeed oo maalmihii lasoo dhaafay ay aad u yarayd Saansaanta dhigitaanka Xafladan ayaa Saacadihii lasoo dhaafay waxaa la dareemayey Jawi ka duwan kii hore,iyadoo ay si aad ah usoo baxayso Diyaar garowgan oo dhinacyada kaladuwan ee Bulshada & Dawlada Puntland.

 

Qaarkamid ah Ciidamada Amaanka ee Dawlada Puntland ayaa Diyaar garowgii ugu sareeyey ku jira,waxaana Caasimada dawlada Puntland saacadihii lasoo dhaafay lagu arkayey Ciidamada Baambayda Puntland oo Dhoolatusyo kaladuwan ku samaynaya Xeryaha kaladuwan ee Ciidamada & Saldhigyada Milatari ee Caasimada dawlada Puntland,iyagoo adeegsanaya Qalabka Muustikada islamarkaasna kor u lulaya Calanka cusub ee dawlada Puntland.

 

Wasiirka Maamul Wanaaga ee dawlada Puntland Maxamed Faarax Ciise (Gaashaan) oo ah Gudoomiyaha gudi uu dhawaan Madaxweynaha dawlada Puntland u magacaabay diyaarinta & Qaabeynta Xafladan ayaa APL u sheegey in Diyaar garowgu uu meel wanaagsan u marayo,waxaana uu intaas ku daray in ay Xukuumada Puntland sanadkan dhigi doonto Xaflad ka qiimo badan tii ay Sanadkii hore dhigtay.

 

Wasiirku wuxuu carabka ku dhuftay in Habeenka 1-Da Ogoosto Calanka dawlada Puntland la saari doono Aqalka Madaxtooyada ee dawlada Puntland & dhamaan xarumaha kale ee dawlada,laguna amri doono Gudoomiyeyaasha gobolada kaladuwan ee Puntland in xarumahooda ay saaraan Calanka Dawlada Puntland ay dhawaan ku dhawaaqday.

 

Cabdiqani Xayir

Allpuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Happy Birthday Puntland. I am looking forward to this 1st of August unfortunately I live in small town with very few somalis therefore I Can't celebrate it however I'll definitely be there through the heart.

 

I can't wait to see how the uk/usa/sweden/denmark/kenya/india/sudan/uae and all the countries with strong puntland diaspora hold this event.

 

Puntland All Day Everyday

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Garoowe:Boqolaal kamid ah Dhinacyada ka qeybqaadanaya Xaflada 1-Augost oo Saaka Dhoolatus Garoowe kusameeyey.

31. juli 2010

 

Garoowe:(Allpuntland)-Waxaa saaka Waaberigii Xarunta maamulka gobolka Nugaal ee magaalada Garoowe isuguyimid Boqolaal Ruux oo kamid

ah dhinacyada la rajeynayo inay beri ka qeybqaataan Xaflada weyn ee lagu xusayo Sanad guurada 12-aad ee dawlada Puntland kuwaas oo saaka Dhoolatus ku hor sameeyey qaarkamid ah gudiga Qabanqaabada Xafladan ee uu dhawaan Magacaabay madaxweynaha dawlada Puntland.

 

Dhoolatuskan oo ay sameeyey qaarkamid ah Shaqaalaha Wasaaradaha Shaqada,Shaqaalaha,Dhalinyarada & Isboortiga,Ardayda wax ka barata Dugsiyada kaladuwan ee Magaalada Garoowe,Shaqaalaha Wasaarada Waxbarashada,Wasaara Caafimaadka,Wasaarada Kaluumaysiga,Wasaarada Amniga,Wasaarada Arimaha Gudaha & Cutubyo kaladuwan oo katirsan Ciidmamada Daraawiishta ee dawlada Puntland kuwaas oo ay salaan ka qaateen Mas'uuliyiintii goobta joogtay.

 

Ciidamada Baambeyda Puntland ayaa maanta siweyn uga dhexmuuqday Dhoolatuskii lasameynayey,waxaana ay wateen calanka Cusub ee dawlada Puntland iyagoo sidoo kalena Heesta Calanka ee Puntland oo qaab Muustiko ah u qaadayey,Madaxda katirsan gudiga Qaban qaabada Xafladan ayaa khudbado kaladuwan halkaas kasoo jeediyey waxaana ay dhamaan dhinacyadii Xafladan ka qeybqaatay ugu baaqeen in si sidan ka qurux badan ay beri u sameeyaan Dhoolatuskooda.

 

Wasiir xigeenka Wasaarada Deegaanka,Dalxiiska & Duurjoogta ee dawlada Puntland oo kamid ahaa Mas'uuliyiintii saaka Khudbada kasoo jeedisay goobtii Dhoolatuskani ka dhacay ayaa aad u amaanay shaqaalaha kaladuwan ee Wasaaradaha dawlada Puntland,waxaana uu sheegey in Shacabka ku dhaqan magaalada garoowe & Magaalooyinka kale ee Puntland ay aad uga shaqeeyaan Amaanka islamarkaasna Xukuumada isgarabtaagaan.

 

Cabdiqani Xayir

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this