Sign in to follow this  
XOG-ogaal

if this is not Qabill tell me what its?

Recommended Posts

Geeddi oo ay wehliyaan salaad Cali Jeelle, Max’ed dheere & xubno kale oo markii ay Nairobi soo gaareen u tegay Xaaji Abuukar Cumar Caddaan

 

 

Waxaa saaka soo gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya wefdi ballaaran oo uu hogaaminayey ra’isul wasaaraha xukuumada federaalka Prof. Cali Max’ed Geeddi, waxaana xubnaha wefdiga ra’isul wasaaraha ku wehliyey socdaalkiisa ka mid ahaa wasiir ku-xigeenka gaashaandhiga Salaad Cali Jeelle, guddoomiyihii gobolka Sh/dhexe Max’ed Cumar Xabeeb (M/dheere), maareeyaha dekadda Cabdi Jiinow Caddow, waxaana wefdigan ku soo dhoweeyey garoonka Jomma Kenyatta safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Max’ed Cali Nuur (Ameerika).

 

 

Ra’isul wasaaraha ayaa markii uu soo degay booqasho ugu tegay ganacsade Xaaji Abuukar Cumad Caddaan oo ah ganacsade si weyn u taageeri jiray golaha maxaakiimta Islaamiga, waxeyna ka wada-hadleen suurtagalnimadii sidii uu Xaajigu uga qeybqaadan lahaa xal u helida xaalada cakiran ee magaalada Muqdisho.

 

 

“Markii uu ra’isul wasaaruhu ka soo degay garoonka, wuxuu salaan ugu tegay Xaaji Abuukar Cumar Caddaan, waxeyna ka wadahadleen xaaladihii ugu danbeeyey ee dalka & sidii si wadajir ah looga hortegi lahaa in ay faraha ka baxdo xaalada ka taagan magaalada Muqdisho, waxeyna labada dhinac isku afgarteen in la is cafiyo, lagana wada shaqeeyo nabadda & in magaalada Muqdisho dib loogu soo celiyo ammaankii & kala danbeyntii” ayuu yiri safiirka Kenya u fadhiya dowladda federaalka Max’ed Cali Ameeriko, wuxuuna intaasi raacieyey in ra’isul wasaaruhu maalinta berri ah in uu u duulayo magaalada Riyaad ee dalka Sacduudiga, halkaasoo uu uga qeybgalayo kulanka dalalka J/Carabta.

 

 

Dhinaca kale, warar madax-banaan ayaa sheegaya in xubno ka soo jeeda beesha xamar oo ka kala yimid dibedda & gudaha dalka, kuna sugan haatan magaalada Nairobi in ay qorsheynayaan sidii ay Xaajiga ugu qancin lahaayeen in uu beri ka noqdo xaalada cakiran ee ka taagan Muqdisho, isla markaana uu taageeradiisii golaha maxaakiimta uu dib ula laabto, lamina oga in Xaajigu aqbali doono soo jeedintaa & in uu ku gacan seyri doono, waxaana qorshahan ka qeybgalaya xubno isugu jira siyaasiyiin & ganacsato magac ku leh beesha xamar.

Share this post


Link to post
Share on other sites
ansaar17   

This has nothing to do with tribe, but the Mbgathi group is trying to legitimize their so called "reconcilation" buy making him join their meeting so they can get the funds they are after.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this