Sign in to follow this  
Gabbal

Barre Hiiraale and envoy reach Gedo, to Baardheere.

Recommended Posts

Gabbal   

Wasiirka Dib U Dhiska Iyo Dib U Dejinta DFKG Ah Barre Hiiraale Oo Xalay Caweysnimo Cagta Soo Dhigay Deg/Baardheere

 

Wafdigan heerka sare ah oo uu hoggaaminaayo wasiirka dib u dhiska iyo dib u dejinta dowlada Soomaaliya Barre Hiiraale oo isugu jira xubno xildhibaano ah, saraakiil iyo qeybo firfircoon oo ka tirsan hoggaanka dhaqanka Beesha Gedo oo shalay gelinkii dambe ka soo kicitimay magaalada Baydhabo ee xarunta u ah DFKG ah ayaa xalay abaarihii 10:00kii caweysnimo soo gaaray magaaladan Baardheere.

 

Xubnaha Wafuudan uu hormuudka u yahay Barre Hiiraale oo ay kamidyihiin Xildhibaan Xassan Cumar Maxamed,Ugaas Ciise Ugaas Cabdule, Afhayeenka Isbahaysiga D/Jubba Bile Cabdile Cabdi iyo saraalkiil kale oo ka mid ah Maamulka Isbahaysiga ayaa waxaa xalay markii ay soo gaareen magaaladan si diiran ugu soo dhaweeyay agagaarka dalacaada iyo tuulada ceelcilaan oo qiyaastii 45km dhinaca waqooyi kaga aadan degaankan dadweyne aad u fara badan, madax ka tirsan Maamulka G/GEDO,waxgarad iyo duqow magac ku leh Degmadan, kuwaasoo intooda badan ku gaaray halkaasi noocyada gaadiidka iyadoona weliba qaar kamid ah dadkaasi la arki karay iyaga oo cagta maalaya.

 

Wafdigan oo xalay markii ay soo gaareen magaaladan kulamo aan toos ahayn la qaatay masuuliyiintii u soo gelbisay dhinaca degaanka xerada Muuri ee cirifka galbeed ee magaalada ayaa sheegay in ayaga oo ugu horeyntii u mahadceliyay dadweynihii soo dhaweeyay in ay dhaqaajin doonan dadaalada xoojinta nabada iyo hanaanka hirgelinta maamulada Degmooyinka sida uu xalay Gedonet si kooban ugu sheegay Barre Hiiraale oo u waramayay Gedonet.

 

Ujeedada Socdaalka xubnahan oo soo baalmaray safar dheer oo xaga dhulka ah ayaa waxaa mar uu Gedonet u warbixinayay Wasiirka uu carabaabay in safarkooda xiligan uu la xiriiro sidii ay uga qeybgeli lahaayeen madasha shir nabadeedka Beelaha Gedo iyo Garre lagu wado in uu dhawaahan uga furmi doono magaalada Ceelwaaq ee G/GEDO iyo haddii ay suurto gal noqoto wax ka qabashada arrimo kale oo quseeya Gobolkani waa sida uu Barre Hiiraale hadalka u dhigaye.

 

Sikastaba ha ahaatee socdaalka Barre Hiiraale oo ahaa mid si weyn loogu toog hayay ayaa waxaa uu ku soo beegmay xili ay waxgaradka iyo shacbiga Beelaha Gedo iyo Garre ay u heelan yihiin soo afjarida khilaafka labada beelood. Waxaana maanta la wada sugayaa qudbad uu soo jeedin doono Barre Hiiraale taasoo ay dad badani u dhagtaayaan bal waxa ay ku saabsanaan doonto qudbadiisaas.

 

Maxamed Gaarane

gedonet-Baardheere,Gedo

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Barre Hiiraale iyo wefdi uu hogaaminayo oo xalay gaaray magaalada Baardheere ee gobolka Geddo.

 

June 7, 2006. HornAfrik. Mogadishu, Somalia

 

Maxamed Gaarane “Baardheereâ€

 

Wasiirka dib u dhiska iyo dib u dajinta Barre Aadan Shire “Barre Hiiraale†iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa xalay gaaray magaalada Baardheere ee gobolka Geddo kaddib markii safar dhulka ah uu kaga ambabaxay magaalada Baydhabo ee gobolka Bay.

 

Wefdigan uu hogaaminayo wasiirka dib u dhiska iyo dib u dajinta dowladda fedraalka KMG ah ee Soomaaliya Barre Hiiraale oo isugu jiray xildhibaano, saraakiil iyo qeybo ka tirsan hogaanka dhaqanka oo shalay galinkii dambe ka soo kicitimay magaalada Baydhabo ayaa xalay 10:00 habeenimo soo gaaray magaalada Baardheere.

 

Xubnaha uu hogaaminayo Barre Hiiraale ayaa waxaa kamid ah xildhibaan Xasan Cumar Maxamed, Ugaas Ciise Ugaas Cabdulle, Afhayeenka Isbaheysiga dooxada jubba Bile Cabdulle Cabdi iyo saraakiil kale oo ka tirsan maamulka isbaheysiga dooxadda jubba.

 

Xubnahan ayaa markii ay soo gaareen magaalada waxaa ku soo dhaweeyey agagaarka Dalcaada iyo tuulada Calcilaan oo qiyaastii 45km ka xigta Baardheere dhinaca waqooyi dadweyna aad u badan, madax ka tirsan maamulka gobolka Geddo iyo duqow magac ku leh kuwaas oo intooda badan ku gaaray halkaas nuucyada gaadiidka.

 

Wafdigan oo xalay markii ay soo gaareen magaalada kulamo aan toos aheyn la qaatay mas’uuliyiintii u soo gudbisay dhinaca deegaanka xerada Muuri ee galbeedka magaalada ayaa sheegay inay u mahad celinayaan soo dhaweentii ay u sameeyeen kooxahaas iyagoo sheegay inay dhaqaajin doonaan dadaaladooda xoojinta nabadda iyo hanaanka hirgalinta maamulada degmooyinka sida uu HornAfrik xalay u sheegay wasiirka dib u dhiska Barre Hiiraale.

 

Ujeedada socdaalka xubnahan ayuu Barre Hiiraale sheegay inay la xiriirto sida ay uga qeyb qaadan lahaayeen madasha shir nabadeed beelaha Sadde iyo Garre lagu wado inuu uga furmo magaalada Ceelwaaq iyo haddii ay suurtagasho waxqabad kale oo la xiriira ama quseeyo arrimaha gobolka Geddo.

 

Saacado ka hor inta aanu soo gaarin wafdiga Barre Hiiraale magaalada Baardheere ayaa waxaa ka soo horeeyey ergo isugu jirtay waxgarad iyo odayaal dhaqmeed ka soo jeeda beesha Sadde oo uu hogaaminayo ugaaska beesha Sadde Ugaas Cumar Ugaas Xirsi kuwaas oo iyagana safar dhinaca dhulka ah kaga yimid magaalada Baydhabo si ay uga qeyb qaataan kulankaas nabadeed.

 

Safarka Barre Hiiraale oo ahaa mid la sugayey ayaa waxa uu ku soo beegmay xilli waxgaradka iyo shacabka beelaha Sadde iyo Garre ay diyaar u yihiin dhameynta khilaafaadka ka dhaxeeya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this