Sign in to follow this  
Jacaylbaro

A Witness from Somalia's Note

Recommended Posts

u2d200751311035faam175ddj8.png

 

hadhwanaag 2007-05-13 (Hadhwanaagnews) Waxaan magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Somalia kasoo tagay maalinimo Khamiis ah bishana ay ku beegan tahay 10 May 2007, xili barqanimo ah waxaan kasoo raacay diyaarada Air Jabuuti oo i keentay magaalada Hargeysa ee caasimada dowlada madaxa banaan ee Somaliland.

 

Magaalada Hargeysa markaan imid ayaan la kulmay soo dhaweyn aad u balaaran iyo dhamaan shacabka reer Somaliland oo aad usoo dhaweynaya dadka ka imaanay gudaha Somalia gaar ahaan magaalada Muqdisho oo maalmihii ugu dambeeyay dagaalo xoogan ay ku dhex marayeen ciidamada Dowlada KMG ah ee Somalia oo garab ka helaya kuwa Ethiopia iyo kooxo kasoo horjeeda.

 

Muuqaalka guud ee Magaalada Hargeysa ayaa ah mid soo jiidasho leh,waxaana mar kaliya aad dareemeysaa in aad soo gashay Magaallo Madax ay ka jirto Amaan iyo Dowladnimo ay dadka Magaallada Hargeysa degan ku naaloonayaan,Taasi oo aad oran karto Waxaa ay Hargeysa ku muteysatay inay noqoto Magaallo u hanqaltaagtay inay Xarun u noqoto Dowlada Somali Land oo ka Madax banana Somalia inteeda kale.

 

Waxyaabaha I cajab geliyey ayaa ah kadib markii aan arkay Garoonka Hargeysa oo u dhisan sidii inaysan Walikiis meesha uu ku yaal uusan Dagaallada Sokeeye ee la harey Somalia inuusan ka dhicin,Waxaa indhaheyga qabanayeen Howl-wadeenada Garoonka oo u muuqda inay yihiin kuwa had iyo jeer heegan u ah ka soo dhalaalida Howlahooda ku aadan Garoonka Hargeysa.

 

Dhismaha Wadada ay kusoo degaan Diyaarahaha ka duula ama kusoo dega Garoonka Hargeysa ayaa ah mid si weyn looga taxadarey Dhismihiisa,Waxaana igu soo dhacday markii aan la yaabay qaabka dhismaha Garoonka inaan Howl-wadeenada weydiiyo waqtiga la dhisay Garoonka oos idan loo hagaajiyey Dagaalladii Sokeeye kadib,Waxaana ay iisheegeen Mas’uuliyiintii aan Halkaasi kula kulmay in in badan gacanta lagu hayey Garoonka iyo sidii loo horumarin lahaa,Laakiin Howshii ugu badneyd ayaa ah kadib Markii Maamulka Hargeysa uu xirey Garoonkaasi mudo dhan 40 cisho Taariikhdu markii ay aheyd 27-01-2005,Xilligaasi oo Garoonka Hargeysa laga qabanayey Howlo dhinaca Dhabada ay Diyaaraha kusoo degaan ah.Taasi oo horseeday in Maanta Dadka aniga oo kale ah ee yimaada ay la yaabaan qaab dhismeedkiisa.Waana mid mudan in lagu Amaano Maamulka iyo Shacabka Somali Land howshaasi ay qabsadeen.

 

Waxaan daqiiqado yar kadib aan usoo gudbay Gudaha Magaallada aniga oo xilligaasi asxaabta igu soo dhaweysay Magallada Hargeysa aan ka dalbaday inay igeeyaan Hotelka aan Magaallada ka dagi lahaa,intii aan usoo soconay Hotelka aan dagi rabo ayaa waxaan la kulmay Yaab kii hore ka daran oo gudaha Magaallada ah,Waxaana igu soo dhacday MaahMaahdii Somalida ay oran jirtay ee aheyd “ Nin Aduunyo joogoow Maxaad aragtay kuulaaban” Taasi oo aan uga dan leeyahay Waxaan horey qoraalkeyga idiin ku sheegay sida aan ula dhacay Bilicda Garoonka Hargeysa,Laakiin waxaan la sii indha daraan-darey kadib markii aan soo galay Magaallo ay ka muuqato in dadkeeda ay ku tartamayaan Horumar iyo inay Dhamaantoodka go’an tahay sidii Hargeysa wax ula qeybsan laheyd Caasimadaha Africa,Maadaama ay Xarun u tahay Dowlada Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin kadib Markii Shacabiga degan Somali Land ku dhawaaqeen inay Somali Land ka goday Somalia inteeda kale.

 

Ganacsiga,Waxbarashada,Caafimaadka,Saxaafada iyo Dimuqraadiyada ayaa waxaa la dhihi karaa Dadka iyo Dowlada Somali Land kaalin weyn ayey ka gaareen,waxaana Mararka qaar igu soo dhacda in Somali Land mudan tahay in loo aqoon sado Hooyada Horumarka Geeska Africa,Waxaana markii aan intasi arkay meesha ka baxday Fikradii aan ka qabay Somali Land ee aheyd in Aduunyada Caburin karaan Hamiga Dowladnimo iyo Horumarineed ee Somali Land.

 

Waxaan isha la raacaba Muuqaalka Magaalladii ahaan jirtay Caasimada Labaad ee Somalia hadase ah Caasimada Maamulka Somali Land ayaan waxaan soo gaarey Hotelka la yiraahda Oriental Hotel Kaasi oo ku Yaal Bartamaha Magaallada Hargeysa,Waxaana Halkaasi iigu diyaar ahaa oo igu soo dhaweeyey Qaarka mid ah Saxaafada Somali Land iyo Maamulka Hotelkaasi oo la ii diyaarshay inta anan ka soo duulin Caasimada Somalia ee iminka Xarunta u noqotay Dowlada Taagta daran ee Somalia iyo Dowlada Itoobiya.

 

Waxaa Xaqiiqo ah inta aad joogto Somali Land in aad ku arkeyso Calaamado kuu muujinaya Sida ay Dadka Somali Land uga xun yihiin dhibkii ay u geysatay Dowladii 21 Sano Somalia ka talineysay,Waxaana Xarunta Qeyriyada Magaallada Hargeysa la dul saarey Diyaarad Nooca Dagaalka ah oo dul saran Darbi lagu shixnaday Sawirada dad ay waxyeeleyneyso Diyaaradihii lagu Duqeeyey Magaallooyinka mid ah Somali Land,Waxaana inta aad Daawaneyso kugu soo dhaceyso Naxdin aan la saadaalin Karin.

 

Daqiiqadihii aan daawanayey Diyaaradaasi,waxaan Sidoo kale igu soo dhacday in Arintaasi oo kale ay dhawaan ka dhacday Magaallada Muqdisho iyo qeybo ka mid ah Somalia,kadib markii ay Ciidamada Dowlada Itoobiya oo fasax ka heysta Dowlada Taagda daran ee Somalia xasuuq aan loo meel dayin ku sameeyeen Dadka Somaliyeed ee ku nool Badi Caasimada Somalia,Dadka Somali Land ayaana wajiyadooda laga dareemi karaa Su’aalo ay weydiinayaan Dadka Muqdisho ee iminka baqada ku yimid Deegaanada Somali Land dhibka ay Leedahay Dadkaaga oo lagu Xasuuqayo Diyaaraha Dagaalka iyo Hubka culus.

 

Maalin kadib ayaan waxaan usoo gudbay magaalada Barbara oo aan haatan joogo intaan jidka kusoo jiray ayaan waxaan lasoo kulmay deegaano dhowr ah iyo tuulooyin labada magaalo u dhaxeeya,Waxaan arkay Buuro waa weyn oo sida sil silada isku dhow dhow kuwaaso la ii sheegay inay yihiin kuwo kala qeybiya Somaliland iyo Ethiopia, waxaan sidoo kale arkay goobta ugu dambeysa oo labada dal ee Somaliland iyo Ethiopia kala qeybisa oo beer ah.

 

Waxaan soo gaaray galabnimadii magaalada Barbara waxaana aad iigu soo dhaweeyay eheladeyda iyo qaar kamid ah Asxaabteyda Barbara ku sugan,Magaalada Barbara ayaa ah magaalo aad u qaboow waloow la ii sheegay in xiligaan qaboowga jira uusan aheyn qaboow sidaas u weyn marka loo eega bilaha soo socda oo la ii sheegay in qaboow xoogan uu ka bilaaban doono mararka qaarna baraf dhulka kusoo daadan doono.

 

Suuqa Barbara ayaa waxaa ka socda ganacsi aad u weyn iyadoo dhamaan dadka Barbara ku dhaqan aan ku amaani karo qaabka la dhaqanka dadka reer Koonfureedka ah iyo sida ay usoo dhaweynayaan,Dhalinyarada Barbara ku dhaqan 99% waa kuwo wax barta oo waqtigooda intiisa badan ku mashquulsan wax barashada, iyadoo ay dhigtaan jaamacad la yiraah Camuud oo ku yaala duleedka Barbara,Dhalinyarada reer Barbara ayaa lagu amaani karaa qaabka labiska oo aan u doortay kuwo ugu labiska iyo xarakada qurxoon dhalinta Somaliland oo idil.

 

Magaallada Barbara Waxaa ku Aasan Aabaha Jaceylka Somalia ee Boodhari,iyaddoona inta badan Abwaanada iyo Qoraayaasha Somalia ay Suugaan ahaan iyo Qoraal ahaanba kusoo qaataan Qabriga Boodhari iyo waliba Tariikhdiisa Jaceyl,Taasi oo ka dhigtay in Dadka halkan ku nool ay tixgeliyaan Jaceylka iyo Waxa uu yahay.

 

Magaallada Waxaa ku taal Duleedkeda Warshadii Sibirka ee Dalka Somalia,Laakiin iminka hoostagta Maamulka Somali Land,waxaana Dhawaan soo shaacbaxday in Maamulka Daahir Riyaale uu doorano inay dib u shaqo bilowdo Warshadaasi oo ay soo saarto Sibirkii ay soo saari jirtay,Taasi oo haddii ay suuro gasho horseedi karta Shaqooyin ay ka helaan Dadka Reer Somali Land iyo Waliba iyaddoo ay baaqan doonto Sibirka inta badan laga keeno Dalka Dibadiisa.

 

Magaallooyinka Hargeysa iyo Barbara ayaa waxaa ay kaga duwan yihiin Magaallooyinka Kale ee Somalia ee aan ka imid iyaddoo ay Haweenka Dalkan meesha ay doonaan ku wataan Gawaarida ugu Quruxda Badan isla markaana aysan ku wehlin wax rag ah,Arintaasi ayaa Waxaa ay Aduunka u bidhaamineysaa inay tahay Guud Ahaan Dalka Somali Land mid ay ka jirto Nabad iyo Horumar la dhihi karo ma aysan gaarin wali Qaarka mid ah Dowladaha Africanka oo aqoonsiga Caalamiga ah heysta.

 

Waxaase isweydiin mudan Haddiiba Somali land oo aan weli helin Aqoonsi Caalami ah ay sedan Horumar ku sameeyeen,Maxaa laga Filan karaa Haddii ay helaan Aqoonti Dowladnimadooda ah,Xeeldheerayaasha darsa Dowladnimada iyo Dimuqraadiyada waxay arintaasi ku tilmaameen inay tahay Jawabateeda in Somali Land noqon doonto Mustaqbalka Meel looga daydo Dowlad Wanaaga iyo Xoriyada Bini’aadamka.

 

Iminka waxaan ku sugnahay Magaallada Degada leh ee Barbara,waxaana dhawaan socdaalo sidan oo kale ah ku tagi Doonaan Magaallooyinka ugu Magaca Weyn Guud ahaan Dalka Somali Land,Waxaana kuwaasi ugu soo horeeya Magaallooyinka Burco iyo Shiikh,iyaddoo aan Akhristayaasha u balan qaadayo inaan usoo gudbin doono Warbixinada iyo Sawiro salka ku haya Xaqiiqda aan kusoo arko Deegaanada Somali Land.

 

 

W/Q Abdifitah Ahmed “Aam”

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this