Sign in to follow this  
Cowke

Puntland Health Minister Meets Islamic Relief Donor In Nairobi

Recommended Posts

Cowke   

Wasiirka-Caafimaadka-puntland-dr-cali-ca

 

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka PL Prof. Ali Abdullahi Warsame oo Nairobi Hawlo Shaqo u Joogo

 

Wasiirka Caafimaadka puntland Dr Cali Cabdulaahi Warsame

 

Waxaa maalmihii la soo dhaafay booqasho shaqo ku joogay magaalada Nairobi-Kenya Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka PL Prof. Ali Abdullahi Warsame.

 

Wasiirku wuxuu martiqaad rasmi ah ka helay qaar ka mid ah hay’adah ka caawiya Puntland horumarinta adeegyada Caafimaadka wuxuuna inta uu joogo Nairobi ka kulmi doonaa inta badan hay’adaha PL kala shaqeeya adeegga Caafimaadka iyo qaar ka mid ah saafaradaha wadamada daneeya inay wax ka qabtaan xaaladaha caafimaadka shacabka soomaliya, gaar ahaana Puntland.

 

Wasiirka ayaa kullankiisii ugu horeeyey wuxuu maanta (2o.07) la qaatay Hay’adda Islamic Relief. Kullankaas oo ay ka soo qaybgalleen masuuliyin sare oo ka socday Hay’adaas oo uu hogaaminayey Mr. Iftikhar Ahmed Shaheen, kaasoo ah mas’uulka ugu sareeya Islamic Relief howlaha ay ka wado Somalia.

 

Kullankaas ayaa Wasiirku wuxuu warbixin dhamaystiran ka siiyey Islamic Relief baahida caafimaad ee ka jirta Puntland iyo qaabka ugu haboon ee wax looga qaban karo. Sidoo kale Prof. Ali Abdullahi ayaa uga mahadceliyey Islamic Relief shaqada ay ka wado Puntland xaga caafimaadka iyo Waxbarashada.

 

Islamic Relief waxay ka mid tahay hayadaha fara ku tiriska ah ee Muslimka ee ka howlgala Somalia, waxayna wax weyn ka qabatay adeegyada caafimaadka iyo waxbarashada. Bilihii ugu danbeeyey Islamic Relief waxay gargaar xaga caafimaadka ka gaysatay xiryaha dadka soomaliyeeed ee kasoo bara kacay koonfurta Soomalia ee nool Puntland, gaar ahaan ku yaala Magaalada Gaalkacyo-Gobolka Mudug. Islamic relief waxay bilihii la soo dhaafay u fidisay gargaar caafimaad in ka badan 4000 oo bukaan ah oo ku kala nool xeryaha qaxootiga ee gaalkacyo.

 

Waxay sidoo kale dhistay 3 xarummod oo caafimaad oo ku meelgaar ah (temporary treatment shelters) iyo 10 goobood oo qashinka lagu shubo kuwaas oo dhammantood loogu talagalay qooxitiga ku soo bara kacay Puntland. Islamic Releif waxay sidoo kale ugu deeqday Isbitaalka guud ee Galkacyo gargaar deg deg ah oo ka kooban daawo iyo qalab lagu qiimeeyey USD 60,000/- iyo waliba 3 matoor oo ah kuwa dhaliya korontada. Waxaa kale oo ay Hay’adani ugu deegday Xarunta Wasaaradda caafimaadka 2 baabuur oo ah nooca gargaarka deg- dega (umblances) kuwaas oo ay rajaynayso wasaaraddu inay dhawaan soo gaaraan xarunta Wasaaradda ee Garowe.

 

Ugu danbayn waxaa ay hayaddu dhawaan bilaabaysaa in ay la wareegto ka shaqaysiinta iyo howlgallinta dhowr xarumood oo ka mid ah xurumaha hooyadda iyo Dhallanka ee Puntland oo aan hadda shaqaynin, waxaana sidoo kale ay waddaa inay taageerto Isbitaalka Guud ee Garowe ayadoo ballan qaaday in ay door weyn ka qaadato tayaynta iyo sare u qaadida xirfadda iyo aqoonta shaqaalaha ka howlgala Isbitaalka Guud ee Garowe.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this