Sign in to follow this  
Xaq

Cabdulahi Yusuf: I will name a new PM and cabinet within 3 days

Recommended Posts

Xaq   

Madaxweynaha dowladda kmg Soomaaliya oo sheegay in ay dhacday Xukuumada isla markaana uu soo magacaabayo 3-maalin gudaheeda Xukuumadda iyo Ra'isul wasaare.

link

 

Posted: 12/14/2008 8:42:00 AM

Shabelle: BAYDHABO

Madaxweynaha dowladda kmg Soomaaliya oo warbaahinta shirjaraa'id u qabtay ayaa sheegay in ay dhacday sharci ahaan Xukuumadda isla markana uu soo magacaabayo 3-maalin gudaheeda Xukuumadda iyo Ra'isul wasaare.

 

 

 

Kadib shir jaraa’id oo uu goor dhow ku qabtay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay madaxweynaha dowlada kmg Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa waxaa uu ku sheegay in sharciyan ay dhacday Xukuumadda uu hogaaminayay Ra'isul wasaare Nuur Cadde isla markana uu mudo 3-maalin gudaheeda soo magacaabayo Ra'isul wasaare iyo xukuumadd intaba.

 

 

 

Madaxweynaha oo arimo badan uga hadlay shirkiisa Jaraa'id ayaa waxaa uu sheegay in uu Taabacsan yahay Heshiiska Jabuuti isla markaana halkiisa uu ka sii socon doono Balse waxaa uu tilmaamay in loo baahan yahay in meesha laga saaro Qodobo Yar yar oo uu ku sheegay in ay ka hor imanayeen Axdiga Kmg Soomaaliya.

 

 

 

Goobta uu Madaxwynaha dowlada kmg Soomaaliya shirka Jaraa'id uu ku qabanayay ayaa waxa barbar fadhiyay Max'ed Cumar Xabeeb (Max’ed Dheere) oo horay u ahaa duqii magaalada Muqdisho oo uu xilka ka xayuubiyay Ra'isul wasaare Nuur cadde oo mudo 3-maalin ah madaxweynaha la lahaa Shir Ay irdaha u xiran yihiin,waxana la tuhunsan yahay in Madaxweynaha uu damacsan yahay in uu u Magacaabo Ra'isul wasaare Max'ed Dheere.

 

 

 

Magaalada Baydhabo oo uu madaxweynaha ka shaaciyay in wax xukuumadd ah aysan jirin oo ay sharciya dhacday ayaa waxaa ku sugan Ra'isul wasaare Nuur Cadde oo ay si weyn isugu dhacsan yihiin mana jiraan Wax war ah oo dhankaasi ka soo baxay waxana la tuhunsan yahay in uu qaadici doono oo uusan Aqbali doonin Nuur Cadde hadalka ka soo yeeray Cabdullaahi Yuusuf.

 

 

 

Saacadaha Soo aadan ayaa lagu wadaa in Shir ay xarunta Baarlmaanka ku yeeshaan Xildhibaanada dowlada kmg Soomaaliya.

 

 

 

Wixii warar ah ee ku soo kordha kala soco Shabelle.net hadii uu illaah inoo Saamaxo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this